Sucuudiga Oo Ka Jawaabay Cabasho Dawladda Imbigaati Kaga Dacwotay Heshiska Al-Jabiri Ee Somaliland

 


Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa jawaab ka bixisay cabasho uga timid dawladda Imbigaati ee uu Madaxweynaha ka yahay Cabdillaahi Yuusuf Axmed, taas oo ku saabsanayd heshiiska xoolo dhoofinta ah ee uu Somaliland la galay ganacsadaha Sucuudiga ah ee Saleban Al-Jaabiri iyo weliba maxjarka uu ganacsadahaasi ka samaynayo dekedda Berbera.

Sida uu Geeska Afrika ku baahiyay cadadkiisii 491aad, Dawladda Imbigaati, ayaa muujisay sida ay uga xuntahay heshiiska dhex maray Somaliland iyo ganacsadahaas u dhashay wadanka Sucuudiga, waxaanay cambaaraysay ganacsade Saleban Al-jaabiri oo ay ku eedaysay inuu Somaliland soo galay isaga oo aan fasax ka haysan dawladda taagta daran ee uu Cabdillaahi Yuusuf Madaxweynaha ka yahay.

Sulaymaan Cabdi Nuur oo ku magacaaban la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha dawladda Imbagathi Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa ku hanjabay in dawladdiisu sharciga la tiigsan doonto ganacsade kasta oo carbeed ama u dhashay dal kale oo shisheeye ah oo heshiis lagu dhoofinayo xoolaha Soomaalida oo aanay dawladdiisu ogeyn la gala Dawladda Somaliland iyo weliba maamul goboleedka Puntland. Waxaanu ninkani sheegay in dawladoodu cabasho arrintaas ku saabsan u gudbin doonto dawladda Sucuudiga, isaga oo xusay in Saleban Al-Jaabiri maxjarada uu ka dhisay Berbera iyo Boosaaso ku bixiyay 40 Milyan oo lacagta Suxuudiga ah.

Haddaba, Wasaaradda beeraha ee dalka Sucuudiga ayaa toddobaadkan jawaab ka bixisay cabashadaas dawladda Imbigaati, waxaanay Wasaaradda beeraha ee boqortooyada Sucuudigu cadaysay in aanay wax xidhiidh ah la lahayn mashruuca Maxjarrada xoolaha ay kaga dhisayaan maal gashadayaal u dhashay Sucuudiga iyo dalalka Khaliijku Somaliland iyo meelo kale oo ka tirsan Somaliyaba. Waxaanay xustay in maxjaradaasi gaar u yihiin ganacsadayaal madaxbanaan oo muwaadiniin ah.

Afhayeen u hadlay waaxda khayraadka nool ee wasaaradda beeraha dalka Sucuudiga Inj. Maxamed Shiixah ayaa isaga oo ka jawaabaya cabashadda dawladda Imbigaati u gudbisay, yidhi, “Dawladdayadu wax luga kuma laha fududaynta mashaariicda noocan ah ee ka dhacaya dalka Dibaddiisa, sidoo kalana wax codsi ah oo lanagaga dalbanayo in aanu gacan ka geysano mashruuc noocan ahi noogama uu iman xukuumadaha ka jira Somaliya ama xataa maal-gashadayaasha Sucuudiga ah.”

Afhayeenkan u hadlay wasaaradda Beeraha iyo Khayraadka nool ee ee dalka Sucuudiga Eng. Shiixah oo ka hadlay qaabka dalkiisu ula macaamilo dhismaha maxjarrada ku yaalla Sucuudiga dibaddiisa waxa uu sheegay in wasaaradda beeraha iyo khayraadka nool marka ay rabto inay maxjar ka hir geliso dalka dibaddiisa ay raacdo kuna hawl gasho keliya macluumaadka uga yimaadda maamulka rasmiga ah kadibna ay samayso daraasad ay ku hubinayso in maxjarkani noqon karo mid buuxiya shuruudaha iyo tilmaamaha looga baahan yahay maxjar ee caalamiga ah. Waxa uu afhayeenku sheegay in arrintan hubinteeda ay u soo diraan koox farsamo iyo khubaro aqoon u leh caafimaadka xoolaha si ay u soo hubiyaan arrimaha loo baahan yahay. Eng. Shiixah waxa uu tilmaamay in Maxjarka Jabuuti oo la hir geliyey sannadkii 2006-da uu suuro geliyey in xoolaha Geeska Afrika loo soo dhoofiyo dalka Sucuudiga, isaga isla markaana ka qayb qaatay in qiimaha xooluhu hoos uga dhaco sayladaha Sucuudiga.

Dawladda Cumaan ayaa si rasmi ah dhawaan u xaqiijisay inay xayiraadii ka qaaday xoolaha nool ee Somalida. Sheekh Saalim Binu Hilaal Cali Al khaliiji oo ah wasiirka beeraha iyo khayraadka nool ee Saldanadda Cummaan ayaa soo saaray digreeto wasiir oo uu ku caddeeyey in xayiraaddii laga qaaday xoolaha nool ee guud ahaan Soomaalidu u dhoofinayso dalkiisa, waxaanu cadeeyay inuu dalkiisu aqbali doono oo keliya xoolaha laga dhoofiyo labada maxjar ee uu ganacsadaha Sucuudiga ah ee Saleban Al-jaabiri dhawaan ka hirgeliyay dekedaha Berbera oo Somaliland ah iyo ta’ Boosaaso oo ah maamul goboleedka Puntland.

Dawladda Imbigaati, ayaa u muuqata inuu damqay heshiiska xoolo dhoofinta ah ee uu Somaliland la galay ganacsade Saleban Al-Jaabiri. Inkasta oo ay dawladda Imbigaati xitaa cambaraysay maxjarka uu ganacsadahaasi ka dhisanayo Puntland, haddana waxa la aaminsanyahay in eedayntoodu ku koobantahay oo keliya Somaliland oo xoriyadeeda dib ugala soo noqotay dalka Somaliya sannadkii 1991-kii.

 

 



Source: Wargeyska Geeska Afrika