SONYO Iyo Masuuliyiinta Dhallinyarada Saddexda Xisbi Qaran Oo Kulan
Ballaadhan Isugu Yimid .
Hargeysa October 20, 2011(TNN)- Iyada oo maalinba maalinta ka
dambaysa dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO dadaal
ku sii bixinayso sidii loo xoojin lahaa, loo awoodayn lahaa
dhallinyarada Somaliland dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo ka
qayb galka doorka ay ku leeyihiin dhinacyada kala duwan ee nolosha
ayay maanta shir ballaadhan xafiiskeeda kula yeelatay masuuliyiin ka
tirsan garabada dhallinyarada ee saddexda xisbi qaran ee UCID, UDUB
iyo KULMIYE.
Kulankan oo daba socday kulamo muddooyinkan dambe SONYO la
yeelanaysay masuuliyiinta axsaabta qaranka si looga wada hadlo
barnaamij SONYO ku awoodaynayso garabada dhalliny arada ee xisbiyada
qaranka ayay masuuliyiinta SONYO iyo xubnaha ka socday garabada
dhalli nyarada ee saddexda qaran si weyn u faaqideen duruufaha
rasmiga ah ee dhallinyarada Som aliland ku gedaaman guud ahaan gaar
ahaan dhinaca ka qayb galka siyaasadda iyo sidii dhalli nyaradu door
muuqda ugu yeelan lahayd sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen talada
dalkooda.
Shirkan oo ku qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta guud ee SONYO
waxa ka soo qayb galay agaasimaha SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed,
Mubaarak Cabdiraxmaan Maal, Mustafe…… iyo Cadnaan Cabdi Xasan oo
dhammaantood ka tisran shaqaalaha SONYO iyo 7 xubnood oo ka kala
socday saddexda xisbi qaran ee dalka.
Kulankan waxa lagu gorfeeyey sida ay SONYO uga go’an tahay in ay ula
shaqayso dhallinyara da ka tirsan axsaabta qaranka iyo waliba
dadaalka mudaba dalka ka socda ee hoos loogu yara ynayo da’da ay
dhallinyaradu kaga qayb gali karto talada dalka. Iyada oo aynu
ognahay in mo oshin arrintaasi ku saabsani wakhtigan hor yaallo
golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu horrayn agaasimaha
SONYO oo madasha ka hadlay waxa uu dhallinyarada u sharraxay
ujeedada kulamadan ka dambaysa iyo sidii ay SONYO hawl qabad rasmi
ah uga gaysan lahayd dhallinyarada xisbiyada qaranka ka tirsan. Waxa
kale oo uu agaasimuhu guud mar ku sameey ey halka u marayo
dadaaladii loogu jiray dabar ka jaridda xeerka caqabada ku ah in
dhallin yar adu ka qayb galaan siyaasadda dalka. Waxaanu xubnaha
xisbiyada qaranka ka socday ugu baaqay in la isku duubnaado oo
dalkeena laga hir galiyo nidaam dhallinyarada loogu diyaarina yo in
ay talada dalkooda ka qayb galaan si ay u noqdaan hogaamiyayaashii
berri hanan lahaa goobaha ugu sareeya ee looga arrimiyo dalkooda.
Xubnaha xisbiyada qaranka ka socday ee dhallinyarada ahaa waxa ay si
mid mid ah uga hadle en baahida loo qabo in kulamo noocan oo kale ah
horeba la isugu yimaad waxaanay SONYO ku ammaaneen dadaalka ay
arrintan ka wado iyaga oo ballan qaaday in ay la shaqaynayaan ma
suuliyiinta xisbiyadoodana kula noqonayaan wixii fadhigan ka soo
baxay,.
Gabagabadii shirkan waxa la iskula qaatay in kulan dambe oo degdeg
ah la isugu yimaad iyada oo guddi loo saari doono sidii ay arrintan
u sii amba qaadi lahaayeen waxa kale oo loo ballam ay in xisbiyada
qaranku xildhibaanadooda golaha wakiilada ku jira kula xisaabtamaan
meel ma rinta dalabka dhallinyarada Somaliland ee maanta taagan.
Agaasmimaha mashruuca kobcinta dhallinyarada iyo dimuquraadiyadda
Mubaarak Maal ayaa isna gabagabadii xusay in barnaamijkani faa’iido
ballaadhan u leeyahay sidii loo dhisi lahaa aw oodda dhallinyarada
xisbiyada iyada oo xafiisyadooda loo qalabayn doono ,lana siin doono
tababaro dhinaca awoodda iyo hogaaminta ah.
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@hotmail.com
4428729/9111826
Hargeysa Somaliland
|