soomaliya waa wadan gacan shisheeye qasayso nabadna loo ogolayn
Colaada Soomaliya caqli bay u baahan tahay qori caaradii maaha
Hadii dagaal wax lagu xalin karo wadamo fara badan oo aduunyada ka
mida ayaa xal loo heli lahaa in badana dagaalo ka socdeen walina
dagaalo ka socdaan qaramada midoobay oo ay hogaaminayaan wadamada
awooda milatari haysta ee maraykanka , ingriiska iyo farasiisku ka
mid yihiin ayaa isku dayay inay xal u helaan dalal fara badan oo
ciraaq, afq anistan, ka mid yihiin. sidoo kale libiya oo ahaa
wadamadii ugu danbeeyay ee gacan shishe eya dhex gashay ayaan nabad
haysan dadkuna si ba,an ukala aarsanaayaan.
In kabadan 100 kun oo ciidana ayay united natationku ku daadiyeen
wadamada ciraq , afq anistan ilaa IMIKANA wax nabadgalyo ah kamay
dhalan. colaadii iyo dagaaladii iyo xasuu qiina wali waa ka
socdaan , hadaba waxa inoo cad in wadamada reer galbeedku aanay dan
ka lahayn dhulkan ay ciidamada u diraan ama ciidamo kaloo ayaga u
daacada u diraan sida kuwa ugandha , burundi , kenya balse ay
ayaguba yihiin kuwa colaada sii hurinaaya.
Waxa is waydiin u baahan dalka soomaliya waxa ka jiray kooxo
hubaysan oo koonfurta soomaalia in badan ku hirdamaayay MARKII
dawladii dhexe ee soomalia burburtay hogaankiina lumay nasiib daro
maynaan arag cid ka naxday shacabka soomaliya oo kooxaha hubaysan ka
qabatay hase yeeshi waqtigii islamic courtku la wareegeen casimada
muqdisho iyo 80% dhulka koonfurta soomalia ee ay kooxihii
maleeshiyada ka saareen casimada waxay sameeyeen nabad-galyo waxaana
yaraday dilkii iyo dagaaladii iyo dhacii wadanka ka taagnaa waxa
ciidankii maxkamadahu bilaabeen inay nabad galyada sugaan
caasimadana nadiifiyaan runtiina waxay ahayd lix bilood oo aad loogu
riyaaqay, in mudo ahna la arag wax la mida.
Afeef anigu koox kuma jiro maxkamadaha iyo groups kalana ma taageero
baryahan waa lays xidhaabaan maqlee, balse shacabka soomaaliya
ayaan dumarkooda iyo caruurta nabada waayay u hadlayaa. iyo cidii
mar wanaajisay ama mar xumaysay oo aan qoraalkan ku cadeeyay.
xil la wareegidii maxkamaduhu qabsadeen caasimada soomalia may raali
galin wadamada reer galbeedka waxa markiiba qaramada bidoobay
hubsiiyeen dawlada ethiobia waxaanay ku amreen in ay galaan somalia
magaalada baydhabo ayaa markiiba waxa ka bilaabay dagalo culus oo
dhex maray ciidankii maxkamadaha iyo ciidankii dawlada ethoibia oo
ay taageersanaayeen ciidamo soomaliya oo madaxwaynihii hore ee
soomaliya cabdulaahi yuusuf AHN daacad u ahaa.
Waxaana ciidamadaa huwantu ku guulaysteen inay qabsadaan caasimada
soomalia muqdis ho ayagoo usii dhaafay gobolada kale ee koonfurta
waxa halka ka cad markaa in aan wadamada qarkood aanay ogalayn nabad
galyo ka dhalata soomalia taasoo waliba aanay jeclayn in nimanka
wadaadadu ay hormood ka noqdaan. maxaa yeelay hadii islamic courtku
nabadgalyo keeneen shacabkana ka qabteen maleeshiyadii hubaysnayd
maxaa loo taage eri waayay ee looga doortay in dagaal cirka iyo
dhulka ah lagu qaado?
Dalka ethoobia ee deriskeena markii jabhadii zanawi qabsatay waxa
markiiba caasimada ka duulay madaxwaynihii ethobia mingiste xayle
mariam waxaana si nabada lagula kala wareegay maamulkii dawlada
manay dhicin dagaalo sii socda oo dalka ku faafa.
taasna waxa suura galiyay isla wadamada reer galbeedka oo aduun iyo
maal iyo maskaxba ku taageerayjabhadii meesha qabsatay.
Waad garan kartaa markaa in wadamada qaarna dan laga leeyahay oo la
dajinaayo nabadna lagu dabaalayo arinkooda, halka wadamada soomalia,
afqanistan , iyo ciraaqna lagu daawanayo colaad sii daba dheeraata
hub aad u fara badan IYO CIIDAMANA lagu dal dalaayo taas oo keentay
DAGAAL AAN DHAMAAD LAHAYN shacabka wadamadaas ku noolina garan
waayeen inay kala roonaadaan sida SOMALILAND OO KALE
Nabada soomlaiya ka dhalan karta waa ayadoo ajaanibku faraha kala
baxo oo ayaga laysu daayo maadaama ay YIHIIN umad muslima oo isku
luqad isku dhaqan iyo waliba isku qabaa,il yihiin way heshiin karaan
xalna way u heli karaan hadii ay isku dayaan INAY caqliga
isticmaalaan ciidamada huwanta iyo hubka badan ee lagu dal dalayaa
maaha xal nabad keenaya waa hadaynu dib u raacno taariikhda oo wax
ka barano wadamada ciraaq, iyo afqanistan
Dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee aduunka oo dad badan oo reer
yurub , north america
iyo dhamaan wadamadii dunida sadexaad ee la isticmalay ku halaagmeen
waxa laga bartay in nabad galayadu tahay wax aan laga maarmi karin
waxaaana la smaystay qawaaniin iyo sharciyo aan laga gudbin si aan
nabadu u xumaan dagaalna u dhicin
taasina waxay ku tusaysaa in dadkaasi ayagu heshiis gaadheen ilaa
imikana ku dhaqmaan
Sidoo kale ayaa soomalidana waxa lagudboon in ayagu samaystaan wax
ay ku heshiiyaan
oo nabadooda suga colaada iyo dagaaladana kaga fogaadaan.
gacan sadexaad oo ku dhex jirtaa keeni mayso xal waara , inta aan
taa la garana dhibku waa taagnaanaya
shirarka marba meel looga yeedhayo masuuliyiinta soomalia ee la
odhanayo halkan kuwada hadla ilama aha mid natiijo fiican laga
gaadhi karo. waxase ka wanaagsan in laysu tanaasulo oo nin waliba
wax ka tago si loo helo nabad shacabka soomalia gaadho
meel dulmi, dhiig muslim oo la daadiyo, colaad ka jirto waa arimaha
maanta soomlia ku riday abaaraha roob yaraanta, darxumada, tahriibta
maxaa yeelay umad is dilaysa oo dhiigooda banaystay naxariistu waa
ku yaraataa iyo nimcadu.
GABAGABDII
SHakhsiyan ma ihi mid taageera
koox ama urur ama dad gaara balse waxa aan ka hadlay waa habka ugu
wanaagsan ee shacabka soomalidu ku gaadhi karo NABADGALYO dalkooda
ka dhacda taasina waa [ ayagoo wadahadal toosa dhexdooda ka sameeya
miiskana soo wada fadhiista] hadaad qirayso iyo hadaanad qirahaynba
ilama aha in yuweri musafani uu nabad ka dhalin karo soomalia sidoo
kalana MR MAHIIGA ayaan nabad u keeni karin soom aliya. xalkuse waxa
uu yaalaa gondahaaga hadaad raadinayso halkaad u mari lahayd iyo
hadaanad raadinaynba ADIGA LEE WAAYE.
WABILAAHI TAWFIIQ
Siciid Cabdi Dheen
dheen2011@hotmail.co.uk
London,UK
|