Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo raali galin ka bixiyay h adal dhawaan ka soo yeedhay Suldaanka guud ee beesha subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi

 

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman



Waxa aan maanta shirkan jaraa’id u qabtay in aan raali gelin ka bixiyo,oo aan raali geliyo madax dhaqameed ka Gobolka Awdal


Hargaysa Sep 3 2010  (TNN):- Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ka mid ah salaadiinta reer somalialnd ayaa raali gelin ka siiyay madax dhaqameedyada iyo salaadiinta beelaha Gobolka Awdal, isaga oo Suldaan  Ismaaciil Suldaan C/raxmaan ka raali gelinayay.

Suldaan Ismaciil Suldaan C/raxmaan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Hotelka Xaraf ee magaalada  Hargey sa ,waxa uu sheegay in hadalkaasi ka soo yeedhay ninkaasi Suldaanka isku magacaabay in aanu ahayn had al ka turjumaya Beesha Subeer Awal.

Shirkaasi jaraa'id ee uu maanta qabatay Suldaan Ismaaciil suldaan C/raxmaan ,waxa uu ugu horay faah-faa hin kaga bixiyay u jeedada uu shirkan jaraa’id u qabtay waxaanu yidhi “

Waxa aan maanta shirkan jaraa’id u qabtay in aan raali gelin ka bixiyo,oo aan raali geliyo madax dhaqameed ka Gobolka Awdal iyo bulsho waynta ay hogaanka u yihiin.Ta labaad shacab waynaha Beesha Habar Awal m agacooda laga been abuurtay,Saddex , guud ahaan Qaranka jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaanna  xuku umada uu madaxwaynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),iyo guud ahaanba dadwaynaha reer Somaliland ,gudo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaan, waxa aan aad iyo aad uga xumahay hadalkii ka soo yeedhay nin isku magacaabay in uu yahay Suldaanka Beesha Habar Awal.

Taariikhdu markii ay ahayd 30/9/2010 , hadalkaas oo lagu baahiyay war baahinta noocyadeeda kala  duwa n,hadalkaasi oo aanu u aragnay in uu meel ka dhac ku yahay dhamaanba qaybahaa aan soo sheegnay .
Hadaba waxaan doonayaa in aan halkan ku cadeeyo in aanu hadalkaasi ahayn hadal ka soo go'ay ama ka soo baxay Beesha Subeer Awal ama Salaadiinteeda , ee uu ahaa hadal shakhsi ah,waxa kal oo aanu  cadayn ayanaa in aanaan anagu raali ka ahayn, ee ay ku kooban tahay uun ninkii hadlay, waxa kale oo aanu cadayn aynaa in aanu hadalkaasi ahayn hadal lagula xisaabtamai karo beesha Habar Awal intaas oo aanu raali galin ku bixinayno sababa ahan soo socda awgood.

Ta koowaad:- Waxaan halkan ka cadaynayaa in aanu ahayn Suldaan ninka hadalkani ka soo baxay ee uu wa laalkii C/rasaaq yahay Suldaan, balse isagu uu wakiil ka yahay walaalkii.Waxa kale oo aan sheegayaa in bee laha Somalialnd dhexdooda aanay jirin in Beelina ay wakiil ka noqoto oo ay uga turjunto xukuumadeeda , ma rka ay ka cabanayaan,marka ay canaananayaan iyo marka ay cabashadooda u gudbinayaan.

Waxaan mar labaad idiin sheegayaa in hadalkani qayb-bahaas oo dhan ku yahay meel ka dhac iyo xiqdi iyo xumaan la kala dhex dhigayo Beelaha,waxa aanu garan laanahay goorta ay madawayne Axmed Siilaanyo Beeshayada u igmaday in ay u noqoto Af-hayeen Beelaha kale ee kaga gudboon.Madaxwaynaha laftiisa ay aanu raali gelin ka siinayaynaa.Waa Madaxwaynihii ay umaddu soo dooratay, umaddaa soo dooratay ayaa la hadlaysa,shacabka reer Somaliland waxa caado u ahayd in haddii ay Beeli cabato oo ay xukuumadaddeda ka cabato in xukuumada iyo Beeshaasi uuni ay wada xaali jireen wada hadal iyo isku tanaasul ay arinata ku dhamaysan jireen, ee aanay beel kale soo dhex geli jirin ,waxa anaga na soo dhex geliyaa waa qalad waxa anu lug ku leenahayna ma aha,wax aan xaq u leenahay ma aha,sharciga dalkan meelna kagama qorna,caad ada Beelahana ma aha, anaguna reeraha dalka degan uun baanu ka mid nahay ,anagaba cidi noogama turju maado ,anagan cidi nooga turmumi mayso.”

Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan , mar uu ka hadlayay in ay beel kastaaba u caban karto xukuumada oo madax dhaqameeyada gobolka Awdalna ay xaq u leeyihiin cabashadooda waxa uu yidhi “madax dhaqamee dka Beesha Gobolka Awdalna ,waxaan leeyahay xaq baad u leedihiin in aad xukuumadiina ka cabataan,taba shadiina u soo gudbisaan, laakiin Qaran nimada Somaliland ayaynu wada ilaashanaynaa,nabad geliyada ayay nu wada ilaashanaynaa,waxbaa inaga dhexeeya ,waxna waynu kala leenahay.Waxaynu kala leenahay qolo waliba halkeeda ayay ugu tegyasaa,waxa keliya ee ay Beelaha Somalialnd ay xaq iskugu leeyihiin is tix  geli n,ixtiraam,is xaq dhawr,isku nasteexayn, hoos wax iskugu sheeg,isla talin in la iskula taliyo si asluubaysan oo akhlaaqaysan, oo aan war baahinta wax la iskugu sheegin.

Waxaan ku soo gunaanadayaa in hadalka ka soo yeedhay Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan uu ka waan toobo sheegashada magaca Beesha iyo ku tarki falka awooda gaar ahaaneed ee uu ku tarki falayo ee uu maalin walba magaca Beesha sida u doono ugu tarki falayo ama umadaha walaalaha ah ku dhex dhigayo waxaan jirin,waxaan leeyahay Suldaan nimadu waa nabad,waa walaal nimo,waa oday nimo,isku soo jiidid da dka dhexdooda ah ,ma aha laakiin turjumaan hadba Xisbi iyo hadba xukuumadeed ma aha,in cidna dhinaca la saaro ,cidna lagu cadaadiyo ma aha suldaan nimadu.waxaan leenahay ka waantow arintaasi, haddiise uu ka waan toobi waayo ,waxaan u malaynayaa cidii wakiilka ka dhigatay ayaa danbigaa iska leh waayo beel doo ratay iyo beel wax u dhiibatay midna ma jirto.

Madax dhaqameedka Beesha reer Awdalna waxaaan leeyahay , wax baa inaga dhexeeya waxaa inaga dhex eeya jiritaanka Somaliland,  kaa in aan wada ilaashano waanu idinka codsanayanaa.

Madaxwaynaha Somalilandna waxaan ka codsanaynaa in uu Beelihiisa iyo dadwaynihiisa soo doortay in uu dhegaysto taba shadooda iyo cabashadooda in uu qanciyo, waxay xaq u leeyihiina ka aqbalo, waxaanay xaq u lahayna ka qanciyo" .

 

 



Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Reporter
Hargeysa Somaliland