Suldaanoow waa Sidee?

 

 

Siyaasigii baa yaabay ee suldaanoow waa sidee?


 

Nabad akhristayaal, salaantaasi kaddib; salaadiinteennii maxaa ku dhacay? Miyay taladii cayn wareegtey oo carruurtaa loo dhiibey? Cajab! Allaa i lehe, waa weger iyo ka waaweyn!!


 

Soomaalidu waxay suugaan ku tidhi, " Geela duqdiisii durdurisay, maxaad aarankiisana u malayn?"

Haatanna waxa taagan, ummaddaad odaygeedii arkaysid; maxaad ubadkeedana u malayn?!


 

Nin yaabay ayaa waxa laga hayaaa," Ma anigaa waalan, mise Cadan ayaa laga heesayaa?"


 

Haddii aynnu intaasi ararta iyo anfariirka ku dhaafno, waxaynnu beryahan qalabka warbaahinta kala soconey; salaadiintii Somaliland oo siigada isku qasaya oo midiba si u dhawaaqayo - inkasta oo ay xumaanta ay bulshada ku beerayaan iyo hadal xajiimeedka ka sinnaayeen; waa intii isku jawaabtaye!


 

Beribaa laba qolo masaajid isku qabsadeen oo ay maalin walba qaaqdu yeedhay. Nin baa aad uga yaabay arrinkooda. Maalintii dambe, ayuu ninkii na weydiiyey waxan la isku haystaa waxa uu yahay! Waxannu ugu jawaabney dee waa masaajidka. Isaga oo yaabban, ayuu yidhi," OO masaajidku miyaanu ahayn halkii lagu tukan jirey ee laga tegi jirey, maxaa soo galay ee laga helay!?"


 

Haatan yaabnaye, suldaanku miyaanu ahayn:


 

  • Kii caqliga lahaa ee cumaamadda lahaa?
  • Kii cisiga iyo sharafta lahaa ee culimada la sinnaa?
  • Kii colaadaha bakhtiin jirey ee dadka kala celin jirey?
  • Kii hablaha bixin jirey ee haybadda lahaa?

 
  • Waa maxay suldaankan caytamaya ee caydhaysani?

Haba lagu quus qaatee, Alle ha naxariistee, xaaji Cabdi oo lahaan jirey (Oriental hotel)ka Har geysa; ayaa habeen nooga sheekeeyey edebtii iyo akhlaaqdii uu lahaan jirey suldaan caan ah aa oo reer Hargeysa ahaa.

 

Xaajigu (Ahun) wuxu hadalkiisii ku bilaabay, " Suldaan hebel ayaa maalin maalmaha ka mid a h iigu yimid hudheelka, markaasaan koob bun (coffee) ah u keenay. Markii aan koobkii u keen ay, ayuu suldaanka kacay oo u makhsin kale galay! Wuxuna igu yidhi suldaankii, xaaji Cabdiyoo daahyada iga xidh intaan koobka cabbayo oo cidna ha ii soo deynin!!!"

Eesh calaa suldaan!! Maanta carruurtii baa ka yaabban caydooda!
 

Horaa loo yidhi, " Lax waliba shilalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa." ee salaadiinteennu haddii sidan doorsan waayaan, si kalaa xigi!

 

Guntii iyo gebogebadii, nin baa laga sheegay," Sodohey fadhigaa fadhi uga noqo." ee suldaan oow sidan bedel oo sidaadii hore ku noqon. Haddii kale adiga iyo meel xun baa is leh.

 

Waxa la yidhi, " Cirroole dantiisa lagu waaniyey ka tag." Innaguna waxaynnu leenahay, suldaa n sabigu waaniyey ka soco!!!


 

Wa bilaahi at-towfiiq


 

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com