Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay qorshe Somaliland la midaynaya Soomaaliya

 

 

Hargeysa, 03 August, 2011 (TNN)- Suldaanka guud ee Saldanadda ugu da’daweyn Suldadahaha Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Xukuumadda ugu hanjabay inay Faysal Cale Waraabe si dhakhso ah gac anta uga geliso Furayaasha Xafiisyada UCID ee ay Ciidammadu hayaan, haddii kalena ay dagaal ka xigaan arrintaas taageerayaasha Xisbigu. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo uu weheliyo Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi, oo xala y fiidkii Shir jaraa´id ku qabtay magaalada Hargaysa sida ay faafisay Shabakadda wararka Internet-ka ee Hadhwana agnews, ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inaanay runta u kala sheegin labada garab ee isku haya hoggaaminta Xisbi ga mucaaridka ah ee UCID oo muddo dhawr toddobaad ahba khilaafkoodu sii kordhayey, waxaanay sheegeen in Md Faysal Cali Waraabe uu yahay aasaasihii Xisbiga UCID. “UCID waxay leeyihiin Shuruuc iyo qodobbo Distooriya, waxaa nan filayaa haddii la is yidhaahdo qalaanqal geliya cid walba waxa soo qabanaysa Shuruucda Xisbiga u yaalla, Guddo omiyuhu waxa uu awood u leeyahay iyadoo aanay dhawayn Shirweynihii Xisbigu inuu wax Magacaabo oo uu Xisbiga Dad cusub ku soo daro.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Waxaanu Suldaan Max amed oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Xubnaha dhinaca kale ka soo jeeda ee uu ka midka yahay Aadan Maxamed Mirre Waqaf waxba kala qarsan maynee waxa weeye si cad waxa uu magacaabay Guddoomiyaha, isagoo markii hore ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland, markii Xilkii laga qaaday Faysal Cali Waraabe ayaa Xisbiga ku soo daray, Shirweyne lagu doortayna ma jirin, markaa in maanta Xisbigii uu ku qabsado wax aan laaqi  aha yn annaga waxay nala tahay qas iyo jahawareer in meesha loo jeedo, Xisbiga UCID-na uma aragno mid ku burburaya qof iyo laba iyo saddex toona, waa Xisbi qaran, axsaabta kale ee Qaranku haddii ay ka talin waayaan wanaagga iyo Samaha Xisbiga UCID iyo jiritaankiisa, waxa weeye Xisbina Xisbi ma xukumi karo mana haysan karo Furayaashiisa.”

Suldaan Maxamed mar uu ka hadlayey arrinta xidhitaanka Xafiisyada Xisbiga UCID ee Caasimadda Hargeysa, wuxu yidhi; “Madaxweynaha waxa Furayaasha loogu dhiibay in marka uu akhriyo Shuruucda Xisbiga uu Furayaasha u soo celiyo Guddoomiyaha xaqa u leh, ciddii ku gardaroota Xisbiga annagu waxaannu u aragnaa cid Qarannimada baabbi’i naysas. Sidaa awgeed, waxaannu Madaxweynaha ka codsanaynaa inuu Furayaasha u soo celiyo ciddii xaqa u lahayd, maaddaama oo uu in muddo ah gacanta ku hayey, Xisbigiina uu sidaas ku hawl-galo, haddii taa la waayo Xisbi Xisbi kama haysanayo Furaha, arrintu laba mid uun weeye in Furaha loo soo celiyo Guddoomiyihii sharciga ahaa, iyo in la yidhaahdo waa lagaa xoog roon-yahay oo arrintu dagaal noqoto.” Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa kale oo uu ka hadlay Shir horraantii sannadkan 2011-ka lagu qabtay magaalada Jabuuti, kaasoo oo sheegay inay isugu yimaaddeen Aqoon-yahanno Soomaaliyeed, isla markaana uu xusay in lagaga wadahadlay sidii Somaliland loo mijo-xaabin lahaa. “Shirkii lagu qabtay magaalada Jabuuti oo ay ka qayb-galeen Aqoon-yahanno Soomaaliyeed, shirkaas go´aannadii ka soo baxay Ummadda reer Somaliland wali may akhrisan. Runtu waxay tahay shirkaas waxa loo furay burburinta Somaliland, markaa Saxaafadda waan u qaybinayaa Nuqullo ka mida go´aannadii shirkaas ka soo baxay.” ayuu yidhi Suldaan Maxamed. “Shirkaas waxa la yidhi Madaxweynaha Soomaaliyeed hallaga dhigo Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud, Madaxweyne ku xigeenkana Cabdiraxmaan Faroole, Ciidanka Sheekh shariif UN-tu u tababbartay, Ciidanka Somaliland iyo Ciidanka Puntland hallaga dhigo Ciidan Qaranka Soomaaliyeed leedahay.

Waxa kale oo jiray Rag soo maray Madaxweynaha oo shirkaas Jabuuti ku socday waxa ka mid ahaa Cismaan Jaamac iyo Sifir oo Madaxweynaha si toosa u soo maray markii ay ka qayb-galayeen Shirkaas Jabuuti, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu shirkaas qabsaday muddo Hal-sano ah oo uu yidhi waxaan ku kala jajabinayaa Maamulka Somaliland, waxaa n filayaa in waxan dhacayaa ay arrintaas xaqiijinteedii tahay.” Sida ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan  Cabdiqaad ir. Waxaanu Suldaanka oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaan leeyahay Madaxweynaha heshiis keligaa ma geli kartid ummadda reer Somaliland way u soo jeeddaa Qarannimada iyo jiritaankeeda, waxaanan leeyah ay haddii aad dhammayn kari weyday khilaafka Xisbiga UCID waxa jira Odayaal dhaqameed ee arrinta annaga nagu s oo wareeji. Guddoomiyaha waxa xilka laga qaadi karaa Shirweyne, maaha in afar Nin oo meel isku urursaday ay yidh aahdaan waxaannu Xilkii ka qaadnay Guddoomiyaha, taas waxaannu u aragnaa inay wadaan burburka Xisbiga, hasdii Xisbiga UCID sidaas ku burburo ogaada KULMIYE iyo UDUB-na way burburayaan, mida loo baahan yahay waxa weeye in sharaftii Xisbiga loo soo celiyo, hadii dagaal loo jeedana ummadu diyaar ayey tahay.” Sidoo kale, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi oo isaguna shirkaa Jaraa’id ka hadlay, waxa uu yidhi; “Rag haddii uu is qabto mid uun baa gardaran, laak iin mushkiladdu waxa weeye inaan runta loo kala sheegin, Xisbiga UCID cidda ku haysaa maaha cid gor-gortamaysa ee waa cid kala gar-daran, Cabdiraxmaan-Cirro iyo Waqaf intay wataan waa in gar-daran, waxaa wanaagsan in laga qabto. Nabaddu waxa ay dan u tahay Nimanka ku fadhiya Kuraasta Dahabka ah.”
 

Source:Ogaal