Soo dhaweyntii layaabka laheyd ee Reer Gabiley Ku Qaabileen Urur Siyaasdeedka Wadani+ Farxadii Ciro+ Hinaasihii Xisbi Xaakimka +Awoodii Boolisku u Adeegsadeen Taageerayaasha iyo Difaacii Jamaahiirka

 

 


Gabiley ,October 26, 2011 (TNN)--Kumanaan qof oo kamid ah dadweynaha ku nool Gudaha Magaala da Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley, ayaa barqadii saaka si layaab leh u soo dhaweeyay, Gudoo miyaha Urur Siyaasadeedka Wadani, islamarkaana C/raxmaan Maxamed C/laahi(ciro),oo maanta huwanaa labada xil Gudoomiyaha urur Siyaasadeedka Wadani iyo Gudoomiyaha Bsaarlamaanka So maliland, waxa uu tilmaan ka bixiyay,shuruucda xubnaha XildhibaanadaGolaha Wakiilada iyo waxa uu xaq u siiyay Dastuurku, waxaanu yidhi. Mudanaha Golaha Wakiilada waxa lagu soo doortay cod toos ah,tusaale hadii aynu u soo qaadano reer Gabiley ma Tukaale ayay doorteen mise UCID. Xisbi kastaa wuxuu ku faanayay tirada mudane ee u soo baxa lakiin Xusbiyada waxa sharafta u keenay inta mudane ee codkoodka ay heleen ku soo baxay.Ayuu yidhi Gudoomiyaha kumeel gaadhka ah ee UrurSiyaasadedka Wadani.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka Hadley Maayar Kuxigeenka CaasimadaHargeysa Maxamed C/laahi Uurcade, oo isaguna taageerayaasha Wadaniuga waramay, waaya aragnimada iyo aqoonta ku dih in Gudoomiyaha WadaniC/raxmaan Ciro isagoo, Tusaale ka bixiyay Safaaradihii uu kasooshaqeey ay, iyo aqoontiisa diblamaasiyadeed iyo waliba sida uu ugabarida yahay Qabayaalada, iyo siyaasad aha qaloocan ee Somalilandaafeeyay.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka Hadley Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan,Caaqil C/lahi Qalinle Fariid, iyo Muuse Jaamac Garas, oo dhamaantoodbasheegay in ay diyaar u yihiin Soo dhaweynta Urur Siy aasadeedka Wadani Dhinaca kale jawigii ,soo dhaweynta Urur Siyaasadeedka Wadani ee Magaala da Gabiley, waxa ku lamaanaa muuqaalo reer Gabiley xasuusiyay hirdankii ka dhexayn jirey jamaa hiirka dadweynaha taageerayaasha u ah Xisbiyada Mucaaridka ah iyo talaabooyinkii cabudhinta ahaa ee ka iman jirey Masuuliyiinta Xukuumada, oo adeegsanaya Ciidanka Booliska , taasoo sida la wada ogyahay taageero u kordhin jirtey Xisbigii Kulmiye, ee ku xoog badnaa Gabiley.

Hadaba marka dib loogu noqdo, dhacdooyinkii subaxnimadii hore ka dhex dhacey Ciidanka Booliska, iyo taageerayaasha Wadani ee Gabiley, ka hor intii aanu iman Waftiga Gudoomiye C/raxmaan Ci ro,ayaa dhacay ka dibmarkii ay Ciidanaka Booliska Gabiley, isku dayeen in ay albaabada u laabaan Sameecadaha iyo Mikirifoonada ,baabuurta saarnaa, ee kashidnaa Xafiiska ururka iyo Gaadiidka wareegayay, arintaas oo lasheegay, in ay aheyd amar culus oo subaxnimadii lagu adkeeyay,Ciida nka Booliska haseyeeshee, Talaabadaasi, waxa gaashaanka u dhigayoo difaac adag ka galey dadweynaga taageerayaasha Wadani ee Reer Gabiley, oo ay ka dhex muuqdeen taageerayaal badan, oo door adag ku lahaa Xisbi Xaakimka Kulmiye, oo rag iyo dumrba lahaa,inkastoo ay qacdii hore Boolisku taxaabeen Axmed Dayib Aw Cali, iyo Maxamed Caydiid Cumar, oo labaduba qeyb ka ahaa abaabulka soo dhaweynta, iyo taageerada urur Siyaasadeedka Wadani, balse markii danbe lasii daayay.

Sikastaba ha ahaatee,waxa siweyn loo hadal hayay maanta Gabiley,muuqaalka soo dhaweynta ur ur Siyaasadeedka Wadani, loogu tusbax fureyiyo doorka ay ku yeelan karto Xisbiyadii, hore uga d hiishaa dhaansadeydadweynaha Gabiley kuwaas oo aad moodo in aanay marnaba Gabiley ka helay n fursadihii ay kaga heleen codadka badan, iyadoo dadweynaha reerGabileyna cadhooyinka ugu badan ee ay dhinaca Xukuumada u ahayaanbalanqaadka ku beenoobay Xukuumada Siilaanyo, ee dhameystirkaGobolnimada Gabiley oo waxba kama jiraan noqotey dhinacyo badanMiisaaniyada, iyo Haydaha Dowladaba.

Sidoo kalena waxa ay dadweynuhu is barbar dhig ku samanayeenhowlgaladii abaabulka Caaqil Axm ed C/laahi Xareed(Weerar), iyokalahaadii Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe kusoo gaadhay Subax dii horeGabiley, taas oo loo fasiran karo in dadweynaha reer Gabiley iyo madax-dhaqameed kood uba ka diga rogteen Asxaabtii hore islamarkaana aanay jirin wax lagula soo noqdo oo muuqdaa ha se yeeshee, ay furantey waji cusub oo ay ku kala xulanayaan Ururada cusub kii ugu macquulsan,g aba gabadiina, waxaa ururkani ka taageero badnaa boqolkiiba boqolkiiba urur Siyaasadeedkii u hor eeyay ee Gabiley yimaada.



C/raxmaan Nuux Axmed(hiiraan)