SONYO Oo Xaflad Ballaadhan Ku Maamuustay Golaha Wakiilada Somaliland Farriin Cadna U Diray Golaha Guurtida..
 

 

 



Waxa ay Hambalyeeyeen cid kasta oo ka qayb qaadatay furista dabarka sharci ee dhallinyara da



Hargeysa (TNN)- Dalladda Ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa xalay Huteel Maans oor ee magaalada Hargeysa ku qabatay xaflad ballaadhan oo dulucdeedu ahayd sidii dhallinyar ada Somaliland taageero iyo hambalyo ugu muujin lahaayeen cid kasta oo suurta galisay ansixi ntii golaha wakiilada Somaliland ku ansixiyeen qodobkii hoos u dhigayay da’da ay dhallinyaradu kaga qayb galayso golayaasha deegaanka ee xeer nambar 20, iyada oo sidoo kale farriin loogu dirayayay aqalka odayaasha ee golaha guurtida oo uu imika xeerkaasi hor yaallo si ay u ansixi yaan, iyada oo kooxda SOCSA madasha ku soo bandhigtay masraxiyad aad loogu bogay.

 Xafladdan oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha golaha wakiil ada Somaliland ahna guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali X. Xasan, xub no ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, ururada bulshada rayidka ah, masuuliyiinta hay’adaha caalamiga ah iyo dadweyne kale oo fara badan. Ugu Horrayn guddoomiyaha dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Axmed Cabdi Wacays oo xafladda ka hadlay ayaa xusay qiimaha ay golaha wakiilada Somaliland siiyeen dhallinyarada taariikhduna xusi doonto go’aankii geesinimada lahaa ee ay ku ansixiyeen xeer Nambar 20 iyo qodobkii sida gaarka ah ay dhallinyaradu diiradda ugu haysay ee ahaa hoos u dhigidda da’da golayaasha deegaanka lagu galayo oo ay ka dhigeen 25-jir halka markii hore uu ka ahaa 35-jir.

 Guddoomiyaha SONYO waxa uu sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u jeediyay dhammaan cid ka sta oo ansixinta xeerkaasi door ku lahayd sida xukuumadda Somaliland, guddidii furista dabarka sharci, xisbiyada qaranka, aqoonyahanka Somaliland iyo sharciyaqaanada iyo cid kasta oo kaa lin shariif ah ku lahayd in uu xeerkaasi ansaxo. Guddoomiyaha SONYO waxa uu baaq farriin ah cod dheer ugu diray golaha guurtida Somaliland oo imika xeerkaasi hor yaallo lana filayo in ay dhawaan ansixiyaan isaga oo ugu baaqay in aanay dhallinyarada Somaliland godob ka galin oo aanay qodobkaasi is hor taagin balse ay sida ugu wanaagsan u ansixiyaan iyaga oo ogsoon muhiimadda dhallinyarada Somaliland maanta u leedahay taabbo gelinta dadaaladii Somaliland loo soo maray iyada oo la gaadhay wakhtigii ay dhallinyaradu cududooda kaga qayb gali lahaayeen talada dalkooda. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi X. Cali Xasan oo isna xafladdan hadalo kooban ka soo jeediyay ayaa xusay qiimaha ay xukuuumadda uu ka tirsan yahay u hayso dhallinyarada ogsooyihiina doorka ay maanta dalkooda kaga jiraan isaga oo xusay in xukuumadda wakhtigan talada haysaa tahay tii iyadu suurta galisay ee dhallinyarada isku barbar taagtay hir gelinta himilada ay qabaan oo ah in dhallinyaradu ka qayb gasho siyaasadda. isaga oo tilmaamay in midhaha ay maanta dhallinyaradu guranayaan yahay kii ku qornaa buugii xisbiga KULMIYE ee talada hayaa doorashada ku galay oo ay xukuumaddu fulinayso. Wasiir Xirsi waxa uu tilmaamay in xeerkan oo kali ahi aanu ahayn ka ay xukuumaddu hir gelisay fulintiisa balse ay hore golaha xukuumadda Somaliland u ansixiyeen siyaasadda heer qaran ee dhallinyarada Somaliland oo dhawaan la filayo in ay golayaasha sharci dejintu ansixiyaan. Xirsi X. Cali Xasan, wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa uu dhallinyarada ugu bushaareeyey in ay golayaasha sharci dejintu ansixin doonaan waxyaabaha ay ku riyoonayaan balse looga baahan yahay in ay dadaal la yimaadaan oo ay dalkooda iyo waalidkoodii ku soo tabcay wax u qabtaan. Agaasimaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa isna ka warramay dadaalka ay SONYO iyo wasaaradda oo isku duubani ka galeen sidii dhallinyarada Somaliland u heli lahaayeen dhammaanba xuquuqaha distooriga ah ee dalku siiyay ayna yihiin kuwo u taagan horumarinta dhallinta reer Somaliland, dadaalkoodana aanay waxba kala hadhi doonin sidii loo dhammays tiri lahaa dhammaanba in laga gudbo shuruucda caqabadaha ku ah dhallinyaradu in ay dalkooda wax ugu qabtaan sida ugu habboon. Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa sheegay in ay SONYO ka guddoomayaan mahad naqa ballaadhan ee ay u soo jeediyeen golaha wakiilada waxaanu xusay in ay guteen waajib saarnaa aadna ugu faraxsan yihiin in ay xeer Nambar 20 iyo qodobkii dhinaca da’da u sii daayeen sidii ay doonayeen dhallinyaradu iyaga oo eegaya danta dalka oo aynu dhammaanteen u midaysanahay ee aanay cid gaar ahi waxba doonayn. Gabagabadii xafladda waxa shahaado sharaf lagu maamuusay guddidii SONYO u saartay in ay dabada ka riixaan mudadii lagu guda jiray ololaha dabar ka furista dhallinyarada sidoo kale waxa shahaado sharaf lagu maamuusay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka masuul ah golaha isagu xeerkaasi ansixiyay ee dhallinyarada ka furay dabarkii sharci ee dhinaca da’da.



Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland