Somaliland oo Xubin ka noqotay Dallada Caalamiga ah ee Kulmise Urur-goboleedyada Wadamada Adduunka

 


London (TNN)-Xafiiska Jaalliyada Somaliland ee Cardiff oo ka tirsan dalka Ingiriiska, ayaa ku  g uulaystay sidii ay Somaliland uga mid noqon lahayd dalada caalamiga ah ee kulmisa Urur  gobo leedyada waddamada adduunka oo magaceeda loo soo gaabiyo (NGR4SD).

Sida Jamhuuriya London u xaqiijiyay agaasimaha Xafiiska Jaalliyada Cabdikariim Cabdi Aadan, waxa xafiiska jaaliyada reer Somaliland ee magaalada Cardif ee gobolka Wales ay in muddo ah dedaal ugu jireen sidii ay Somaliland uga mid noqon lahayd xubnaha dalalka ku jira dalada  caal amiga ah ee kulmisa urur goboleedyada wadamada adduunka, isaga oo soo bandhigay  qoraa lka rasmiga ah ee dalladaasi Somaliland ugu ogolaatay xubinimada ururkaasi.

Qoraalkaasi oo u qornaa sidan; “Guddida Hoggaaminta ururka NGR4SD iyagoo tixraacay  codsi gii Somaliland waxay soo dhawaynayaan xubinimada Somaliland, waxayna rajaynayaan in ay wada shaqayn fiican la yeeshaan Somaliland oo ku wajahan arrimaha lagu horumarinayo  duni da. Waxaana aanu halkan caddeynaynaa in Somaliland codsigeedii ururku aqbalay oo laga  bila abo maanta ay ka mid tahay ururkan NGR4SD, iyadoo noqon doonta xubin goob-jooga, inkast oo Somaliland ay ku dhawaaqday madaxbanaanideeda sannadkii 1991-kii haddana wali  Qaram ada Midoobay may aqoonsan.”

Qoraalkan waxa kale oo lagu sheegay in Somaliland sida xubnaha kale ee ururka ay xaq u  yee lan doonta wax kasta marka laga reebo coddeynta oo aanay codeyn doonin, waxayna ka  qa yb qaadan doontaa dhammaanba kullanada Ururka. Ugu dambayntii ururka NGR4SD, waxa uu Somaliland u rajeeyay in ay xubin buuxda noqon doonto. Guddoomiyaha ururka Jaalliyada  Car diff Cabdiraxmaan Axmed Cawed iyo Agaasimaha Jaalliyada Cabdikriim Cabdi aadan waxay  ma hadcelin u soo jeedinayaan doorkii uu ka qaatay ka midho dhallinta hawshan madax ururka do wladaha hoose ee Somaliland Xuseen Maxamed Jaamac iyo Maayarka Hargeysa Xuseen Jiciir oo soo dhameeyay hawlihii dhinacooga ku xidhnaa ee la xidhiidhay meel marinta codsiga.

Haddaba maaha markii u horeysay ee jaalliyada reer Somaliland ee Cardiff hawl noocan oo  ka le ah samayso balse waxay hormood ka yihiin dedaalka qurba jooga reer Somaliland ugu jiraan sidii dalkoodu aqoonsi buuxa u heli lahaa, waxayna hore ugu guuleysteen in Boqorada  Ingiriis ku ay casuumada u fidiso shirgudoonka Golaha wakiilada Somalland, taasi oo horseeday in  So maliland si goob-jooga uga qayb gasho kullamada baarlamaanada dalalka Common wealth.

Sidoo kale waxay jaalliyada Cardiff soo gaadhsiisay Somaliland shixnad dawooyin ah oo ay u soo wakiisheen in ururka Somaliland Youth Forum ku wareejiyo wasaarada caafimaadka ee Somaliland. Waxa iyana xusid mudan in durba lagu soo daabacay bogga internetka ee ururka asi xubinimada Somaliland http://www.nrg4sd.org/membership Equateur, Democratic  Repub lic Of Congo, Senegal, Lusaka Province, Zambia, Mbale District, Uganda, Nord Burkina, Burkina Faso, Provincia De Sofala, Mozambique, Somaliland Municipal Association (Obersvers), Somalila nd ,Southern Nations & Peoples State Of Ethopia, Ethiopia,Timbuktu, Mali,Western Cape Provi nce, South Africa.
 



Source: Jamhuuriya Online