Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan
Maxamed Suldaan C/qaadir
Ayaa Xukuumada uga digay in
Deegaamada Waqooyiga Hargeysa ee xeebta laga reebo diwaangelinta oo
jiritaankooda muran la geliyo sidii doorashadii hore, waxaanu
Suldaanku si adag u sheegay inay deegaamadaasi yihiin kuwo ay
Hargeysi leedahay oo aan muran la gelin Karin.
Sidaa waxa uu Suldaanku ku sheegay mar uu xalay Wargeyska Saxansax
khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay.
Suldaan Maxamed waxa uu sheegay in uu dalku sharci iyo dastuur
leeyahay, hogaanka dalka iyo shicibkana ay khasab ku tahay in la
ixtiraamo, Isla markaana kaas oo haddii la iska tuuro oo dhinac la
iska dhigo ay wax weyn u dhimayso dawladnimada Somaliland,
xukuumaduna ay tahay ta ugu horaysa ee la doonayo in ay dabaqdo.
Waxaanu suldaanku uu cuskaday qodobo uu sheegay in ay dastuurka ku
yaalaan oo tilmaamaya in uu Dalka Somaliland yahay Lix gobol oo ay
magaalo madaxyadiisu yihiin degmooyinkii 60-kii jiray, kuwaasoo ay
xuduudahoodu noqonayaan kuwii 60-kii ka horeeyay.
“Doorashadii hore ee Madaxtooyada ayaa la ogaa oo muran la geliyay,
deegaamada Waqooyiga Hargeysa ee Xeebta oo doorashada laga reebay,
waxaanan qabaa inay taasi markaa hore gef ahayd, waayo Dalku wuxuu
leeyahay sharci, wuxuu leeyahay dastuur waxaana si cad ugu qoran in
lixda degmo ee magaalo madaxyada lixda gobol ay xuduudahoodu
noqonayaan kuwii 60-kii, markaa la jiifiyaana banaan suurtogal
maaha”ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir.
Waxaanu Suldaanku intaa ku daray “Anigu ka Suldaan ahaan kama xumi
in uu Gobolka Awdal wax helo iyo in wax loo kordhiyo toona, laakiin
waxaan ka soo horjeedaa in Deegaamada iyo Gobolada uu xuduudahooda
sharcigu tilmaamay kuu doonaba ha ahaadee in xaq uu leeyahay laga
qaado, waayo hadii ay maanta mid ku dhacdo ka kalena beribay ku
dhacaysaa, loomana baahna, Hargeysina badda kama maaranto inta uu
Ilaahay ka siiyay in laga qaadana ma qabo”
Suldaan Maxamed waxa uu gabagabadii xukuumada uga digay in ay
deegaamadaasi ka hadhaan diwaangalinta sidii ay doorashada uga
hadheen.
Dhinaca kalena waxa uu Suldaanku baaq u jeediyay dadka Deegaanka
Hargeysa oo uu ugu yeedhay in ay isugu yimaadaan kulan ay kaga
arrinsanayaan deegaamadaasi waxaanu yidhi “Xukuumada waxaan leeyahay
oo aan ugu baaqayaa Deegaamadaasi waa in ay ka qayb galaan
diwaangelinta oo aanay ka hadhin sidii looga reebay doorashadii hore
oo kale.
Dadka reer Hargeysana waxaan leeyahay Deegamadani Hargeysa waxay u
leeyihiin Muhiimad, hadalkooduna in muddo ah ayuu taagnaa oo uu gu’i
la’a yahay markaa waxa lagama maar-maan ah in dadka ay khusaysaa ay
isaga yimaadaan oo ay kaga arinsadaan mustaqabalka deegaamadaas,
waxaanan goglayaa beertii ee waa in qorshaha lagu darsado.”
Si kastaba ha ahaatee laba habeen ka hor ayay ahayd markii ay
salaadiinta iyo cuqaasha beelaha Waqooyiga iyo galbeedka hargeysa
iyo Gobolka Gabilay ay qasriga madaxtooyada kula kulmeen madaxweyne
Daahir Rayaale oo ay ugu gudbiyeen cabasho ay kaga hadlayeen
deegaamada waqooyiga Hargeysa iyo Gabiley oo ilaa doorashooyinkii
hore hadal ka taagnaa halka ay raacayaan taas oo ay sheegeen in
deegaamadaasi ay ka mid yihiin Gobolada Hargeysa iyo Gabiley.
Hasayeeshee, Madaxweyne Rayaale waxa uu odayaasha u muujiyey in
aanay xukuumadu diyaar u ahayn in ay cabashadaa iminka ka jawaabto,
oo uu dalku jiro hawlo ka muhiimsan sida diwaan gelinta
codbixiyayaasha deegaamadaasina ay ahaan doonaan sidii ay
doorashooyinkii hore ahaayeen taas oo aan odayaasha u cuntamin.
Wargeyska Saxan-saxo
|