Suldaan
C/raxmaan C/laahi Aw-Good Oo Si Diiran Hargeysa Loogu soo
dhaweeyay
Waxa Maalintii shalay si diiran loogu soo dhaweeyay caasimada
Somaliland ee Hargeysa Suldaanka cusub ee Beelaha Ba¢Dhulbahante [Habar
Yoonis] Suldaan C/raxmaan C/laahi Aw Good oo Axadii todobaadkan lagu
caleemo saaray Magaalada Oodweyne ee Xarunta Gobolka Oodweyne.
Waxaana Suldaanka iyo wafdigii la socday si wayn u soo galbiyay
boqolaal gaadiid ah oo ay saarnaayeen dad aad u tiro badan kuwaas oo
kaga hor tagay meel aad uga durugsan caasimada ka dibna u soo
galbiyay ilaa gurigii loo qorsheeyay inuu dego Suldaanku.
Intii soo dhawaynta suldaanku socotayna waxa galbis lagu soo mariyay
dariiqyada waaweyne ee Magaalada taas oo maalintii shalay abaaro
salaadii duhur horteed si wayn looga dareemay magaalada isla
markaana meelo kala duwan lagu arkayay boqolaal gaadiid ah oo ay
lagu dhejiyay sawirka Suldaanka isla markaana ay saran yihiin
boqolaal qof oo sita caleemo qoyan.
Hadaba Suldaanka cusub Suldaan C/raxmaan C/laahi Aw-good ayaa hadal
kooban oo mahadnaq ah ka jeediyay halkaas, Suldaanka oo hadlayaana
waxa uu yidhi "Anigu waxaan ahay Suldaan cusub oo ku soo biiray
salaadiintii Somaliland, Saldanada anigu maan raadsan waa la ii
doortay waa la isoo xulay dhegtaa la isoo qabtay anigoon diyaar u
ahayn, sidaa markay tahay maadama oo aan aniguna aqbalay oo ay tahay
inaad xilka hadii lagu doortay aqbasho ay sune tahay xilka hadii
lagu doortay inaad aqbasho oo aanad adigu doonan, waxa weeyaan mar
hadan ku soo biiray salaadiinta Somaliland dadka reer Somaliland oo
dhan qofkii arintiisu I qabsato ee saldanadaa la ii doortay wax iiga
baahda si hagar la¢aan ah baan wax ugu qabanayaa."
Intaa ka dib waxa uu Suldaan C/raxmaan C/laahi Aw-good ugu baaqay
dadkii tirade badnaa ee uu la hadlayay inay ilaaliyaan nabad galyada
isla markaana ka hor tagaan wax kasta oo dhibaataynaya, waxa kale oo
Suldaanku sheegay in taladiisu tahay oo uu doonayo inuu dadka ku
dhaqo diinta Islaamka isaga oo tilmaamay in xilka loo dhiibay culus
yahay oo ay Illaahay uga baryaan inuu u fududeeyo. Mar labaad waxa
uu mahadnaq u soo jeediyay dadka reer Hargeysa iyo dadka reer
Somaliland sida diiran ee loo soo dhaweeyay iyo wanaaga lagu
qaabilay.
Ali Jama
Caateye2006@yahoo.com
|