Somaliland v/s Somalia : Dagaalkii Qadhadhdaa ee
Afka oo 20 Jirsaday
Maxaad kala socotaa odhaahyadii ugu caansanaa ee
ictiraaf doonka iyo kuwii ku liddiga ahaa
Marka hore duco iyo hambalyo iga hooya guud ahaanba
shacibigagow innagoo dhammanteen isu diyaarinayna xuska
20 guurada qarannimo oo ku aaddan idanka eebbe bisha may
ee foodda inagu soo haysa. Munaasibbaddan qiimaha badan
iyo qaddarintaba innaga mudan ayaa dib inoo xusuusinaysa
waayihii kala duwanaa ee inna soo maray xilliya dii ka
dambeeyay dib ula soo noqoshada haybaddii qarannimo.
Iyadoo aqoonsigii weli maqan yahay oo aan fari ka
qodnayn ayay waajib innagu tahay in la dul istaag o halka
sartu ka qudhuntay, isweydiinno sababta raagidisay,
garanno halka u xadhiggu ka xidhmi waa yay, samaynno
daraasad cilmiyeed dhinac walba taabanaysa, ka dibna
eegno maxsuulka lagama maar maanka ah kana qaadanno
siyaasad cad oo lagu wada qanacsan yahay oo naf gelin
karta ruuxa iyo r ajada bulshaadeenna u harraadan
ictiraafka caalamiga.
Si taa loo helo waa inaynu bilownaa olole lagu
baraaruijnayo xiska fadhiidnimo ee masùuliyiinta hawsh aa
loo igmaday iyo dardargelinta shakhsiyaadka iskood u
dardargelin kara ee xil gaar iska saari kara iyo sidoo
kale ka qayb gelinta shacabka oo ku yaboohi kara fikrado
wax tar weyn u leh ka midho dhali nta yoolka gobannimo.
Waxan ku boorrin lahaa abwaannada iyo fannaaniinta dalka
in marka kale looga baahan inay qaataan kaalintoodii
horseednimo ee ay kaga jireen bulshadeenna oo ahayd
wacyi gelinta guud ee ummadda, waxan la illoobi Karin
suugaantoodii qaaliga ahayd ee gobannimo doonka ee
lagaga takhullasay isticm aarkii, tii xaq u dirirkii SNM,
kuwii dagaalladii kala dambeeyay ee lala soo galay
Ethiopia iyo intii wuxu eebbe hibo u siiyay in iyagu ay
ciyaaraan doorka ugu muhiimsan ee dhiirri gelinta
waddaninimo awood ana inay gaadhsiiyaan heer aad u
sarreeya iyagoo ku soo gudbinaya gabay, hees iyo
riwaayadba am ase qaab masrixiyadeed sidaasna ay ku
kasban jireen quluubta dadweynaha kuwaas oo aynu
qiraynn o inay yihiin qaar weli ku xardhan laabteenna.
SAAMAYNTA BALLAADHAN EE AY WARBAAHINTU KU LEEDAHAY KOR U
KACA AMA HOOS U DHACA HEE RKA WADDANINIMO EE BULSHO WALBA
Waxa aan la daffiri Karin inaynu nahay ka dabo tag
lagaga hor maray dagaalka media-ha taasoo loo aanayn
karo inay sabab u tahay iyadoo ay dawladii hore innaga
curyaamisay dhanka warbaahinta ma rka laga tago in yar oo
ay iyadu gacanta ku haysay oo aan run ahaantii kaba
badnayd radio Hargeisa
Xamar baa laga furay kulliyado laga barto saxaafadda,
madbacado, wargeyso badan, idaacad aad u shaqqale badan,
tv qaran iyo wax kasta saamaxaya in mediaha la
gaadhsiiyo heer caalami ah, sidaa darted waxay reer
koonfureedku dhaxleen wixii aqoon ahaa ee ay warbaahinta
ku lug lahaa iwm. Muqdisho oo kaliya ayaa waxa ka jiray
idaacado aad tiro badan oo gaadhaya ilaa toddoba xiilli
ay halk aa ka jireen dagaallo sokeeya oo aad u kulul,
kuwa ugu codka dheerna waxa ka mid ahaa Radio Shab eelle
idaacadda Quraanka kariimka ah iyo Horn Afrik.
Ka dib burburkii xukunkii ihaanada ee Siyaad barre oo ay
koonfurta ka bilaabmeen dagaallo sokeeye kuna aaddaanayd
sagaashameeyaha horraanteedii ayay weli warbaahintu ku
shaqaynaysay duruufo aad u qallafsan oo aanay hakanin
waxase si xooggan u sii dardargeliyay ninkii kol halkaa
ka noqday m adaxweynaha ee al odhon jiray Abdiqaasim
Salad Hassan ama ina Salad Boy oo ahaa nin gurracan oo
qabiilku madax maray balse aftahan ah, diintana aad
yaqaan oo kolba akhriya aayad u ku beer laxow sanayo
dadka meelahaa ka akhriya oo aan afkiisa iyo uurkiisu is
lahayn iskana dhigi jiray waddani dha atay, ayaa xaqiiqdu
siday tahay la arkayay maxsuulka nidaamkii u horkacayay
marka ficil loo tarjumo ee la iska reebo wuxu sheegayo
lana miisaamo waxa ka dhashay maamulkiisii ayaa waxa kuu
soo baxa ysa inu lahaa qorshe aad u qarriban oo salka ku
haysa colaadda gobollada dhexe gaar ta u hayo tolkii
Sacad oo ay isku habar Gidir yihiin iyo xulufaysiga sida
u uga dhabeeyay is xulufaysigii traditional-ka ahaa ee u
dhexyayn jiray beeshiisa Cayr iyo beelo darood ah oo ay
ka mid yihiin Marreexaan oy deeg aan wadaag yihiin isna
dhaleen iyo Ogaadeen, Istraajiyaddiisa oo ahayd sidu ku
taami jiray inu qabsa do min Kismayo ilaa Saylac ayaa
ahayd mid ku dhisan isticmaalka ihaanooyin qabiil isagoo
reerkiisa ka yeelay kuwa loo dabo fadhiisto caynka u
ekkaan doono mustaqbalka Somalia.
Abdiqasim Salad oo ka soo jeeda beesha Cayr oo weligood
isku tirinayay inay u badan yihiin Habar Gi dir ayaa
taariikh ahaan waxay qabeen cuqdad odhanysa maxaa reerka
looga waayay beesha rag wa away oo tujaar ah, siyaasiin
ah, muttacallimiin ah ama taliya oo bulshoweynta
somaaliyeed dhexdeed ku lrh magic weyn,, halka beesha
sacad oo iyaga tiro ka yari ahayd wax kasta oo Hawiye
khuseeya w axa laga weyddiiyo, ciil kama kore Abdulqasim
wuxu wacad ku maray inu taa buriyo oo weliba ay
bees hiisu xukunto Somali inteeda kale.
Shirkii carta markii u socday oo u loollan baàn ugu
jiray in isaga la doorto ayaynu xusuunaa inu tiraba 2
ilaa saddex jeer Hargeisa yimi si taageero dhaqaale uga
helo maamulka iyo bulshadaba waxanu run tii ka helay wuxu
rabay iyo in ka badanba. Waxa isna doorashiisa door weyn
ka ciyaaray Ismail omer geelle oo shirka ugu qbtay
kooxaha Somalida magaalada Carta. Haddaba kolku Xamar
tegey ayuu la soo baxay bernaamjikii u qarsoonaa oo aan
isleeyahay wuxu ahaa mid ka duulaya dhaqaale ka raadsi
dawladaha Carbeed oo ay isku fiicnaayeen, kaasi oo
malahiisu tusay inu adeegsan karo naaxinta reer kiisa iyo
baahinta xukunkiisa labadaba.
Wuxu is tusay in Somali xukunkeedu u hawl yaraan karo
hadduu gacanta ku dhigo waxyaabaha hoos ku qoran oo
dhammaantood soo if baxay muddo ka dib.
A. Dhaqaalaha: dhaqaalaha dalka ini ku soo ururiyo
beeshiisa, halka awal u jiray nin kaliya oo lagu
til maamo inu ka mid ahaa maal qbeenka waawayn waa ninka
la yidhaahdo Xaaf, ayaa waxa muddo koob an ku soo biiray
ilaa 15 kale oon ka dhicin isaga waxaana lagu xusuutaa
in beeshaasi noqotay tii dhidi bada u aastay suuqa
Bakaaraha ee mar ahaa kan ugu weyn Afrikada Bari oo
dhan.
B. Diinta : wuxu ahaa ninkii asal ahaan abuuray dagaalka
diimeed ee weli koonfur ka socda isagoo qa bay inu dadka
ku soo jiidan karo haddii ka maro xagga diinta waayo
Somali way diin jeceshahay, wuxu dib u soo abaabulay
kooxo diimeedyo horay u soo jabay oo ay Al-iIttixaad,
istisaan iyo intisaar iyo qa ar kalaba ka mid yihiin
isagoo sameeyay laba garab oo kala ah kan guud oo u
madax uga dhigay inaad eerkii Hassan dahir aweys halka u
ka kalana ahaa garab dhalliyaro oo isna u madax uga
dhigay yarkii u adeerka u ahaa ee Cayrow. Masaajidada
waawayn oo dhanna gacanta ayuu ku dhigay, waxaynu ka
warqabnaa in ay ku soo biireen rag badan oo ay ka mid
ahaayeen indha cadde, Cabdi waal iyo kuwo k ale, markii
cabdi qasim meesha ka baxayna ay isu rogeen wixii la
odhon jiray maxkamadaha Islaamiga ah kuwaasoo markii
dambena u digo rogtay Alshabab iyo xisbul Islam welina
dhibkoodii socdo.
C . Warbaahinta : Ina Salad boy wuxu garawsaday inaan
waxba u suurto geli krin haddii aanu la ware egin warbaahinta la hadasha dadka afka somaliga
ku hadla, gudo iyo debedba, waxa
durbadiiba u suu rta gashay inu soo saaro ciyaal faro
badan oo kamarado iyo mirifoonno la
yaacaya oo beeshiisa ah oo wada yarka Calasow oo miidhan
dhanka gudaha, isagoo loollan
galay qabshasada maamulka BBC-da o o ku guulaystay inu
Yusuuf Garad iyo qaar kalaba
halkaa ku hubsado, kuwaasi ooynu ognahay inay ka dhigeen
meel ay isaga uga adeegaan
innagana innaga aflagaadeeyaan.
D. CIIDAMADA IYO HUBKA: Si arrinkiisu taabbo gal u noqdo
wuxu ku dooday inu dibu soo noolaynayo wiixii la odhon jiray CIIDANKA QARAN EE
SOMALIA isagoo u magaacabay jananka ciidamada
inaadeer kii General Galal oo markiiba sameeyay qorshe ay
dalka oo dhan ku qabsanayaan kaasoo mar dambe fashilmay.
Jaantuska dagaal ayaa lahaa isitraatijiyad ka kooban
afar qodob una kala horreeya sidan ;
1. Min Benadir ilaa Kismayo
2. Min Jawhar ilaa Cadaado
3. Min galkacayo ilaa Bosaso
4. Min Las Anod ilaa Saylac.
Kismayo oo ahayd muftaaxa dagaalka ayaa waxa ku hardami
jiray beesha Majeerteen oo dhan ah iyo beelaha Ogaadeen
iyo Marreexaan oo inta badan isku dhan ah, waxa markaa
gacanta ku hayay colon el Barre Hiiraale oo Marreexaan
ah, kaasi oo u sahlay samaynta xulufkii la baxay
ISBAYSIGA DOOXAD A JUBBA , Abdi qasim wuxu wakiishay
raxan saraakiil ah oo u hoggaaminayo colonel Goobaanle
oo dha mmaantood ka soo jeeday beeshiisa Cayr inay qayb
ka noqdaan maamulka gobolldaa. Abdi Qasim Sal ad wuxu ku
dhammaystay muddadii u xilka hayay isagoon weli dhammays
tirin qaybtii u horraysay ee duullaanku ku ekkeeyay
jubbooyinka.
Adeegsiga weedhaha ayaa halhays u ah bulshada ay ku
cabbiraan hadba wixii ay hawl kolkaa ku foog gan yihiin,
waaxa lagu muujiyaa shucuurta ummadeed ee markaa jirta,
tusaale; waxad goor walba ka maqashaa kuwa ka gubta
qarannimada Somaliland hadallo ay ku tiraabaan oo faro
badan, hadba kii a y doonaan ay u soo qaataan si ay qiil
ugu samaystaan aragtidooda gurracan una meel marsadaan ,
rabitaankooda qalloocan waxay dadka noocaasi ku
andacoodaan inay yihiin waddaniyiin daacda ah oo
somalinimadu ka dhab tahay, wixi ay maslaxad guud
bideenna ay ka talinayaan iyagoo da `walba isu gu jira
ahna rag, haween, dhallinyaro, aqoonyahan, culimo,
siyaasi, madax dhaqameed iyo dhamman qaybaha ummadda.
Haddaan u soo noqdo tusaale kale oo kaa ka fudud
tibaaxayana halista u leeyahay dagaalka hadalka ee
laysku hayo iyo isticmaalka weedhaha ogaan loogu soo
celceliyo si laguu niyad jabiyo ayaa waxa ka mid ah mid
ay ka siman yihiin qoonkaasi had iyo goorna ay
yidhaahdaan oo ah ETHIOPIA AYAA WA DDANKA KALA GOYNAYSA.
Waxa la yaab leh inay iska indho tirayaan in aanay
Ethiopia wax shaqo ah ku lahayn shirkii ku dhawaaqista
madaxbannanida Somaliland ee Burco ka dhacay, waxa
kalooy isdiisi nayaan sida wadajirka ee ay ugu riyaaqeen
ay dadkii taladu khusaysay iyagoo isku duuban min
sulda an, siyaasi,sarkaal ciidan, iyo shicibka oo idilba
iyada naadiskaasi u ahaa mid aad loogu wada guuxay loona
wada guddoonsaday.
Waxan idiin horraysiin doonaa inta aynaan u gelin warka
obocdiisa, qaddar ku saabsan bilowgii weera rka afka
wixii bal aan ka xusuusto xilliyadii kala dambeeyay ee
la soo burburkii Somalia dabadii, Xilliya dii Cali Mahdi,
General Aidid iyo hoggamiye kooxeedyadii waxaynu ku
dhaafaynaa inay dhammaan she eegan jireen siyaadada
dalkeenna.
Cali Mahdi, Caydiid iyo xattaa mararka qaarkood dagaal
ogayaal kale ayaa ka sinnaa xaqirraadda taq riirul
masiirka shacabka Somaliland kuna doodi jiray inay iyagu
madax u yihiin. Waxa ku xigay xilligii Ca bdi qasim salad
Booy iyo rayìisul wasaarayaashii uu kala beddelay
xilligi ku magacownaa ku meel gaad hka kuwaasoo kala ahaa
Ali Khalif Galaydh,, waxa halkii ka sii waday Cabillaahi
Yuusuf Yay iyo rayìisul wasaarayiishii uu kal beddelay
ee Ali Mohamed Ghedi, Nur Adde, waxa halkii ka sii wada
sheikh Sharif iyo labada Rayiisul wasaare u ilaa haatan
kala beddelay eek ala ah Omer Abdirashid Ali Shermarke
iyo Mohamed Farmajo, kolka lagu daro guddoomiyayaashii
Barlamaanka ee kala dambeeyay waxay into ku hadlaan
luqad kaliya oo ay ku guubinayaan reer koonfureedka
kolkay ka hadliyaan qaddiyadda Somal iland.
Innagoo weli ku gudo jirna dhacdooyinkii 20kii sannadood
ee inna dhaafay , ayaan markanna jeclayst ay inaan idinku
dareen geliyo wixii weedho la yaab leh laga yidhi
laacdanka siyaasadda , gaar ahaan na waxaynu is xusuusin
doonnaa odhaayo murtidkii ugu caansanaa ee xilliyadii la
soo dhaafay aadka u hirgalay, kuwaasoo salka ku haya
loollanka ka dhexeeya Somalilanderka iyo lidkooda oo ah
Somaliwey n oo mid waliba adeegsado murti u gaar ah.
Waa kuwan liiska weedhahii wacdaraha lahaa ee la isu
isticmaalay 20kii sannadood ee tagay dhanka ictiraaf
raadiska iyo gooni isu taagga Somaliland iyo kuwa
diiddan oo isugu jira kuwii hore iyo kuwa cu sub intaba.
Q 1aad: Ee ku dhigan khadka cas leh waxaynu ku eegi
doonaa inta aynu ka gaadhno hadalada had iyo goor ka soo
yeedha masłuliyiinta iyo warbaahinta ay maamulaam
cadowga Somaliland
1. Dawladda iskeed isugu magacowday Somaliland
2. Jumhuuriyadda la magic baxday Somaliland
3. Xuduudaha Somalia waa muqaddas
4. Somalia sina uma kala go`karto
5. Maamulka Somali-diidka
6. Ethiopia ayaa u yeedhisa
7. Somaliland waa gobol ka mid ah Somalia
8. Maamulka beesha Isaaq
9. Maamul goboleedka Dir Woqooyi
10. Somali ma kala maaranto oo aabo kaliya ayaa wada
dhalay
11. Somalidu waa ummadda kaliya Africa ee isku af, diin
iyo dhaqanba ah
12. Ma jirto wax Somaliland la yidhaahdaa
13. Waa nala dilay uun bay leeyihiin, Somali oo idil
ayaa iswada dishay
14. Wax la yidhaahdo land-land ma jiraan
15. Qayb bay ka yihiin heshiiskii federaalka
16. Qaab beeleed ayay uga qayb galeen shirkii dibu
heshiisiinta
17. Way ku jiraan dawladda , awood qaybsigana
saamigoodii waxay ku qaateen habka 4.5
18. Aduun weynuhu ma aqoonsana, weligoodna heli kaa ma
helayaan
19. Iiìnyo ayuun bay leeyihiine, maxaa u diiday inay
runta u soo noqdaan
20. Dawladda ku meel gaarka ah ayay hoos yimaaddaan
21. Maamulka woqooyi galbeed
22. Ma aaminsani wax Somaliland la yidhaahdo
23. Iskuma fillaan karto dhaqaale ahaan
24. Annagay fasax u siina diyaaradaha iyo marakibtu
inatany soo gelin biyaha iyo hawada somaliland
25 Annagaa ka hawl galnay in Sucuudigu qaado cuna
qabataynta xoolaha
26 Annagaa soo saxeexnay mashruuca EU-da ee biyo gelinta
Hargeisa
27. Maaha in tacliinta la siyaasadeeyo
28. Maahaa isu socodka ldadka in la siyaasadeeyo
29. Maaha in baayac mushtariga la siyaasadeeyo
30. Maaha in hawlaha caafimaadka la siyaasadeeyo
PUNTLAND:
1. Dhuxusha ka dhoofta Bosaso waxa ka dambeeya dad
dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland
2. Ururka argagixisada ee Sheikh Atom wuxu gacan saar la
leeyahay maamulka Somaliland
3. Budhcadeeddu kuma koobna deegaana Puntland oo kaliya,
waxa ka buuxa reer Somaliland
4. Dadka tahriibaya badankoodu waxay soo maraan oo
nagaga yimaaddaan dhanka Somaliland
5. Ingiriisku waa inu joojiyaa mucaawinada u siiyo
Somaliland ee loo adeegsadi gumaadka reer ssc
6. Ciyaaraha gobollada waxa iman doona kooxo ka socda
Somaliland
7. Waxanu qabannay kulankii ugu horreeyay ee haweenka af
somaliga ku hadla oo somalilandna ku jirtay
8. Waxanu qabannay shirkii u horeeayay ee culimada ahlu
suna oo Somaliland ka soo qayb gashay
9. Burburkii ka dib beel waliba deegaankeedii bay u
laabatay
10. Ssc waa tolkayo waxananu wada samaysannay dawladda
buntalaan (Waa siday ugu dhawaaqaane)
11. Shir laba geesood ah oo u dhexeeya Buntalaan iyo
Galmudug ayaa ka dhacay Garowe
12. Martiqaad wadajir ah ayaanu u fidinnay Somaliland
inay nagu soo biirto shirarka dambe
13. Faroole oo ka hinaasay mucaawinada ingiriiska ayaa
gaadhay Roma
14. Annagaa u yeedhanay calooshood u shaqaystada Sarasen
heshiisyan la galnay tegina maayaan
15. Somaliland ha isaga baxdo dhulka ay xoogga ay ku
haysato ee aan laga rabin
16. Shirdibu heshiisiin ah baanu Somali isugu yeedhi
doonaa
17. Heshiiska Galkacayo ee buntalan/Tfg kana kooban 17ka
qodob Somaliland kumanaan soo qaadin
18. Ciidamadaya ayaa Riyaale ku weeraray Laas caanood
19. Puntland oo ku guulaystay baajinta mashruucii
isticmaalka Berbera ee UN-ta (Afduubyo)
MAXKAMADIHII ISLAAMIGA EE MUQDISHO:
1. Burco ayaa nalooga yeedhay
2. Ictiraafkay caabudaan reer woqooyigu ( waraysi BBc-da
u siiyay Hassan Dahir Aweys)
3. Waanu qabsan donna dalkoo dhan min Ras Kamboni ilaa
Zeila
4. Somaliland waxa taliya amxaarada
5. Land land wax la yiraahdaa ma jiraan
6. Dekeddii Berbera waxa gebi ahaan la wareegtay
Ethiopia
7. Dadka reer woqooyi na rabaane, waxa na diiddan
maamulka gaalo raac ah
8. Isaaqu waa gun ( gabay Abshir Bacadle)
9. Warba waxa ka hadhay intanu koonfurta ka soo
faraxalanyno
10. Nabaddii lixdii bilood ayuu cadowgu inoo quudhi
waayay woqooyina diyaar buu ahaa
ALSHABAB:
1. Somalia oo dhan waxannu gaadhsiin kitaabka Alle
2. Dimoqraadiyaddu waa camalka shaydaan ee gaaladu ku
dhaqanto
3. Annagaa ka dambaynay qaraxyadii Hargeisa waananu
qabsan doonaa
4. Hoggamiyayaasha alshabab waa isaq, waxa loo soo diray
inaanaan weligayo degin
JIMCIYADDA QURUUMAHA KA DHAXAYSA:
1. Qaxootiga koonfur dalkoodii bay ku baro kaceen,
caawin mayno hadaan taa la oggolaan
2. UNDP oo laga diiday manhaj iskuuleed ay soo daabacday
oo ku slaysan Somalia
3. Heading mashaatiicda JNA ee UNDP ma oggolin oo waxa
ku dhigan Somalia
4. Walad Abdalla waa nala col oo weligii nooma iman
Q.2aad
Waxay ku dhigan tahayn khadka doogada waxaynu iyana
diiradda ku saari doonnaa hadaladii yididiila da,
guubaabada iyo rajada xambaarsanaa ee ay shicibka reer
Somaliland ku cel celin jireen tan iyo ma rkii lagu
dhawaaqay gooni isu taagga.
1. Somaliland jiritaankeedu waa muqaddas
2. Waanu wada buuxinnay dhammaan shuruudihii aqoonsiga
3. Xamar annaga ayaaba ka hor xorownay
4. Waa in xuduudaha la soo xidhaa
5. Somalilander baan ahay
6. Miiska Eu-da ayay saran tahay
7. Cunaqabataynta xoolaha ee carabtu siyaasad bay salka
ku haysaa.
8. Webiga niilkaa ee carabku ka cabbo ayaanu u
caddilanahay.
9. Israac dambe geeri iga xigta
10. Way dhaqaaqday
11. Doorashadaasi siday u dhacdo ayay wax waliba ku
xidhan yihiin
12. Rajo aad u weyn baa jirta
13. Hadda ayuun bay inoogu dhow-dhowdahay
14. Wax aad yar baa innooga dhiman
15. Afrikaanka la hadlaa la inna yidhi
16. Annagu shantii oo dhan baanu lixdankii rabnaye
maanaan doonayn koonfur iyo woqooyi
17. Jabbuutiba waa ta dawlad gooniya noqotay
18. 1st july waa maalin madow
19. Waa nala khiyaameeyay
20. Wax heshiis ah isutaggii lama kala qoranin
21. Xukun qaybsi muu dhicine waxa dhacay afduub,
saamigii aanu lahaynna nalama siin
22. Waatay na xasuuqeen
23. 1960-gii 37 dal baa na aqoonsaday oo jimciyadda
quruumuhuna ku jirto
24. Israel way inna rabtaaye innagaan doonayn
25. Dadlal badan ayaa carrab laalidiyay oo hoos hoos wax
innoola wada
26. Hadday go`do South Sudan wuu jabay heshiiskii
xuduudaha ee Africa
27. Jubba aynu safaarad ka furanno
28. Eritrea haddii ay go`do innana waa ku xignaa
29. Bhutrous Ghali baa ku fadhiya codsigeenna UN-ta
30. Taiwan waxba umay noqon aqoonsi laąantii
31. Ninkii taga shirarka wallwayntu waa khaayinul waddan
32. Masar iyo sucuudiga ayaa ku fadhiya qaddiyeenna
33. Maraykanka oo yidhi kolnaba annagu uguma horrayn
doonno dhanka ictiraafka
34. Ictiraaf laąantu waa caqabad weyn oo innaga hor
taagan wax badan oo aynu qabsan lahayn
35. Isbeddelka kediska ah ee Ina Cumar Geelle muxu
daarran yahay
36. Ilaahay baa na icriraafsan, maqnaanshihiisana waxba
u noqon mayno
37. Aqoonsigu sabir badan ayuu u baahan yahay
38. Albaab waanu garaacnayoo ilaa hadda waxba ma haynno
39. Dadkayaga 97% ayaa u codeeyay gooni isu taagga
40. Pentagonka oo u horkacayo wasiirka difaaca Robert
Gates ayaa raba in aqoonsigeenna
41. Somalia nabadi ka dhici mayso innta weli aan
Somaliland la aqoonsan
42. CNN ka ma daawatay
43. Ka hor dhici mayo laakiin waxbaan idiin ogahay
44. Ictiraafkii haddaa qarkaa loo saran yahay
45. Sir culus oo ictiraafka Somaliland ku saabsan ayaa
ka fakatay wiki leaks
46. Geeri ayaan ka xigaa israac dambe
47. Haddii aynu sii xoojinno nabad gelyada waa la hubaa
48. Haddii aynaan innagu cagta jiidayn waa horaa la
aqoonsan lahaa
49. Baasaboorkayaga ayaa naloo fiiseeyaa
50. Wefdiyo qiimayn samaynaya ayaa inoo uimi
51. Meel wacan bay wax marayaan
52. Wixii hadda ka dambeeya mucaawinooyinku toos bay
imanayaan
53. Ethiopia waxay leedahay haddanu u horrayno si kalaa
la turjuman doonaa
54. Beesha caalamka ayaa inna ammanaysa
55. Waxay ku jirtaa nabad gelyada oo aynu intaa ka sii
xoojinno
56. Somalida ha lala hadlo iyo yaan lala hadlin oo weli
la isku khilaafsan yahay
57. Bagaa la riday xusni Mubarak, Qaddaafina abaalkii
looga waraabiyay
58. Wixii na durraansdaa ma mahadiyaan
59. Maalintay u daran tahay ayuun buu ilaahay shimbir
noo soo diraa
60. Haddaa na doorataan annagaa keenayna ictiraafka
61. Somaliland oo aqoonsatay Jumhuuriyadda South Yemen
(waagii AHN Mdx.Egal
62. Somaliland oo USA u fidisay deeq lacageed oo
gaadhaysa 50,000 USD qaraxyadii 9/11
63. Somaliland oo 300 oo neef oo adhi ah ugu deeqday
Djibouti ka dib weerarkii Eritrea
64. Siyaasiin ka soo qayb gashay xafladda caleemo saarka
suldaan hebel iyo boqor lagu caano shubay
65. Iqbal Jhbazi oo bug ka qoray Somaliland
66. Jenday frazier oo dalka soo gaadhay noqotay
masùulkii ugu sarreeyay ee dalka soo booqda.
67. Beel heblaayo ayaa ku biirtay xisbigaa
68. ONLF oo xeebta galbeed ka soo degtay
69. serfarkii baa khalkhalay
70. Haddii la iga guulaysto isku dhejin maayo kursiga
sida afrikaanka kale ee waan ka dagayaa
71. Senator Donald Payne oo si kulul ugu hanjabay
Somaliland
72. ka qayb galka shirarka ay soo qabanqaabiso beesha
caalamku oo la isku maandhaafsan yahay
73. Haddii aan Oromada dalka laga celin khattar wayn
baynu daaqaynaa, dalkana way innaga qaadi
74. Baarlamanka Kenya ayaa qaddiyadeennii la soo hor
dhigay
75. Budhcad badeedu way ka baqataa badahayga
76. Iskaashi caalami ah iyo gobol baanu ku hawlannahay
oo dhanka argagixisada ah
77. Satelite ayaa lagu sawiray khayraadka dalka bad iyo
berriba
78. Ethiopia waxannu qaadka ugu beddelan doonnaa inay
qaataan milix iyo kalluun
79. daadka badda ku shubma ayaanu rabnaa inaanu qabanno
oo samaynno biyo xidheenno
80. Waxa noo qorshaysan in mustaqbalka la hirgeliyo
gaadiidka tareennada
81. Ismaandhaaf ka taagan ururro siyaasadeed oo la furto
81. Ssc waa urur nabadiid ah
82. Ma qaadannaa kursiga Somalia ee UNta oo la
goàansaday in laga qaado golaha loo dhan yahay.
83. Weligeedna la inna aqoonsan maayee runta aan isu
sheegno
84. Taiwan-ba ictiraaf laàan waxba uma oga
85. Israel way inna aqoonsan lahyde innagaa ka maagayna,
sowtaa carabtu xidhiidhka la leh
86. Koonfurta Sudan waa unaynu safaarad ka furannaa
87. Xamarta aad sheegaysid soo qaadqaadkeeda ayaaba
xaaraan ah
88. Aqoonsigu sabir badan ayuu innooga baahan yahay
89. Albaab waannu garaacnay
90. Eritrea-ba wataa xorowday
91. Wixii hadda ka dambeeya waa toos mucaawinadu
92. Meel wacan bay wax marayaan
93. Baarlamanka Barwaaqo-sooranka ayaa la innagu daray
94. Shir sannadeedka madaxweynayaasha AU da ayaa doorkan
la innagu martiqaaday
Kuwaasi waxay ahaayeen waxyaabihii loogu hadal haynta
badnaa intaan ka xusuusto
Haatanna aynu eegno shakhsiyaadkii gacanta ka weyn ka
geystay ictiraaf raadinta ama qabtay hawl qaran oo qiimo
leh.
1. Mohamed Ictiraafdoon
2. Dr. Iqbal Jihbazi
3. Dalmar Kahin
4. David Shin
5. IM Lewis
6. Dr. Peter Pham
7. Dr. Abdulaziz Almuttairi
8. John Penderghast
9. Dr. Saad Sh.
10. Bashe Abdi Yuusuf
11. Indha Buur
12. Abdi Nur Darmaan
Iyo akhyaar kaloo fara badan.
URURRADA:
1. Somaliland forum
2. Siraj
3. Hawiye Action Group
Dhanka heesha waxa aniga aad ii soo jiitay labada
heesood ee kala ah
1. Somaliland dalkayga, Somaliland dadkayga
2. Annagu xamar dooni mayno, xumaanna u geysanno mayno,
xuduud laba dawladeed iyo xidhiidh baa naga dhexeeya.
Gunaanadkii waxan ku soo afjarayaa cibaarada ku jirta
magacyada isku midka ah ee kol qudha saaxad da siyaasadda
wada kulmay, bal ila arka idinna
1.
Sh. Sharif Sh. Ahmed TFG President
2.
Sharif Hassan Sh, Aden Speaker TFG
3. Sharif Ahmed Mashqac Geliye wargeyska Yool
4. Sharif Ahmed Buissiness man
5. Sharif Ahmed ( ninkii reer muqdisho ee sheegtay
nebiga isagoo Hargeisa ku sugan
KOOX KALE OO LA MID AH IYANA
1. Mohamed Abdillaahi Oomaar FM/TFG
2. Mohamed Abdillaahi FM/SOMALILAND
3. Mohamed Abdillaahi Farmajo PM/TFG
Isla doonasho ilaah
Akhris wacan
East and
West Somaliland is Best
Ali Mohamoud Noor
(Ali-Eid)
Oslo
,
Norway |
|