Soomaaliya Oo Ku Baraarugtay Ashkhaasta Somaliland u dhashay Ee u Doogsin Cararay 

 


Muqdisho (TNN):- Siyaasiga Cali Maxamed Cali (Cali Daacuun) oo ka mid ah siyaasiyiinta dhalash o ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsanaa midnimada Soomaali weyn ayaa quus ka m ujiyay fikirkiisa, waxaanu sheegay in dadkiisa iyo dalkiisa uu u soo noqonayo, islamarkaana wax la qabsanayo. Cali Maxamed Cali waxa uu cadeeyay in magaalada Muqdisho lagu kala tagayo oo siyaasiyiinta reer Somaliland aanay waxba u oolin qadarinna aanay ka helin.

Cali Maxamed Cali oo ka mid ah ashkhaasta ka ridoobay qarankooda oo ku sugan magaalada Mu qdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In maalin iyo habeen looga soo hanjabo telefoo nka iyadoo loogu hanjabayo waxaad tahay reer waqooyi. “Anigoo Cali ah Ceerigaabaan ka imi, waxaan uga imi midnimada Soomaaliyeed inaanay kala go’in, waxaan joogaa dhawr iyo labaata n sannadood wax mustaqbal ah oo iiga soo kordhay ma jiro, weliba hanjabaado ayaa naloogu daraa oo waxay yidhaahdaan dekadayadii Muqdisho ayaanu idinka biilinaaye’ markaasaad doo naysaan inaad hadashaan.

Anigu garan maayo cidda ay biil siiyaan, farriimaha telefoonka iigu soo dhacay ee la ii leeyahay maxaad Wasiirkayga iyo xildhibaankayaga u carqaladaynaysaa iyo madaxwaynahayaga ayaa la nagu daaliyay, intaa meesha aanu ka maqanahay nooshahay maba garanayaan inaanu u nimi midnimo Soomaaliyeed, inaanu iyagoo is-cunaaya u nimi oo u hiilinay maba garanayaan.” ayuu yidhi Cali Dacuun.

Cali Maxamed Cali, waxa uu xusay magacyada siyaasiyiin Somaliland ka soo jeeda oo ka tanaas ulay fikirkoodii hore ee ahaa riyadii ahayd midnimada Soomali weyn. “Shalay Prof Axmed Isma aciil Samatar ayaa tagey maanta Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa Hargeysa ka degay, ba rinna mid kale ayaa tagaya saa-dambe anigaa tagaya, saakuunna mid kale ayaa tagaya.” ayuu yidhi, waxaanu intaas sii raaciyay, “Waa la Iskaga tagayaa reer Muqdisho, maxay cuni ayay ugu hanjabayaan dadka Muqdisho jooga, lacag ayay dhamaantood yaqaanaan, qandaraasna aan cid kale lama siiyo oo sharci-darro ayaa lagula dhaqmaa ummaddii Soomaliyeed ee u soo gurmatay midnimada oo aan waxba laga waydiinayn. Cid dambe oo u joogaysaa ma jirto, oo ay korkiisa dhaqaale ku urursanaysaa, cid aan waddan iyo dhul lahayna ma jirto.”

 

Xigasho: Wargeysa Dawan