Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Oo Maanta La Hor Geeyay Maxkamadda Gobolka Hargaysa

 


Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ay niman hubaysani si xun u garaaceen isla markaana xabsiga u taxaabeen Salaasadii aynu soo dhaafnay ayaa maanta la hor geeyay maxkamada gobolka Hargaysa, taas oo la sheegay in ay u kordhisay todoba cisho oo xabsi rumaana.

Suldaanka waxa la sheegay in ay garaaceen kadibna ay xidheen askar uu u soo diray wasiirkii hawlaha guud ee xukuumadda wakhtigeedii dhamaaday Siciid Sulub , isaga oo ka daba jooga hadal uu ka jeediyay Isniintii ina dhaaftay isu soo bax xisbiga KULMIYE ku qabtay xaruntiisa dhexe ee magaalada Hargaysa.

Maaha markii ugu horaysay ee Daahir Riyaale iyo kooxdiisu ay gacantooda kaga aarsadaan dadka ka hor yimaada ama dhaliila siyaasadooda ay naxliga iyo nacaybka ku dhex abuurayaan bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland.

Waxa hore falal noocan oo kale ah loogu gaystay Maxamed Aw Maxamuud oo walaalkii Cismaan Buurmadow uu u soo diray niman dhalinyaro ah oo dhaawacyo u gaystay, kadibna guddida nabadgelyada ee sharci darrada ahi ay ku xukuntay laba sanno oo xadhig ah oo uu hadda ugu xidhan yahay jeelka Mandheera.

Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Hargaysa Jiir Cali Madoobe ayaa todobnaadkan askarta xisbiga UDUB garaaceen, una gaysteen nabaro iyo dhaawcyo, iyaga oo ka daba jooga hadalo uu ku dhaleecaynayo siyaasadda naxliga ku salaysan ee Daahir Riyaale iyo kooxdiisu ay doonayaan in ay iskaga hor keenaan oo ay colaad kaga dhex huriyaan shacgiga Somaliland.
 

 


somaliland.org