Suldan Maxamed Suldan Cabdiqadar waa hormoodka salaadinta nabada
jecel ee JSLand

Runtii maan jecleyn in an qoraal soo diro bishan ramadan ee
barakeysan oo ah bil mudan in qo f wal oo muslimihi ba cibaada
badiyo islamarkan waajib ah ina dhawrto afkaaga iyo adinkaaga oo ad
ka dheeraato waxwal o dhibaateynkara waajibaadka faralka soonkaaga.
Waxase runtii igu kalifay inaan qoraalkan soo qoro dadbadan oo an
xog badan ka heyn sababt a ama xaqiiqda ah ee kaliftey inuu Suidan
Maxamed sidaa u hadalo, Suldan Maxamed suldan A bdiqadar wuxu ka mid
yahay islamarkan hormood u yahay salaadinta JSL ee nabada iyo horu
marka jecel waan dadka runtii dareensan in ey nabadu macaantahay
wadajirku wanaagsan y ahay, dagaalka iyo dhibaatada halisteeda
leedahey og.
Runtii dadbadan oo warma ogaha eya kusoo baraarugay hadalka suldan
Maxamed oo an isba weydiin maxa suldanka ku kalifay inuu sidan u
hadalo, diinta suuban waxay ina fareysa INAAD WALAALKA U HIILISO
HADII U GARDARAN YAHAY OO AD QABATO, HADII LAGA GARDARN YAH AYNA AD
U HIILSO OO AD ISBARBAR TAAGO OO AD XAQIISA U SOO DHICISO,
Runtii Suldan Maxamed suldan Cabdiqaadir wuxu ergo dhexdhexaada ah
ka galay arinta ama k hilaafkan UCID ee labada garab, wuxu geed
dheer iyo geed gaaban ba u fooley inu khilaafkan soo afjaro, waxan
runtii an ka mid ahaa ragguu qoraalada u soo qorey ee uu yidhi
joojiya qor aalada taageerada ah ee ad qarab ku taageereysan, wuxu
suldanku labada garab ba u luley go'a nabadeed, wuxu ka dalbaday in
ay joojiyaan wixi cawaaqibxumo keeni kara ee mas'uuliyi nta xisbiga
kala fogeyn kara in ay joojiyaan, wuxu suldanku si toos ah ula
xidhiidhay dawlada iyo madaxbadan o bulshada qeybaheeda kala duwan
ha, markuu dawladii iyo madaxdii qaran ka uu ka waayay hiil iyo hoo
toona wuxuu ogaaday in ay arintani tahay mid ay dawladu lug w eyn ku
leedahay oo ay dooneyso in ay labadan garab isku jabiso oo xisbiga
UCID sidaa albaab ada loogu xidho, wuxu suldanku ogaaday in an
runtii baaqiisa nabadeed cidi ba dheg u dhigey n oo ay dawladu
dooneyso in ay xiisadu sidaa u sii socoto, taasa runtii ku kaliftey
inuu dawla da u jawaabo habdhaqankeeda xun iyo sida ay colaad u
hurineyso.
Waxan leeyahay dawladan maanta jirta ha ka deyso hagardaamooyinka
bulshada JSL ee naba da jecl, ha ka deyso qeybsanaata beelaha JSL
lagu qeybinayo, waxay somalidu tidhaahda KA RIS XUN IYAN WAX KU LA*,
hadii shacabka loo qeybiyo beelo waxay dawladuna ka mid noqon doonta
beelahaasi loo abtiriyay uun oo dawlada beel uun ba fooda loo saari
doona ama lagu shaanbadeyn doona haddii an ey ka ilbixin beeleysiga
iyo qabyaalada bulshada lagu kala foge yneyo, runtii sheekadu
noqonmeyso dhagaxtuur iyo kabo wado la isla taago,ee waji hore inoo
soo maray oo aynu ka soo doogney baa dib inoogu soo noqon doona oo
an dawlad iyo shacab toona an dan u aheyn.
Waxan qoraalkan yar kusoo gabagabeyneyaa waa bil ramadan dawladu
hakale dhexbaxdo hagardaamada xisbiga UCID iyo arimaha beelaha ba oo
ha joojiso isku dhufashada bulshada walaalaha ah ee doonida wada
saaran ee nabada jecl.
Wa bilaahi tawfiq
Omar Darood Hassan
Gudomiyaha
Nordic ee xisbiga ucid |
|