Suldaan Maxamed C/Qaadir Oo baarlamaanka Ugu Baaqay Inay Dhakhso U Ansixiyaan Xeerka Bangiyada


 


Hargeysa (TNN)-Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, ay aa Xukuumadda iyo Goleyaasha Sharci dejinta ee Somaliland ugu baaqay inay si dhakhso ah u An sixiyaan Xeerka Bangiyada Somaliland, kaas oo uu sheegay inuu wax wayn ka tari doono Maal ga shiga balaadhan oo lagu sameeyo Somaliland oo ay ku soo dhiiran doonaan haddii hore loo ansixi yo Xeerkaasi dad badan oo doonaya inay Somaliland Maal gashadaan.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa uu ka hadlay Ganacsatada reer Jabuuti ee u dhashay Somaliland qaarkood oo Dalka ka sameeyey Maal gashiyo kala duwan, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin dhalinyaro reer Somaliland ah oo Waddankoodii Maal gashaday shaqo abuurna u sama yeey dadkooda, kuwaas oo kala ah Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo Dalka keenay Somcable, C umar Caydiid oo isaguna soo wada Laydhka Itoobiya horena u maal geliyey Tiyaatarka wayne ee Hargeysa iyo Axmed Cismaan Geelle oo 22-ka Bishan furaya Wershadda Sharaabka samaysa ee SBI, kuwaas oo dhamaantood ah reer Jabuuti una dhashay Somaliland.

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo Xalay u waramay ey Wargeyska Saxansaxo, ayaa fariin u diray dadka u hanqal taagaya inay Xamar tagaan oo uu soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan shaqo abuurka maal gashiga ay wadaan Ganacsatadaasi, isa ga oo xusay inaanay Xamar wax faa’iido ah u lahay dadka reer Somaliland.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Dhalinyarada reer Jabuuti ee Waddanka Somaliland ku samaynaya Maalgashiga waa inay Xukuumaddu u dejiso Qors he oo loo dhamaystiro, si ay Maalgashigooda Somaliland ay ka wadaan u dhamaystiraan uguna soo dhiiradaan Waddanka Somaliland, waxaanan u soo jeedinayaa Xukuumadda Somaliland iyo Goleyaasha Qaranka inay si degdeg ah u ansixiyaan Xeerkii Bangiyada ee sharciga ahaa, si uu Ma algashiga Somaliland taam u noqdo oo Mashaariic kale oo fara badan iyo dad kale oo Maalgashi ku samaynaya Dalka ay awood ugu heli lahaayeen inay Maal gashadaan Dalka gudihiisa uguna soo dhiiradaan”

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka hadlayey Ganacsatada reer Jabuuti ee u dhashay Som aliland ee Waddanka ka wada Mal gashiga waxa uu yidhi “Marka la eego Maxamed Aw Siciid, wax a uu dalka keenay Isgaadhsiinta Somcable oo uu u huray lacag badan oo gaadhaya illaa 1700,00 0, taas oo uu Dalka geliyey kuna dhiiraday inuu dadkiisa iyo Dalkiisa ku kharash gareeyo sidii ay u heli lahaayeen is gaadhsiin casri ah oo Caalamka hadda laga adeegsado, waan ku hambalyeyna yaa Maxamed Aw Siciid hawshaas oo waddan ka wado ee uu Magalooyinka Somaliland ka bilaab ay, waxa isaguna jira Axmed Cismaan Geelle oo hadda furaya 22-ka Bisha Warshadda SBI ee Sharaabka soo saarta oo uu Dalka ka maal geliyey kuna kharash gareeyey Aduun gaadhaya Ilaa, 10,00000, taas oo uu Waddankiisa iyo dadkiisa ku maal geliyey si uu wax uga qabsado Waddankiisa dadkiisana wax ugu qabto oo uu shaqo abuur ugu sameeyo, wuu ku maanan yahay Axmed Cismaan Geelle hawshaas uu ku dhiiraday iyo Aduunka uu waddankiisa ku maal geliyey, waxaa kale oo jira Muwaadin reer Somaliland ah oo reer Jabuuti ah oo Dalka Itoobiya ka soo wada Laydhka Biyaha ku shaqeeya ee ay Itoobiya leedahay oo la yidhaahdo Cumar Caydiid, kaas oo leh Shirkad la yidhaahdo Somaliland Pawer Sapply (SPS) oo uu soo wado Cumar Caydiid oo markii horena Maal gelin ku samyeey Tiyaatarka Hargeysa oo hadda dhamaystir ku dhow, waanan ku hambalyeynayaa Maal gashigaas uu Waddanka ka wado iyo Laydhka uu u soo wado ee ka keenayo Dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay, waxa uu Cumar Caydiid Waddanka ku maal geliyey Aduun gaadhaya Ilaa 80 milay oo Laydhka uu keenayo ku baxaysa iyo 5000,000, oo ku Maal geliyey Tiyaatarka Wey n ee Hargeysa, dhamaan Maal gashiga ay nimankaas dhalinyarada ah ee reer Somaliland ee Degen dalka Jabuuti ku maal gashanayaan Dalka Somaliland, waxa uu gaadhayaa Ilaa 112,000,000, taas oo u muuqata inay yihiin dad Waddankoodii u huray Malkooda oo diyaar u ah inay wax u qabtaan oo ay shaqo u abuuraan dadkooda Bilaa shaqada ah, waa dhalinyaro reer Jabuuti ah oo Somaliland-na u dhashay oo amaan mudan”

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo baaq u diraya Xukuumadda iyo Goleyaasha sharci deginta ee Somaliland waxa uu yidhi “ Raggas dhalinyarada ah ee reer Jabuuti una dhashay Somaliland Si ay Maal gashigooda ay dalka ka wadaan ugu soo dhiiradaan oo ay ugu kalsoonaadaan Maal gashigooda, waxa Xukuumadda looga baahan yahay inay degdeg u ansixiso Xeerkii Bangiyada Somaliland lagu hagi lahaa, Golaha Baarlamaankana waa in la horkeenaa, waayo haddii uu raago Xeerka Bangiyadu, waxa uu samaynayaa dib u dhac dhinaca Maal gashiga Somaliland ah, laakiin haddii hore loo ansixiyo, waxa Waddanka imanaya oo uu qof waliba keensanayaa Bangigiisa, dadka reer Somaliland-na waxa ay fursad u helayaan inay wax dhigtaan Bangiyada ama ay Dayn kaga qaataan Mashaariic loogu furo, dadkan aynu Maanta u taag la’nahay ee leh Xamar ayaan tegayaa, waxaan leeyahay waar Xamar wax yaalaa ma jiraan, wax Faa’iido ah oo inoogu jirtaana ma jirto, waxaana halkan ka soo baxaya shaqo abuur ballaadhan, Xukuumadduna ha u aragto sidaas oo il gaar ah ha ku eegto ayaan leeyahay”

 

Source: Wargeyska Dawan