Suldaanka Guud ee Somaliland oo ka hadlay marxaladda Dalku marayo, tallooyin muhiim ahna soo jeediyey

 



 


Taiwan oo qudha maaha ee Waddan kasta aynu la xidhiidhno cidda doonta ha xanaaqdee

Hargeysa (TNN) :– Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa ka hadlay marxalad da dalku marayo, gaar ahaan Siyaasadda Arrimaha Gudaha, Siyaasadda Arrimaha Dibedda, heshiiska Xis biyada iyo wakhtiga ay Komishanku ku qabsadeen inay Doorashooyinka ku qaban karaan.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ay aa ayaa isagoo ugu horeyn ka hadlaya Siyaasadda Arrimaha Dibedda wuxuu yidhi “Inaynu xidhiidhka ayn u la leenahay Beesha Caalamka soo koobno maaha ee inaynu balaadhino ayey danteenu ku jirtaa, maxaa yeelay waxaynu nahay dal ictiraaf doon ah, sidaas oo ay tahay mar haddii aynu nahay dal ictiraaf doon ah, waa inaynu garaacno albaab walba oo caalamka ah, oo waa inaynu waddan walba la xidhiidhnaa, Tai wan oo qudha maaha ee Waddan kasta aynu la xidhiidhno cidda doonta ha xanaaqdee, maxaa yeelay Ic tiraaf aynu xaq u leenahay ayaynu raadinaynaa oo aynu baadi goobkiisi ku jirnaa, Dal kasta oo aynu xidh iidh la samaynana waa inaynu u soo bandhignaa inaynu nahay Waddan jira”

Suldaan Maxamed mar uu ka hadlayey Siyaasadda Arrimaha Gudaha ayaa yidhi “Nabadgalyadu waa qaa li, sida lagu helnaa maaha si fudud ee nabadgalyadeena aynu ilaashano, wax kasta oo nabadgalyo daro abuuri karana aynu ka dheeraano oo wax walba wanaag aynu ku raadino”.

Mar uu ka hadlayey heshiiska Xisbiyada ee dhinaca Doorashada iyo qorshaha Komishanka ayuu yidhi “W aan soo dhaweynayaa in is afgarad iyo heshiis laga gaadho Doorashada, oo Xisbiyadu ka heshiiyaan waa na talaabo wanaagsan, kolay Komishanku wakhti bay ku qabsadeen inay Doorashooyinka ku qaban kara an ee inta aan la gaadhin muddada Doorashooyinka loo cayimay, waa in la sii xaliyaa caqabad kasta oo ka hor iman kara Doorashooyinka”

 



Xigasho:  Wargeyska Geeska Afrika