Somaliland Somalia: Living Apart Together

 


 

Holland (TNN)-Dood aad u xiiso badaneyd oo Lagu qabtay wadanka Holland ayaa waxaa ka soo q ayb geley KUxigeenka Wasiirka Wasaarada arrimaha debedda Mudane Maxamed Yaasiin Cawaale
iyo Gudoomiyaha Jaaliyada dIbeda Mudane Cabdiraxmaan Awliyo. Doodaasi oo ku saabsaneyd  a ma ahayd (SOMALILAND SOOMALIA Living Together apart). Waxaana soo abaabuley Holland.

Wasiir-ku-xigeenka oo wax laga weydiiyey wax hortaagan Ictiraafka Soomaliland, ayaa sheegey in Soomaliland gudatay wixii waajib ahaa ee ka saaraa inay hesho Ictiraaf, laakiin nasiib daro ay aduunka indhaha ka qarsadeen. Mar uu ka jawaabayey su,aal ahayd Bal in mustaqabalka laga  y aabo in Soomalilnad iyo Soomaaliya dib u midoobaan, wuxuu yidhi waxaan ka jeclaa adiga oo aan kaa maqalo wakhtiga dhaw ma la arki doonaa Soomaalland oo Ictiraaf Buuxa ka hesdhay  Caala mka. waxaanu raaciyey Mayaaaaaaaaaaaa.

Wasiir ku xigeenku waxa kale oo uu halkaasi ka sheegay in Shacbiga iyo dawlada Soomaaliland  a ad uga xun yihiindhibaatada haysata walaalahood Soomaaliyee, Ilahayna uga baryayo inuu ka d ul qaado dhibaatadaasi.

Waxaa kale oo war bixin dheer halhaasi ka soo jeediyey sarkaal ka tirsan Xisbiga PVDA, kana  sh eekeeyey dhibaatada ka soo gaadhay shaciga reer Soomaliland Dawladii SIYAAD Bare, iyo sida geesinimada leh ee ay wadankooda u xasilyeen, kuna guuleysteen iay dhidibada u taagan nabad lagu wada noolaado.

Sidoo kale waxaa halkaasi isna ka hadley Gudoomiyaha Jaaliyada Qurba-joota Mudane  Cabdirax man Awli, Faa-faahina ka bixiyey habka ay u shaqeeyaan iyo weliba sida ay u cawiyaan dadka Ree soomaliland.
 

 


Maxamed Yuusuf Buux
Timacade News Desk
Holland