Suldaan Galaal Oo KULMIYE Ku Tilmaamay Xisbigii Naasiga Ee Hitler Kana Digay Haddii uu Ku Guulaysto

 


Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Suldaan Maxamed Cabdilaahi Xuseen  (Ga llaal), oo ka mid ah salaadiinta Gobolka Hargeysa ayaa xalay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ku sifeeyay mid la mid ah xisbigii Naasiga ee Hitlar, waxaanu sheegay in haddii uu xisbigaasi uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada inuu dalka ka dhici doono dagaal sokeeye.


Suldaan Galaal wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu caawa la soo xidhiidhay  shab akada wararka ee Ramaas News, oo uu sheegay inuu fariin u gudbinayo  shacb iga. Waxaanu xisbiga KULMIYE ku eedeeyay inay ku jiraan koox uu xusay inay dalka ka rideen dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay 1994-kii illaa 1996-kii, wax aanu yidhi “Adeer Caawa waxaan halkan idiinku imid inaan idiin sheego arrrin  aa n doonayo inaan gudbiyo, Ilaahay mahadii dalkii wuu qaboobay oo roobkii wuu inoo shubay, xisbiyadiina way heshiiyeen markii lix qodob dalka dibadiisa la  inoo ga soo yeedhiyay. Anigu waxaan sheegayaa wax aan dad badan u muuqan, wa xani ma aha wax aan fidno hurida ku kicinayo ee waa wax aan u sheegayo  dad ka inta aan waxba la socon. Waxa ii muuqata in dalka halisi ay ku soo socoto oo ay arrintu ay ka weyn tahay xisbiyo is haysta iyo UDUB oo kordhisanaysa’e  wa xa weeyaan qoladeenan reer Karbala (Isaaqa) dhexdiisa waxaynu nahay dad isu yimid oo biyaha wada cabayee siyaasiyan looma heshiin dagaal xun oo  soke eye ayaa dhacay. Dagaalkaasi waxaan leeyahay ma aanu heshiin dadkii aanu is dilaynay saaxiibadaydii kale ee Kornayladdiina waa kuwan hanjabaya ee leh  dh angad ayaanu kaga soo saaraynaa madaxtooyada wadaadkan  (Madaxweyna ha) ah jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee aynu biyahaba isaga ku wada  cab no. Anigu badow baan ahay oo xisbiyo iyo waxba ma aqaano ee qabaa’il is dilay ayaan aqaanaa oo la heshiisiinayo.”


Suldaanku wuxuu sheegay in xataa KULMIYE haddii uu ku yimaado sifo sharci ah aanay yeelaynin, waxaanu yidhi “Xataa haddii ay sharciyan ku yimaadaan  xisb iga aan tilmaamayo ee aan garanayaa ee Xisbiga KULMIYE Siilaanyo waa  siyaa sigeenii waa inaadeerkay habarjeclo waa reer qiimo badan nagu leh anaga oo aan jeclahay. Xisbigaasi wuxuu u eg yahay xisbigii Naasiga ee Hitler, canaasiir baa ku jirta doonaysa inay xukunka markay qabsadaan dagaalka bilaabaan.

Waxaabihii berigii dhawayd la doonayay in la adeegsado Xildhibaano ee  mooshi nka maamuus ka xayuubinta ahaa waxba kama jiraan.”

Xisbiga UDUB ee uu ka tagay Marxuum- Cigaal ayaa la iskugu tagay ee imika  M adaxweyne Rayaale taladiisa uu hayo, kuwa aan ka hadlayo (KULMIYE) ee aanu isugu daran nahay ee aan leeyahay diyaar baan idiin ahay haddii aad timaadaan waxaanu ku kala bad baadi karnaa xisbigan UDUB oo yimaada.

Xisbigan Faysal Cali Waraabe UCID waa xisbi cusub ninka taageerayaa isagay  ji rtaa, laakiin ma aqbalayo KULMIYE mana aqaano sharci ee xukunka haddii uu  qa bsado dagaal baa dhacaya.,”ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdilaahi, waxaanu intaasi ku daray “Intii yarayd ayay kala fadhiisatay, hanbada yar ee reer  Karb ala (Isaaqa) uma ogoli dagaal dambe in la heshiisiiyo mooyaane’e, marxaladu  w axay maraysaa halkii 1994-kii oo kale. Anigu nin laaluush qaate ah ma ihi haddii aan Gallaal ahay waxaan shacbiga leeyahay haddii KULMIYE soo baxo dagaal baa dhacaya.”

Markii uu farriintiisaasi dhameeyay waxay Weriyaha Shabakada wararka ee  Ra maas News ee Somaliland Cumar Maxamed Faarax, uu weydiiyay Suldaankan su’aalo u dhacay sidan:-


S: Suldaan Xisbi qaran oo sifo sharci ah ku dhisan, ayaad xisbigii Naasiga ku  sife ysay, arrimahan aad ka hadlaysana waa laga soo gudbay oo dagaalkii sokeeye waa laga heshiiyay, waa maxay waxan ku soo kiciyay?


J: Waxaan sidaas adag ugu cabiray xisbiga KULMIYE, Siilaanyo waa  siyaasigay agii oo waanu ixtiraamnaa, laakiin wuxuu dhufays u noqday meeshii iyo cidii  aa nu dagaalkii sokeeye u aanaynaynay ee riday ee aanu caddaanka u hayno. Dadka leh waxba la soo dhaafay waa carruur aan waxba ogayn.


S: Dad badan oo aan dagaal ridin ayaa ku jira KULMIYE oo shakhsiyaadka aad eedaynaysana aan ahayn waayo kuwa aad sida gaarka ah u eedaynaysaa?


J: Shakhsiyaad la isla yaqaano weeye, Anaga rag badan ayaa (Garxajis) ahaan nagaga jira KULMIYE, laakiin waxa weeye adeer Isaaq dagaalkii ka dib muu hes hiin markaa xisbi hir geli karaa oo aan ahayn UDUB ma jiro. Xisbigani wuu  calaa madsan yahay. Waxaan ka turjumayaa shucuurta beesha Garxajis-ka?


S:Waxaad ahayd Suldaankii xiligaasi aad sheegayso dagaalkii sokeeye ka soo  sh aqeeyay nabada ee habeen madow soo raray maleeshiyadii beeshiisa Hargeysa keenay, maanta oo ay ka dambaysay dhawr iyo toban sano miyaan la is odhan karin Suldaanku ma aha kii hore?

J: Ta aan dhaliyay ee aan ilaalinayaa waa tan (Somaliland), laakiin anigu kooxdii aanu is dilay ee macruufka ahayd ma aanu heshiin ama calan ha sameystaan a ma xisbiye’e. waxaan ogahay in haddii aan laga hortagin uu dagaal sokeeye  dh acayo maadaama xubnihii firfircoonaa ee dagaalka riday ay hanjabayaan. Umma olalaynayo UDUB laakiin badbaadada dadkan magaca Isaaq sheeganaya siday ku bad baadayaan ayaan wadaa.


Rayaale beesha reer Karbala (Isaaqa) dhabtooda kuma jiifo ee iyagaa dhabtiisa ku jiifa oo is baday waana u buste ay dhaxanta ka galeen. Anigu tallada aan bi xinayaa waxa weeye haddii uu kaasi (Madaxweynuhu) meesha ka tago waa la is cunayaa.
 

 


Source: Website-ka Ramaasnews