Suldaan Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa ugu baaqay shacbiga reer Somaliland inay qaataan Kaadhadhka

 

 
Hargeysa (TNN)- Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo xalay khadka Telefoonka kula soo  xi dhiidhay Wargeyska Saxansaxo ayaa ugu baaqay inay Shacbiga reer Somaliland ka qayb  gala an qaadashada Kaadhadhka Doorashada Madaxtooyada ee dhawaan ay Komishanka  Doorash ooyinku bixin doonaan, waxaanu sheegay inay tahay Fursad qaali ah oo u baahan in laga  fa a'idaysto, maadaama aynu muddo dheer sugaynay inay dalka ka qabsoonto Doorashada  Mad axtooyadu. Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa kale oo uu sheegay in dhamaan  qayba ha ay khusayso Doorashadu ay si mug leh uga qayb galaan, dadkana ugu wacyigeliyaan  qaad ashada Kaadhadhka cusub ee lagu bedelayo Kaadhadhkii hore ee Diiwaangelinta  Codbixiyeya asha, si loo helo Doorasho xor ah oo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta. Suldaan Maxamed  Suld aan C/qaadir isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi

"Waxaan ugu baaqayaa Shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay ka joogaan Dalka  guddih iisa inay qaataan Kaadhadhka cusub ee Diiwaangelinta Codbixinta Doorashada Madaxtooyada ee bisha tobankeeda ay Komishanku ku tallo jiraan inay kaga bedelaan Dadkii isu  diiwaangeli yey Doorashada Madaxtooyada, waxaanu tibaaxay inay fursadani tahay mid haboon in  sidde eda looga faa'idaysto, maadaama aynu u oomanayn muddo dheerna sugaynay inay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyadu.

Waxaanu sheegay in haddii laga faa'idaysan waayo Jaaniskan ay adag tahay sida ay  fursad ani dib ugu soo marto Shacbiga reer Somaliland. Sidaa darteedna waxaan ugu baaqayaa  Dad weynaha iyo dhinacyada ay khusayso Doorashadu in ay ka wada qayb galaan qorshaha uu Komishanku ugu diyaar garoobayo inay dalka ka dhacdo Doorashadu Madaxtooyadu wakhtiga ay u qabteen inay qabanayaan Doorashada oo ah bisha June ee inagu soo aadan" ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir.

Komishanka Doorashooyinka ayaa la filayaa inuu dhawaan ka bilaabo Dalka bixinta Kaadhadh cusub oo lagubedelayo Kaadhadhkii hore ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashada  Ma daxtooyada ee ay Dadweynuhu qaateen sannadkii ina dhaafay, taas oo khaladaad galay  aw geed keentay in Doorashada Madaxtooyadu dhawr jeer dib u dhacdo, iyada oo Komishanka cusubi uu xilligan ku tallo jiro in Doorashadu Madaxtooyadu ka dhacdo bishan June ee inagu soo aadan.