Sumal Baraar Kumo Jiro-e Siilaanyo Waa Madax!


 


Alla Magane waa koox
Kasmo iyo aqoon iyo
xirfad lagu kalacayoo
Kabtan adagi laylshoo
Inta loo kitaab furay
Kaaf iyo Wa-tiin iyo
Yaasiin Ku Kaariman!

Meeshu waa Djibouti iyo habeen la xusayay 40 guuradii qoristii farta Soomaaliga ee 1972-kii hirgashay! Dad ka kala yimid degelada Soomaalida afkeeda la xusayaa degto oo la soo marti qaaday oo jaad kasta oo bulshadu ka kooban tahayba leh ayaa madasha fadhiya. Waxa rag a golaha dooyaysatay ka mid ah, oo ah waliba ninka ugu tunka wayn leh marka dhan kasta laga eego, haday tahay Aqoon, waayo-aragnimo, cod-karnimo, magac, maamuus, milgo iwm, madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamad Maxamuud ''Siilaanyo''!!!. Furistii xaflada ka dib, hadalkii la bilow oo dadkii loogu talo-galay inay wax ka yidhaahdaa dhacdadani miramirayste makarafoonka! In door ah dabadeed, isku tuba-ridahii qaybinayay hadalka ee magacyada dadka naadinayay ayaa ku lalabay, in markani yahay markii uu hadal ka u baxi lahaa, ninkii ay dadku goorahanba sugayeen ee la wada naawilayay, waa mudane Axmed Maxamad Maxamuud ''Siilaanyo!

Sacab iyo yuhuun gobeed lagu qaabil, qof kasta oo golaha fadhiyayna (mijo iyo madax) sidii arday macalinkoodii Fasalka u soo galay foojignaan iyo u fiirsasho buuxda dhegaha u furay! Alla magane, Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo-na, waxii laga filayay iyo dheeraadba goobtaa iyo Goortaa ku maashee. Hanka iyo isku kalsoonida qofeed ee karkaarada jabsatay ka sokow, gole jooga iyo biliga uu la soo kacay ee uu la soo shir yimid ayaa ashqaraar ku wa da riday daawadayaashii! Inuu yahay nin ay umad idili dooratay oo xil qaran oo u qalmo sidda cidina isma waydiinayn. Qof kasta oo meeshaa fadhiyayba kol ay ku tahay labada madaxwayane (djibouti/Somalia), wax ka duwan oo aan markaa cid kale ka muuqan ayaa ka widhwidhayay oo gibilka mudane madaxwayne Axmed Maxamad Maxamuud ''Siilaanyo'' saarnaa, taas oo ahayd magac dheg-samaan ku da' tirsaday oo in wayn jiray, oo ugu yaraan 50-kii gu' ee u dambeeyay sooyaaalka gayiga geeeska Afrika barriisaday. CV-giisa ayaa kaaga filan oo ay ugu taalaa sidani, dhaqaale-yahan, Siyaasi, Mujaahid, Aqoonyahan, gudoomiye xisbi-mucaarid, Maaxwaynaha qaranka Somaliland iwm.

Hankii dadku u qabay iyo soo jireen-nimadiisii hungo ma noqon ee saluug la'i ayuu waxii laga rabay bojiyay! Oo Laba eray oo af-soomaaliga ku jira (qorshe iyo jaan-goyn) oo kali ah oo uu goobtaa dadka uu ugu sharaxay qaabkii ay ku yimaadeen iyo waliba, sida ay adeegsi ahaan u dhaqan galeen iyo kaalintii uu isagu ku lahaa ayaa ifisay gun-dheerida kaska iyo bisaylka qofeed ee Mudane Axmed Siilaanyo!

Taas hadaba inaga oo ka duulayna, guntanayna ninka aan ka hadlayno tayadiisa, maankana ku hayna duruufaha uu dhex-jibaaxayo qarankeena aan wali la ictiraafin ee curdinka ah ee Somaliland, ee cadawyada badan ee jaadadka kale duwan ee mid gudeed iyo mid dibadeedba ahna leh, ma kula tahay in ay jirto cid kaga haboon oo maanta si kasta oo loo eegaba ka sidataa oo loo yeedhyeedhaa, madaxwaynaha dalka haatan hogaankiisa haya? waa mudane Axmed Maxamad Maxamuud-e.

Allaylehe hadaan habrasho, aqoon la'i ama ujeedo kale oo qarsooni jirin ee si dhab ah looga jawaabo su'aasha dusha, waxan calool diirani ku odhanayaa uma soo hoydo carriga Somaliland iyo dalalka la ollogo ahba nin maanta hormari karaa ama ka ruug cadaasan mudane Axmed Maxamuud. Waxana aan si aan waabasho lahayn ugu kalsoonahay in xurfad iyo bohol kasta oo ka hor qodan aayaha dhaw iyo ka dheerba qaranka Somaliland, uu madaxwayne Axmed Siilaanyo dhaayaheeda leeyahay uu kaga duwo oo uu kaga badbaadiyo. Inteeda ayuu soo jiray!

Uma gabato ariniye madaxwayne Axmed Siilaanyo, markii uu taloda qarankeena qabtayba waxa uu dhaabad adag dhigay siyaasadii dibada, isaga oo xilkeeda gudoonsiiyay nin da' yar oo aqoon iyo edaab lagu galaday oo Sikhil ku ah odoroska iyo dhamaystirka hawlaha wasaaradeed ee loo igmaday, waa Dr. Maxamad C/laahi Cumar. Intaa uu wasiirka ahaa Dr. Maxamad, waxa uu gaadhsiiyay karaamada dalkeena meel aad u saraysa oo aan aad ugu wada faraxsanahay, oo ay ugu dambaysay, in Somaliland iyo Somalia ay laba siman ku ahaadaan fagaarayaasha dunida, Waa guul wayn.

Dhanka gudaha, waxa uu mudane Axmed iyo xukuumadiisu qabteen, hawlo badan oo qaar qabyo ah oo ay dhamays tireen iyo kuwa cusub oo ay iyagu yagleeleenba leh. waxa ka mid ah kuwan kooban;

1- Lacagtii giimbaarta ahayd ee G/Togdheer laga bedelay
2; Dakhligii dawlada u soo xeroonayay oo dhawr-laab noqday
3; Fujadii (mushaharkii) Shaqaalaha oo laba-laab la kordhiyay
4; Idaacad wayn oo dalka la keenay
5; Nabad ka curatay bariga dalka (Buuhoodle)
6; doorasho balaadhan oo la qabtay
7; Darajadii ciidamada oo raacii u horeeyay si caaqiibo leh loogu TAXAY!

Waa inyar oo aan geerka uun ka soo yara daray waxyaalaha u qabsoomay dalkeena intii ay talada dalku gacanta Axmed Siilaanyo iyo kuldadiisa ku jirtay ee hada la soco! Inta aad adba ogtahay ee aan dhaafay ayaa camuudaas ah.

Dhinaca kale, markii madaxwaynaha loo doortay mudane Axmed Siilaanyo, lama qiyaasi karo niyad-jabka ku yimid cadawgii Somliland ee turaanturada horumarka Somaliland jeclaa. Waa ay quusteen oo ay qar-goosteen! Sababtu wax kale ma aha ee waxa weeyi, Aarkii dudada ugu micid dheeraa ayaa kadinka reerka fadhiistay! Markaa ma dhurwaa iyo dacawbaa bawdka soo hawaysan inay soo jabiyaan? Haba ka yaabin. Aan ku sii yara daro waliba e, sida aan dusha ku yara iftiimiyay, mudane Axmed waa nin saaxada siyaasadeed guun ku ah oo soo taagnaa in door ah oo waliba, mar kasta iyo meel kastana heerkeeda sare taagnaa, marka ma jirto mana soo bixin sabab loogu warwaraa jiritaanka Somaliland!

Qoraalada dhawaanahan lagu baahinayay war-baahinta reer Somaliland ee dhaliisha ka badbadiska ah iyo aflagaadada ku jeeda madaxda dalka ahna waxa ka wacnaan lahaa, in qaab ka xanaf iyo xajiin yar loo sheego waxii ay seegtay ee ka baylahsan dawladu. Xaasha e, cayda iyo ceebaynta qof-eed ama qabiil ma haboona. Isku soo duuboo muwaadin kastaa in uu sheego waxii laaxin ah daw ayuu u leeyahay, balse isna ha garto waxa garta loogu leeyahay oo ay ugu horayso; ''Dhawrista karaamada qofeed, kooxeed, goboleed, diimeed iwm''. Iska baabacee oo ku durduri wax kasta ma aha mucaaridnimadu.

Isku soo duub; Waxan leeyahay waar dalka aan u-tudhno oo aan ku garab joogno waxna la qabano kolba cidii uu Ilaahay (swt) maamulkiisa u dhiibo. Sidaasi ayaan hore ugu mari karnaa, sidaasi ayaan wax ku noqon karnaa, sidaasi ayaan cid kula tartami karnaa, sidaasi ayuu inagu wada deeqi karaa.

Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto.
 


Cali Cumar Xasan