Suldaan Naasir suldaan Cabdi Ismaaciil oo dhaliilay xukuumadda Riyaale

 

Waxa aan xukuumada Somaliland ku dhaliilsanahay sida daciifka ah ee ay uga hawl gashay maaraynta mashaqadan, gaar ahaan qaybta sharciga iyo fullintiisaba:- sidaa waxaa yidhi suldaanka Guud ee Beesha Gabooye .


Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Suldaan Naasir suldaan Cabdi Isma aciil, oo ah suldaanka guud ee beesha Gabooyaha ayaa dhanbaal tacsi ah u diray ehelada dadkii wax ku dhintay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday deegaanka ceel bardaale. Suldaanka oo u waramay shabakada wararka ee Longlivesomaliland News, ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay:

“ ugu horayn waxa aan jeclahay in tacsi u dirayo guud ahaanba  shaca bwaynaha reer Somaliland, gaar ahaana eheliyada dadkii ku dhintay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday deegaanka ceel bardaale, waxaan u soo jeedinayaa labada beelood ee ku dagaalamaya in ay dulqaad  muujiyaan.

Maanta marxalada uu dalku ku jiraa waa mid xasaasi ah, runtii waxa aad moodaa in doorkii ay xukuumadu meesha ku lahayd, doorkii Bulshada iyo kii sedexda Xisbi qaranba uu meesha ka baxay.mashaqadani in ay dhacdo Ilaahaybaa sababay in ay dhacdo, hasa yeeshee, guud ahaanba masuuliyad ayaa ummada saaran. Waxa wanaagsan in si dhab ah looga hawl galo xal u helida mashaqadan. Hadii aan arintaa daacad laga noqonina waxay keeni doontaa-sida aan u arko, fool xumo wayn oo Qarankan waxyeelaysa. Waxaanan odhan lahaa ha laga baxo danta gaarka ah oo ha la eego danta guud. Inkasta oo ay odayaasha reer Somaliland arintan ay u kaceen, hadana, waxa wanaagsan In dedaalka la libin laabo.”

Suldaan Naasir, waxa uu xukuumada Somaliland Somaliland ku dhaliilay sida ay arinkan uga hawl gashay “ waxa aan xukuumada Somaliland ku dhaliilsanahay sida daciifka ah ee ay uga hawl gashay maaraynta mashaqadan, gaar ahaan qaybta sharciga iyo fullintiisaba. Waxaanu u soo jeedinaynaa in ay xukuumadu si intaa ka badan ay uga hawl gasho xallinta dirirtan dhex martay laba beelood ee walaalaha ah.”

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi waxa kala oo uu ka hadlay doorashooyinka soo socda ee dhawaan la filayo in ay dalka ka qabsoomaan iyo aragtida ay beeshoodu arintaasi ka qabaan,

“ Somaliland Beesha caalamka kama haysato aqoonsi caalami ah, waxa kaliya ee aynu Ummadaha dunida ka iibin jirnay waa Dimuqraadiyada iyo xasiloonida gayigeena ka jirta. Waxaad baryahan danbe moodaa In ay dimuqraadiyadii ay sii dhimanayso oo ay gacmaheena ku dhimanayso. Taa masuuliyadeedana waxa iska leh xukuumada maanta talada wadanka haysa iyo Axsaabta Qaranka Somaliland. Xisbiyada siyaasadeed ee wadankeena waxa aad moodaa in aanay lahayn istaraatijiyad Siyaasadeed oo ay ku kala socdaan isla markaana ay iskugu diyaarin lahaayeen In ay galaan tartan doorasho oo xalaal ah. Sideedaba hadii aanay iyagu madmadaw galinayn Hay’ad ama cid kale oo ina caawisaa madmadaw ma ay galiyeen. Halka ay wax ka socon la’yihiin ee ay ka dhaqaaqi la’dahayna waa Xisbiyada. Waxaanan kula talin lahaa xisbiyadu in ay ka tagaan siyaasadan is hororsiga iyo is jiid jiidadka ah oo ay u ban baxaan tartan doorasho oo dalka ka qabsooma.

Hay’ada Interpeaca, waa Hay’ad inoo maaraynaysa dhaqaalaha aynu dunida ka helnay si aynu doorashada ugu qabsano, inaga ayayna tahay in aynu hawlaheena qabsano iyaguna ay intaasuun inoo qabtaan, meesha ma taalo wax aynu iyaga ku canaanano. Anigu ma qabo In komishanka doorashooyinka laga sii dayriyo oo la saadaaliyo in ay noqon doonaan garsoorayaal xun xun oo aan bari ina kala saari doonin, sababtoo ah iyaga oo sidan ay maanta yihiin ka tamar daran, oo ka aqoon liita ayay doorashooyinkii hore inaga soo saareen oo dalkeena ka hirgaliyeen doorashooyin ka wanaagsan kuwa ka dhacda qaar ka mid ah dalalka caalamka. Kuwana waa in aynu wixii khaladaad ah ee ay leeyihiin aynu u asturnaa iyagana waxa u wanaagsan in ay ka baxaan is haysiga badan iyo is jiid jiidadka, taasi oo ka dhigi karta in ay shacbigu u arkaan in ay yihiin meel madhan. Waxana u wanaagsan in ay gartaan masuuliyada ay ummada u hayaan.”


Suldaanku waxa uu sheegay in ay gabi ahaanba beeshoodu ka maqan tahay xilalka sar sare ee wadanka inta ay arintu sidaa tahayna sumcada Somaliland ay beesha caalamka ku leedahay aanay dhamaystirmi doonin. “Waqtigan waanu u bislaanay waxyaabo badan oo markii hore naga maqnaa. Taasi oo ay nala qabaan qaybaha kala duwan ee bulshadu. Sida xaq raadsashadooda. Komishanada heer Qaran oo aanu imika ka maqanahay xaq baanu u leenahay in anagana nalagu daro oo aanay noqon in Beelaha Isaaq iyo Samaroon ay is xaq siiyaan oo kaliya, inta ay arintu sidaa tahayna aanu qarankani talaabo qaadaynin. Anagu cusbo ayaanu nahay, cusbaduna waynu ognahay sida ay cuntada muhim ugu tahay.”

 



Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Somaliland