“Somaliland waxay u qalantaa Aqoonsi Caalami qh…” Wargeyska Caanka
ah ee The Economist
Wargeyska caanka ah ee The Economist oo axadha Arrimaha Dhaqaalaha
iyo Siyaasadda ayaa q ormo dheer ka qoray Taariikhda Jamhuuriyadda
Somaliland iyo sida ay dunidda uga mudan tahay inay ku aqoonsadaan
guulaha ay ku naaloonayaan muddada 30 sanno ah ee ka soo wareegtay
dib ula soo noqoshada madax bannaanideeda.
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay qormada
Warsidaha The Economist oo sheegay in Somaliland ay xornimadeeda ka
qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26kii June 1960, waxaanu tilmaamay
in maalmo kadib Baarlamaankii Somaliland uu qaatay go’aan madow oo
ay ku la midoobeen Soomaalidii Koonfurta ee uu xukumi jiray
Talyaanigu.
Warsidaha The Economist wuxuu si qoto-dheer uga faallooday xasuuqii
iyo dhibtii shacbiga reer Somaliland kala kulmeen taliskii kaligii
taliyihii Maxamed Siyaad Barre iyo xasuuqii uu ka geystay Somaliland
oo lagu dilay kumanaan qof oo rayid ah.
Waxa kaloo warbixinta Wargeyskaas caalamiga ahi intaas ku dartay
markii Soomaaliya ay cagta saartay dariiqa dagaalka in wax garadka
reer Somaliland ay go’aansadeen inay madax-bannaan dooda kala soo
noqdaan Soomaaliya sannadkii 1991kii.
Intaa wixii ka dambeeyay Jamhuuriyadda Somaliland waxay noqotay
dawlad shaqeysa oo dimuqr aadi ah, waxana ku dhaqan dad gaadhaya 4.5
Milyan oo qof, iyadoo masaafada dhuleed ee Soma liland uu ka weyn
yahay Gobolka Florida ee dalka Maraykanka.
Warsiduhu wuxuu sheegay in dimuqraadiyadi ka jirto Somaliland, hase
ahaatee ay u xidh-xidhan tahay dal aan jirin, waxaanu xusay in
Somaliland aanay dhaqaale ka amaahan karin bangiyada c aalamiga ah
sababo la xidhiidha aqoonsi la’aanta darteed.
Wargeyska The Economist wuxuu ku ammaanay
Jamhuuriyadda Somaliland inay maamusho xudd uudaheeda iyo dhulkeedaba, halka Soomaaliya ay wax
yar uun ka maamusho magaalo madaxdee da Muqdisho.
|