Somaliland waa bukaan socod, waa boqol u tali, baxnaanad eedu waa dhakhtarada (SHIRARKA) oo aanay ka baaqsan.
 

 

 

 


Todobaadkan iyo Weriyaha Laanta curdinka.


Qodobada ugu doorka roon.


® Somaliland waa bukaan socod(outpatient), waa boqol u tali, baxnaanadeedu waa shirarka (cusbitaalka) oo aanay ka baaqsan.


Waa halkii Axmed Yaasiin, Guddomiye ku-xigeenka UDUB: "Taa halkaa ku tiiri" faahfaahintuna way kuu danbaysaa.


® Maxaa loo tartamayaa? Waxaa loo tartamayaa shanta sanno ee danbe ninkii keligii maali lahaa Marsada Berbera ee maalqabeenka la shawri lahaa.


Waa halkii Axmed Yaasiine: "taana halkaa iskaga tiiri, tu kalana ku soo durug."


® Buuhoodle waxaa ku gooli baadhay garaadkii Siyaad Barre iyo dhaqankii Woorloodhyada oo dib u soo asaleeyey. Maamulkii Siilaanyo oo muruq miciin moodey iyo Cali Khaliif Galayr oo galkii seefta ka saaray.


Waa halkii Axmed Yaasiin eh: "taana halkaa ku tiiri, tu kalana ku soo durug ".


®Wararkii Ururada

Urur xayraanka UDUB oo hogaaminayo Ina warancadde

Urur xayraanka UDUB ee Jamhuuri oo hogaaminayo Ina Mire

Urur Xayraanka UCID oo uu hogaaminayo Cabdillaahi Cirro



Urur xayraanada Kulmiye iyagu ciidee ka bateen faahfaahinta kala soco.



Waa halkii Axmed Yassiin eh: "taana halkaa ku tiiri>" faahfaahintuna waa goordhaw.
 

 

 

 

 Haamud Duale