Somaliland Dhiib & Dheefba Waan La Wadaaga ,Waa Dhulkaanu Ku
dhalaney Waa Dhaxalkayagii
ASC,marka ugu horeysa waxaanu
salaan xushmad & qadriin mudan aanu salameynaa ,dhamaan akhristaha
sharafta & qiimaha badan ee dalka & dunida dacaladeeda kala
jooga,intaas ka diib ,waxaan raba inaan halkan kaga hadlo
cabashooyin fara badan & talooyinba leeh,oo iiga yimid ,akhristayaal
farabadan ,kuna kala nool somalia & dunida dacaladeda kaleba ,cabashooyiinkaas
oo iskugu jirey ,cabasho & talaba ,leyguna soo gaarsiiyey ,qaar
telefon igula hadley & qaar emailo fara badanba ii soo direy,
hadaba tan & intii ay hawada gashey shabakadan mareegta wararka
madaxa banan ee (gabooyenews.com) ee ay hawlgalkeeda bilowdey
warbaahiinta tabinta wararka ,gaarayana mudo laba week ah ,ayaa
cabashooyiinka ii imanayaa ay yihiin kuwa isa soo taraya ,cabashadaas
oo ku saabsan ,mareegtan (gabooyenews)(ASTAANTEDA,AMA SUMADEEDA
AH,)dhowr astaan oo aan isku darney,kuna xardhanyahey ,calanka
somaliland,ayaa cabashooyinkaasi guud ahanba ay si cad ugu
muujiyeen,in laga saaro ,astanta ,ama sumada ,calanka ,somliland,
iyagoo intooda badani u nasbeeyey,sababta looga saraya iney tahey ,
1:somaliland oomarnaba ,aan la ictirafiin aqoonsina aan caalamka ka
heysan ,
2:& tan ugu weyn oo ah iney somaliland tahey,meesha kaliya ee
laguxadgudbo,,xaquuqdoodana laga duusiyo, wax looga ogolyaheyna aney
jiriin ,beelaha gabooye somalilnd,markaa sidaas darteed looga saaro
astaanta ama ssumada ,mareegta (gabooyenews.com)
hadaba ,waxaan doonaya inaan waxyar maanta u iftiimiyo walalaheyga
isoo gaarsiiyey cabashooyinkoodan ,marka ugu horeysa waxaan lehyahey
,walalalyal haddii aynaan indhaha iska tuureynin ,beelaha gabooye
meelkastaba waa leynagu xadgudbaa ,leynaguna heyb-sooca ,xaquuqdenuna
ay inagaga maqantahey ,waana mideynu ka wada siman nahey ,haba u sii
kala darnaadeene ,sadexda maamulka ka jira ,dhulka soomaliyeed ee
aynu kuwada noolnahey ,sida putland,somalia,& somaliland,
waxaana jiraba sadexda maamul meel aanba beesha gabooye waxey ka
tahey & waxey ka dhekh muuqataaba jiriin ayaaba jirta oo ah ,mamulka
.PUTLAND, oo waxeynu kaba naheyba jiriin,tan soamliyana waabeynu
aragna halka aynu maanta kaga naalno oo ah ,(4.5)oo macnaheedu yahey
,beeshii hafka aheyd ama dhineyd ,ee aan laba sineyn beelaha kale ,
tan soamliland , wey jiraan xaqiiqdii iyaduna xadgudubyo &
xaquuqdaro xaga maamulka ,balse ,haba yaradena ,wey ka dhex muuqdaan
,xaga wasiirada ,oo wasiir ku xigenba kujira ,xaga golaha guurtigana
,hal xildhiban ba kujira ,hadana waxaan anigu aaminsanhey shaqsi
ahantey iney meelaha qaar dhaanto ,somaliland,,sida ,,maamulka
PUTLAND,, oo haba lagu yaraadee ,mid & laba laga helayo maamulka
somalind oo ka soo jeeda beelaha gabooye,
markaan sidaas lehyahey anigu ma ahii nin u eexanaya somaliland,ee
wixii jira ayaa xaq ah in la sheego, anagi shaqsi ahantey ,oo ah
ninka hirgaliyey ,fikirka & hindisaha lahaa ,sameeyeyna websetkan ,maregat
(gabooyenews) ahna ninka ,astaanta & sumadab ku xardhey magaca
somaliland & calankiisaba ,waxaan ahey ,haddii uu jiro mucaarad dhab
oo ka soo horjeeda somaliland (walaahi baan ku dhaartee )inaney
malaha jiriin cidi iiga horeyn mucaaradnimo halka ay iga tagantahey
shaqsi ahaantey,
hadaba mucaaradnimadeydu maahan mid ku saleysan ,calanka & magaca
soamaliland, mana dhicikarto marnaba inaan ku mucaaradayo ,calanka &
magaca , laakiin anigu waxaan ku mucaarad ahey ,waa mamul xumanta &
xaqdarada & sinaanla aanta & cadalad la. aanta ,ay caadeysatey ,maamulka
hada jira sld ,markastana iyo maamulkastaba midey tahey maamulka
hada jira & maamul cusuba ,marnaba kala gaban mayo mucaaradnimadeyda
,ilaa aan xaq & xaquuqda aanu ku leehnahey maamulka helnana sinaan &
cadaladna aanu arkeyno ,mucaaradbaanu nahey,
hadaba waxaan walaladey u soo jeedinaya walalayal meelkastaba
xaqeenu waa inagaga maqanyahey ee ayeynaan ku mashquuliin ,calanka
somaliland, ee wixii inoo dana aynu ku tashhano si wada jirana aynu
inteynu gacmaha is qabsano aynu ku wada duulno xaqeenana ka raadsano
, hadey tahey ,mideynu ku raadsano ,kuna heleyno ,si ,nabada ,& si
dagaalaba , aynu fadhiga ka kacno oo u hawlgalno danteena ,
guntii & gabagabeyntii waxaan leehyahey ,somaliland dhib & dheefba
waan la wadaaga ,waa dhulkeygii waa kaan ku dhashey ,calanka &
jamuuriyadana cid iga xigtaa walee inaney jiriin ,hadey tahey mid ,sheeganaya
inuu kaadidiisa u soo cabey & hadey tahey midaan u sooo cabiinba ,waxaan
leehyahey ,somaliland waa dhulkeygii waa dhaxalkeygii,,
wabilaahii toowfiiiiq,
qoraaga,,barkhad xaaji cabdi,,mr gaboye,,
tafatiraha & maamulka shabakada wararka,
(www.gabooyenews.com)
ontario canada,
email:mrg@gabooyenews.com
email:abokoriye1@hotmail.com
|