H a m b a l y o  H a m b a l y o


 

Suldaanka guud ee Beelaha Jaarso ee ku dhaqan Dalka Somaliland Suldaan Haruun S heekh Muhumed Cismaan Wuxuu Hambalyo iyo Bogaadin aan lasoo koobi karin u dira yaa Dhamaan Shacabka Somaliland munaasibada 23aad ee gooni isu taaga Somalilan d taasoo ku astaysan 18-ka May,

Anigoo ku Hadlaya magaca bulshawaynta beelaha Jaarso ee ku dhaqan somaliland waxaan hambalyo iyo bogaadin ku aadan sanad guurada 23aad ee gooni isu taaga Somaliland u dirayaa dhamaan Bulshada Somaliland gudo iyo dibadba,

Dhamaan shacab waynaha Somaliland meel walba oo ay joogaan waxaan lee yahay Baguu ilaahay Nabad,Badhaadhe,Hormur iyo Wada jir nagu gaadhsiiyay maalintan qii maha iyo qaayaha leh ee aynu lasoo noqonay Qaranimadeenii taasoo ku timid halgan dheer oo aynu u hurnay Naf iyo Maalba, waa maalin ay mudan tahay in la ilaaliyo lag una soo dhaweeyo walaalnimo Kalgacayl, Tamashlayn, quluub saafi ah iyo Xasilooni,

Gunaanadkan Baaqan Hambalyo waxaan uga faaiidaysanayaa dar-daaran aan kula dardaarmayo Bulsh-waynta Somaliland meelba oo ay joogaan waxaan lee yahay nabaddan aad ku naaloonaysan ilaashada gacmahana isqabsada, Cadowgana meel uga soo wada jeedsada,
Hami iyo Hiigsi ku qotomo sidii aan caalamka uga heli lahayn Citiraaf iyo Xuquuqdii Dowladnimo ee aan ku lahayn Caalamka si aynu u gaadhno aynu ku fara adaygno Nabaddan aan haysano aan ilaashano inagoo la shaqaynayno qaybaha kala duwan ee ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland, (Nabbad baa Naas la nuugo leh).

Ilaahay Sannad-kan Sannadkiisa ha inagu gaadhsiiyo Nabad,Badhaadhe,Barwaaqo,Horumar iyo Citiraaf Caalami ah.
 


Suldaan Haruun Sheekh Muhumed Cismaan.

Wabilaahi Towfiiq.