Suldaanka Beelaha Somaliland Oo Ka Hadlay Hadallo Ka Soo Yeedhay
Madax Dhaqameedka Beelaha Daarood
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
Hargeisa (TNN)- Suldaanka Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan
C/qaadir, ayaa ka hadlay hadallo muddooyinkii u dambeeyey ka soo
yeedhay qaar ka mid ah Isimada Beelaha Daarood oo ku sugan Magalada
Muqdisho, kuwaas oo sheegayey in Somaliland ay ka haysato dhul ay
leeyihiin.
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa uu sheegay inaanay jirin wax
dhul ah oo ay Somalila nd ka haysato Beelaha Daarood, waxaanu
sheegay in dhulka Somaliland uu ka horeeyey xilligii uu Mustacmarku
kala qaybinayey Afrika, isla markaana aanay jirin wax khilaaf dhul
ahi, balse uu jiro khilaaf Siyaasadeed, kaasna lagu dhamayn karo
wada xaajood iyo is afgarad.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo xalay khadka Telefoonka ugu
waramayey Wargeys ka Saxansaxo, waxa kale oo uu ugu baaqay Madax
dhaqameedka Beelaha Daarood in ay ka t aliyaan wanaaga iyo wada
jirka dadka walaalaha ah.
Suldaanka Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa
uu ku eedeeyey isim ada Bariga ee Daarood inay yihiin qaar kala
qaybsan oo ku kala jira Maamullo badan, waxaanu u soo jeediyey inay
dhan u wada jeestaan.
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu
yidhi “Annagu hadaa nu nahay Umadda reer Somaliland, waxaanu u
aragnaa hadalkaas ka soo yeedhay Garaadada beelaha Daarood ee ay
leeyihiin dhul iyo waddan ayaa la kala boobayaa waxaasi ma jiraan,
laakiin waxa uu khilaafku ka taagan yahay waa arrinka Siyaasiga ah,
dhulkan la iskuma hayo waana taariikhi oo barigii uu mustacmarku
Afrika kala qaybinayey Somaliland iyo Somalia laba ayey kala
ahaayeen, waxaan leeyahay khilaaf siyaasi ah ayuun baa jira,
khilafkaasna Xal nabadeed ayaa lagu xallin karaa. Madaxweynaha
Somaliland-na waxa uu ku baaqay Gogol nabadeed in loo fidiyo Dadka
Bariga, waxaana loo baahan yahay inay Gogoshaas nabadeed noqoto mid
adag oo hirgasha, mana aha inuu maalin walba carqalad iyo hadal uu
dhex galo, waxaanan leeyahay cid kasta oo nabadaas xumaynaysa inay
xagga islaaxa u baydho .”
Suldaanka oo hadalkiisa sii wataana waxa uu yidhi “Marka aad aragto
Isimada Bariga ee Daar ood qaar waa Somaliland, Qaar waa Puntland,
Qaar waa Somalia, dadkana waxa u wanaagsan inay mowqif midaysan
yeeshaan oo ay dhan u wada jeedsadaan, waayo hadaad Sadex Halaad oo
kala gooni ah aad midba meel naaskeeda ka jiid is tidhaahdo waad ku
xiiqaysaa, waxaana deeqi kara Afar naas oo hal ku wada yaala”
Suldaanka Guud beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir
waxa kale oo uu ka hadlay, Madax dhaqameed reer Hargeysa ah oo
muddooyinkii ugu dambeeyey is dhaafsanay ey hadallo la xidhiidha
musharaxnimada deegaanka Hargeysa, isaga oo arrintaas ka hadlayana
waxa uu yidhi “ Waxaan leeyahay arrintaas dadka deegaanku ha iskaga
yimaado”
Source:
Saxansaxo
|