Sowtii golayaasheenu ansixiyeen in somaliya meel walba loogu tagi karo, Gudoomiye Faysal na wuxu ka mid yahay madaxda sharcigani khuseyo salaan bey aheyd arimo kusaabsan wada hadalada ayu la yeelan kara

 


Maalmahan ba saxaafadu waxey qaada dhigeysa sawiro laga so duubey madal lagu so dhaw eyney madaxweyaha somaliya Xassan Sh Qosleye, muuqalka sawirada ka muuqdey madashaa si waxa ka mid aha gudoomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal Ali Hussein..

Runtii dadbadan ba naqdiyay sawirkaasi oo sidii sawir gacmeedadii Amiin Caamir wax uga she egay, waxaanse ka mid aha dadkii ka biyo diiday sawiradaasi iyo madashaasi ba inu tago gudo omiye Faysal, waxaanse gadaal ka ogaadey inu madaxweyne Xassan Sh fariin salaan ah uso direy gudoomiye Faysal u oo shir ku laha madal an sida uga sii fogeyn madashii u madaxweyne Xassan ku sugnaa oo aheyd xaflada lagu qabtey magaalad Birimgham oo xisbiga UCID taageer ayaashiisu kuso dhaweyneyeen gudoomiyaha iyo musharaxa madaxweynaha mudane Jamaal Cali Xussein..Guduoomiye Faysal markii u shirku dhamaadey eyu u baqooley dhinci madashii uu kusugneyeen madaxweyne Xassan iyo waftigii u hor kacayba oo an sida uga fogeyn goobta UCID xaflada ku laheyd dhawr daqiiqo oo an ka badaneyn 3 daqiiqo ayuu salaantii usoo direy uga jawaabey gudoomiye Faysal waa macruuf in ay saxaafadu ka faa'iideysaneyo waqtiga yar ee kooban sawiro ayey ka qaadeen an sida usi badneyn..

Waxan haddaba la yaabnahey waxa faska looga sameynayo kulankaasi salanta aha ee dhawr ka daqiiqadood ah ee an ujeedo weyni kujirin, miyaaney aheyn madaxweyne Xassan iyo Gudo omiye Faysal madaxdii shalay ba Ankara iyo Istanbuul isku so arkey miyaaney aheyn mid waa jib ah labad dhinca ba in ay salaan isweydaarsadaan maadaama ay ku kulmeen hoolal fooda isku haya oo labada qolaba xaflado uu laheyeen.

Waxa kaloo jirta qodob dastuuriyaha oo golayaasheena sharci dejinto ansixiyeen markii ay d awladan kulmiye xukunka la wareegtey oo aha in madaxdeenu meel walba kula kulmi karto madaxda somaliya oo aynu koontinarka ka baxno, haddaba waxan leeyahay waxmagaratada sawirkaasi buun buunineya gudoomiye Faysal wuxu ka mid yahay madaxda iyo wufuud labada dhinca ee ka wada hadaleysa arimaha somaliya iyo somaliland ma arko wax u diidaya inu la hadalo ama la kulmo ama salaamo madaxda somaliya maadaama u sharcigu ba u fasaxeyo inu meel walb kula kulmi karo, maanta salaan bu ugu tagay beritoole waxa laga yaaba inu arimo ka culus o kusaabsan wada hadaladii somaliland iyo somaliya kala hadli karo.. xaqna wu u lee yahay sida u sharcigeenu dhigayo..

Guul iyo Gobonimo ayaan u rajeynayaa somaliland gudo iyo dibad ba
 

 



Omar Darood Hassan

Norway