SONYO Oo 70 Arday U Furtay Tababar Soconaya Mudo Lix Bilood Ah
 

Dalada Qaran ee Ururada Dhalinyarada Soomaaliland ee SONYO,Ayaa tabobar  Soco naya muddo dhan oo lix bilood ah u furutay 70 arday oo ka mid ah ardayda  jaamacad aha kala duwan ee dalka.

Munaasibad Balaadhan oo lagu furayey barnaamijkan oo ay ka soo qaybgaleen  dadw eyne kala duwan ayaa lagu qabtay hotel Summer-Time ee magaalada    Har geys a,Waxaa munaasibadan ka soo qaybglay masuuliyiin ka kala socoday  SONYO, EDC iyo Jaamacada Pioneer iyo waliba ardayda jaamacadaha ee  tabob arkan qaadanaya.

Ugu horayn waxa halkaasi Hadal ka jeediyey Maxamed Axmed Maxamuud  Aga asimaha fulinta ee SONYO oo faahfaahin qoto dheer ka bixiyey Barnaamijkan xadhiga laga jarayey oo la yidhaa (Shaqadoon Program), Waxaanu  agaasi muhu sheegay in ujeedada ugu weyni ay tahay sidii dhallinyarta loo siin lahaa tababaro ku saabsan qaababka shaqada si ay khibrad badan halkaa uga helaan oo hadhow u sahli karta in ay shaqo tagaan, iyada oo casharada la siinayaana ay u badanyihiin waxyaabaha kala duwan ee lagu shaqeeyo. Ugu dambayntii waxa uu agaasmihu u soo jeediyey ardayda in ay ka faa’iidaystaan tababarkan qiimaha leh mudadaa lixda bilood ah si hadhow ay u noqdaan dhallinayro iibsanta oo xirafado badan oo ay ku shaqo tagaan halkan kala taga.

Waxa isaguna madashaa hadal dardaaran iyo wada shaqayn ah ka soo  jeediy ey Maxamed Xasan Nuur oo ka socday hay’ada caalamiga ah ee EDC oo ah hay’adda iyadu maal galisay barnaamijkan waxaanu u soo jeediyey ardayda in ay dadaalaan waqtigana ka faa’idaystaan inta uu barnaamijkani socodana dadaalkooda laban laabaan si ay ugu anfacaan dadkooga iyo dalkoodaba.

Waxa isna munaasibadaasi hadal ka soo jeediyey Mr. Dan Amadi oo ah  gudoo m iyaha jaamacada Pioneer oo u balan qaaday ardayda iyo hay’adaha  barnaa mikan fulinayeyba in ay bixin doonaan oo ay ardayda siin doonan aqoon iyo  ca sharo tayo leh islamarkaana lix bilood ka dib la dareemi doono isbadalka iyo aqoonta wanaagsan ee ay dhalinyaradaasi la guryo noqdaan.

Waxa kale oo munaasibadaasi hadalo dardaaran iyo soo dhaweyna ah ka soo jeediyey Gudoomiyaha daladda SONYO, Yaxye Maxamed Axmed oo sheegay in ay tani kamid tahay ujeedooyinka loo aasaasay dalladda sidii ay dhallinyarada awoodada aqooneed iyo tan tababar ay kor ugu qaadi lahayd si ay wax badan ugu qabtaan nafahooda iyo dalkoodba.

Barnaamijkan taariikhiga ah oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga  qa bto Jamhuuriyada Somaliland waxa soo dhaweeyey ardayda kala duwan ee jaamacadaha iyo cid kasta oo dareemi karta baahida ardayda qalin jabisay ama sanadihii ugu danbeeyey ee jaamacadda ku jirta kuwaas oo aan wax  bad an ka aqoon qaababka iyo xirfadaha shaqo marka laga yimaado aqoontaa ay ka barteen.

Ugu danabayntii munaasibadu waxay ku dhamaatay jawi fiican oo soo  dhawe yn leh ardayduna ay aad ugu faraxsanaayeen fursadan dahabiga ah ee ay nasiiibka u yeesheen.

Barnaamijkan waxa soo abaabushay iskuna soo dubariday SONYO, waxa  fulina ysa Jaamacada Pioneer, waxaana maalgalisay hay’adda caalmiga ah ee EDC.
 

 


Sahra-Kiin Abirahman Ahmed

Madaxa mashruuca tababarka hablaha ee SONYO