sumacada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka oo kor u kacday

 



Ka dib markii dawlada maamulka soomaliland ay bilaabeen ugaadhsadaaan raga wax dhaca ee loo yaqaano qawlaysatada hantida umada booba ayaa waxa sii xoogaysatay sumcada maamulka dawlada ee uu hogaanka u hayo mudane xaaji axmed maxamed maxamuud siiraa nyo oo ah madaxwayanaha s/land xaajiga ayaa markaliya dunida ku noqday dayax nuuray.
sidoo kale waxa asaguna sumcad tii ugu waynaday qaatay maxadwayne ku xigeenka somalil and mudane cabdiraxmaan saylici.mudane saylici ayaa waraysi uu bixiyay dhawr jeer marna aan runta iyo xaqiiqda ka gaban ee si waafiya u sheegay inay hayaan sadex masuul oo hanti umadeed dhacay.


Badhasaabka maroodi jeex MAXAMED CUMAR CABDILAAHI [xamarji]
agaasimaha guud ee dibu dejinta AXMED CILMI YARE
la taliyaha madaxwayne ku xigeenka CISMAAN SCIID JAAMAC
waa sadexda masuul ee lagu qaaday inay xadeen xatooyo xoolo umadeed runtii waa wax a ad looga xumaado nin wayn oo masuula oo askari dhegta jiiday ka dib jeelka ku tuuraY intuu tukhaan tukhiyay asagoo waliba u sii raaciyay waxaad tahay masuul xun waxaanad cuntay xoolihii umada [ SHAME ON YOU].

hays odhan cidi kuma arkayse,
afka buuxso
hays odhan cidi kuma arkaysee
aqalo jeexo
nin xil qaaday eed qaadyeeey hoy hooy
kuwani ayagu mucaawimadii yarayd ee caruurta agoonta iyo maatada jilicsan lahayd ayay ku talo
xumoobeen!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Talaabadan cusub ee dawlada somaliland bilawday ee ay hormoodka ka yihiin madaxwayna ha mudane xaaji axmed siiraanyo iyo madaxwayne kuxigeenka mudane cabdiraxmaan saylici ayaa noqon doonta mid u horseedi doonta masuuliyiinta kale ee mustaqbalka xukunka qaban doona inay ku daydaan taliska ciidanka policka ayaan ayaguna marna la daboolo karin sida geesinimada leh ee ay uga qayb qaateen hawshan lagu soo qabanaayay raga xaday xoola ha umada

Wadamada yurub qaar badan oo ka mida iyo aduunyada badankeeda kama dhacdo tan
maanta ay horseedeen maamulka dawladu. waa cadaalad iyo dimuquraadiyad iyo ilaalinta sharciga oo runtii ay xilkeeda kasoo baxeen waaanay ku amaanan yihiin

gabagabdii

Hanbalyo wayn ayaanu u dirayaa madaxwaynaha somaliland iyo madaxwsayne ku xigeenka s/land sidoo kale ciidanka policka ayaan ayagana aad u hanbalyaynayaa waxaanan leeyah ay waxaad samayseen waa arin taariikhiya waa wado aad tusteen kuwa idinka danbeeya
in dhaca hantida maatada iyo xoolaha dadwaynaha ama kuwa dawladuba aanay dalka som aliland ka banaanayn


wabilaahi tawfiiq
 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London