Somaliland Science
Academy: Xarun Cusub oo Sayniska lagu Takhasusayo oo Laga Dhisayo
Somaliland

Markuu
dhismihu dhamaado waxa loo qaadan doonaa xarunta ardaydaa qoonta
sayniska hiboda u Leh. Wuxuu noqonayaa “a Centre of Excellence”.
Munaasabad lagu xusayey bilowga Xarunta cusub ee Somaliland Science
Academy oo lagu baranayo laguna Takhasusayo Sayniska ayaa xalay lagu
qabtay Hotelka Rayaan ee magaalada Hargeysa. Xafladaas oo uu qabtay
Dr. Axmed Xuseen Ciise, guddoomiyaha machadka IPRT, waxa lagu soo
bandhigay qorshaha dhismaha jaamacadaas cusub. Waxa kale oo
xafladaas loogu mahadnaqayey muwaadiniin reer Somaliland ah oo
dhulkoodii ugu deeqday dhismaha xaruntaa cusub oo ku yaala meel u
dhow magaalada Abaarso ee galbeedka Hargeysa una dhaxaysa Abaarso
iyo Caabuda.
Dr. Axmed Xuseen Ciise oo hadalo kooban ka jeeday munaasabadaas ayaa
soo bandhigay halka uu marayo qorshaha iyo dhismaha xaruntan cusub.
Wuxuu Dr. Axmed halkaa ka sheegay in dhismaha iyo qalabaynta xarunta
cusub ee tacliinta sare ay ku baxayso lacag dhan 1.5 ilaa 2 million
oo dollar, malgelintaa hordhaceedii horena soo xarooday uu kuna
kalsoon yahay in inta hadhayna u soo xaroon doontao si dhakhso ah.
Dr. Axmed wuxuu halkaa ka sheegay “in machadkan uu noqon doono
xarumaha syniska lagu barto kuwa ugu sareeya ama kuwa loo yaqaano
centers of excellence, wuxuuna barbarian doonaa dhalinyarada ku
wanaagsan tacliinta oo waxbarashadooda laga bilaabi doono dugsiga
sare ilaa heerka ugu sareeya ee Jamacadeed”
Dhismayaasha xaruntan Somaliland Science Academy waxa la filayaa
inay bilaabmaan bisha October, ardayda ugu horaysa oo ah kuwa heer
sare kaga soo baxa dugsiyada dhexena waxa la qaadan doona marka
dhismayaashu bilaabmaan, Inshallah sanadka 2009.
Waxa xafladaa ka hadlayey odyaasha magaalada abaarso iyo qoyskii
iyagu bixiyey dhulka xarunta laga dhisayo oo halkaa ka cadeeyey inay
deeqda dhulkooda u bixiyeen si ay Somaliland u hesho horumar xagga
tacliinta oo ay taasi kala wayn tahay hantida ay iyagu gaar u
lahaayeen. Qoyska bixiye dhulka intiisa badan oo ah Ilma Ahmed
Ibrahim. Waxa isna dhul kale ku daryay guddoomiyaha magaalada
Abaarso Oday Adan Egeh oo horena ugu deeqay dhulka dugsiga hoose/dhexe
ee magaalada Abaarso. Waxa kale oo halkaa ka hadlay Dr. Xuseen
Cabdillahi Bulxan oo ka faalooday faa’dida ay xaurntani Somaliland u
lahaan doonto markay hirgasho.
Xaruntu waxay lahaan doontaa dhismayaal tiro badan oo ka mid yihiin
fasalo, laboratoriyo, library balaadhan, guryaha ardayda, guryaha
shaqaalaha iyo macalimiinta iyo garoon wayn oo casriyaha.
Waaheen
|