Suldaan Maxamed
Suldaan C/Qaadir Oo Si Adag U Weeraray Eng Maxamed Xaashi Iyo
Dhakhaatiir Ka Soo Jeeda Beeshiisa
"Anigu xisbi ma soo hadal qaadin
shakhsiyaadna ma aan soo hadal qaadin, arrin guud uun baan ka hadlay
oo wixii Somaliland ka hor yimaada waanu iska celinaynaa”
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, oo ka mid ah salaadiinta
Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ay isaga ku durayeen Eng.
Maxamed Xaashi Cilmi iyo Aqoonyahano ka soo jeeda beeshiisa oo
qoonsaday hadal uu Suldaanku dhawaan ku faafiyay Saxaafada, oo la
xidhiidhay in beeshoodu ka aar-goosanayso ciddii ka hortimaada
xukuumada Madaxweyne Rayaale.
Suldaanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa
kale oo uu ku dooday in turjumaad khaldan laga bixiyay hadalkiisii,
waxaanu yidhi "Horta dadku haddii wax aanad u jeedin ay iska
fasirtaan oo ay dhakada isku saaraan, cidda ku dhib qabtaa waa
ciddii arrintaas ka hadashay.rag badan oo TV-yada ka hadlay nin
walba hadalkiisii waan ugu mahad naqayaa ama ha wanaagsanaado ama ha
xumaado waayo aqoon baa siisay inuu kamaradaha TV-yada soo hor
fadhiisto wuxuu doono iskaga hadlo dadkani waa ummad wada dhalatay
wax walba waa la is odhanayaa. Anigu laakiin waxyaabo khatar ah ayaa
ka soo muuqda jawaabihii iyo hadaladii hadalkaygii hore laga celiyay."
"Anigu xisbi ma soo hadal qaadin shakhsiyaadna ma aan soo hadal
qaadin, arrin guud uun baan ka hadlay oo wixii Somaliland ka hor
yimaada waanu iska celinaynaa. Xisbi yidhaahda anigaa la ii jeedayna
ha ii caddeeyo dee waxaan ugu jeeday ha ii caddeeyo anigu garan
maayo xisbi aan soo qaaday oo aan idhi xisbi hebel, ayaa rabshado
iyo wadanka dagaal ka wada,"Ayuu yidhi Suldaan Maxamed.
Suldaanka oo ka jawaabayay hadalo ka soo yeedhay Eng. Maxamed Xaashi
Cilmi, oo suldaanka ku dhaliilay habdhaqankiisa, wuxuu yidhi "Eng
Maxamed Xaashi Cilmi waa nin aqoon yahan ah oo dhawr marxaladood xil
ka soo qabtay Somaliland, waana dadka ugu aqoonta badan dalka, isaga
eray yar oo kaliya ayuun baan odhanayaa shakhsinimo inaan kuu abaaro
ma aan jeclayn ee adigaa faraha nala soo galay, Salaadiintii hore ee
aad ammaanta ka bixisay waad ku mahadsan tahay oo ummada salaadiin
uun bay u ahaayeen. Anaguna itaalkayaga meel kasta ha nala gaadhee
iyagii uun baanu metalaa wax shaadaliyana cid kama qaadano. Laakiin
adigan xisaabta, qalinka iyo warqada la dabo taagan dhaqaalaha
Somaliland ayaa shaadali uga baahan baan u malaynayaa. Waayo ninka
aqoonyahanka ahi waxa looga baahan yahay inuu dalka wax ku soo
kordhiyo waxaan leeyahay xisbiga aad ku jirto ma aan soo hadal
qaadin saddexda xisbina aniga way ii siman yihiin, kii ummada khayr
u hayana ee ummadiisa horumar gaadhsiinaya ee doorashada ku
guulaysta uun baa noo xisbi xukuumi ah oo inaanu la shaqaynaa waajib
tahay. Barrito haddii KULMIYE ku soo baxo waajibay nagu tahay inaan
la shaqeyno, laakiin nala odhan maayo xisbigana way ridayeen kana
way dhisayeen calaamad salaadiinta u taala taasi ma aha."
"Rag tol ah ayaynu nahaye haddii aad adigu waxba u soo aari wayday,
malaa intayada kale inaanu u soo aarno aabahaa way nagu fiican tahay
oo Beesha Gabooye ee Xaashi Cilmi aabahaa dilay in aanu magti ka soo
qaadno oo gogol u dhigano way nagu fiican tahay iyo inaanu u soo
aarno waxba noogama dhaxayso, ninka aabihii aar la’aan ku dhintay
yaanu waxba aniga aabahay iyo awoowyaday soo qaadin waxay kasbadeen
iyagaa samaystay,"Ayuu yidhi Suldaan Maxamed.
Suldaan Maxamed waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay hadalo shalay ka
soo yeedhay dhakhaatiir ka soo jeeda beeshiisa oo sheegay inay xaal
ka siinayaan shacbiga Somaliland hadalo dhawaan ka soo yeedhay
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, oo lagu faafiyay Saxaafada
Somaliland.
Waxaanu yidhi "Dhakhaatiirta reer Somaliland ee xisbiga ku jirta,
waxa marka horeba ka mamnuuc ah inuu nin dhakhtar ahi uu siyaasada
galo. Qaliinada iyo hawl galka caafimaad ee uu galayo iyo fikirka
siyaasiga ah ee ka maskaxdiisa ka guuxaya uma fiicna. Waxaanan
leeyahay dadka reer Somaliland dhakhtarkan xisbiga galay ha isku
dhiibina."
Ramaasnews
|