Somaliland oo wada Jaamacad
(university ) ah, Ilaahay ma ina joojay !

Ma shan baa, ma Lix baa mise
waa-ba ka badan, inta Jaamacadood ee dhalinyarada dalkeena Hooyo ee
Somaliland ee u haraadan aqoonta
sare, ku kalahdaa aroortii? waa Talo nabsi maal ah!.waana wax Allah
looga mahad celiyo, inad hoygaaga ku heshaa aqoomaha heerarkooda
kala duwani waxay ka mid tahay, guulaha ugu waawayn ee dadku
hiigsado inuu gaadho, taasina waxa ay maanta si caafimaad qabta oon
shaashaysnayn uga unkantay dalkeen Hooyo ee Somaliland, waxase mudan
in la xasuusnaado in xili yar ka hor arintu sidaa aad uga duwanayd.
Xili yar ka hor, waa intii aynu ka midka ahayn dalkii la isku odhan
jiray Somaliya-e, ma jirin horumarka dhan kastaba ah een gaadhsiinay
dalkeena hooyo hada, ee qaran-nimada goonida ah leh, nabada leh,
xoriyada leh, dadkaagii kuu ariminayaan leh, dugsiyada aqoomaha kala
duwan laga hirqanayo leh, Telefishanada tirada badan leh,
telefoonada caynba caynka ah leh. Calanka sedexda midab ee Tawxiidku
ku daruuran yahay iyo Heestiisa u gaarka ah leh. lacagta qiimaha
badan een qiimo dhacu saamayn karin leh iwm.
Xili yar ka hor, intaa aan dusha ku soo sheegay iyo in kale oo ka
badan, intii bedelkeeda ah ee ugu daran, uguna xanuunka badan baynu
ku jirnay, waxaynu ku jirnay qarankeena oo inaga muruxsaday oo gacan
kale galay, waxan ku jiray arinteena iyo taladeena oon cid kale uga
daba-fadhiisano, waxan ku jirnay col iyo laandayr joogta ah, waxan
ku jirnay shib dhaha oo waxba ha ka sheegina maamulka iyo masayrka
dalka, ha dhisina waxad jeceshaheen , ha dhoofina oo ha soo
shaqaysanina, ha baranina waxad rabtaan, ha soconina xiligay dantu
ku jirto, ha yeelanina hantiyaha qaarkood, ha degina meelaha
qaarkood, ha beerina dalagyada qaarkood. ta ugu sii darani wax
kaleba daayoo ha dhagaysanina '''heesaha ama fanaaniinta qaarkood''
! iwm.
Xili yar ka hor, dugsiyada waxbarashada hoose/ dhexe/ sare ee
dalkeena ku yaalay waa koobnaayeen, iyada haba soo qaadin dugsiyada
waxbarashada sare ee heer Jaamacadeed ah, ninka waayuhu gaadhsiyaa
inuu heer jaamacadeed hiigsado, waxa uu ku sandulaysnaa inuu u
dhalandhoolo Xamar, oo uu ku beegsado waadaalnimo iyo waxa biligiisu
u soo xero galiyo, waxa lagama maarmaan ahaa inad cid ku yeelato ama
ka taqaan Xamar, hadii aanay taasi suurta gal kuu ahayna inta badan
mabaad hawaysanayn, waana ta keentay in dhaalinyaro badanoo reer
Somaliland ahayd ay rumayn kaari waayeen riyadoodii ahayd inay
waxbarasho sare gaadhaan iyaga oo lahaa tayadeedii oo la hubo inay
durduro ku dhamayn lahaayeen jaadkasta oo aqoneed oo jaamacadu
leedahayba ''Allahayaw maxaa maskax godolkeeda lagu rayn lahaa ay
Jaamacad la' aani inaga gaagaxisay!'' Taasi waata keentay inay aad
inoogaga horumaraan xaga aqoonta sare ee heerka Jaamacadeed ah
waxana ay ka mid ahayd gun-nimadii aynu inagu isku keenaay.
Si kastaba ha ahaatee waan ka soo gudubnay taasi waana arin ilaahay
looga mahadceliyo, waxba yaanay hadaba sheekadu meelo kale iyo
xidhadh kale oon laga gayoobayn ila galine, aan ku noqono
Jaamacadaha ka hanaqaaday Somaliland. Iqra ayaa lagu yidhi
Nabigeenii Maxamed ahaa (nnkh) qiimaha ay leedahay aqoontu maaha wax
fudud, Nabigeena ( nnkh) ayaa laga wariyay aqoonta meel kasta u
raadsada dalka Shiinahana ha ahaatee, dhanka kale marka aad ka eegto,
waynaga nidhaa '' aqoon la' aani waa iftiin la' aan '', dadkuna waa
ka siman yahay tixgelinta aqoonta, waxa taa kuu cadayanaya maah maah
Shinaysa ayaa laga soo weriyay inay tidhaahdo '''qofka ha siin
Kaluun ee bar sida loo kaluumaysto'' oo ujeedada ka danbaysaa ay
tahay bar aqoon uu ku kaluumaysto taasaan ka dhamaanayne.
Aqoontu waa tab loo barto in la adeegsado marka baahideedu timaado,
waa waxa ugu fiican ee uu qof hantiyi karo, waa waxa kali ah ee aan
kaa lumayn, kaa dhacmayn, kaa bedelmayn, lagaaga murmi karin, ma
jirto '' ku qabso ku qadi mayside '' cid kaa sheegan kartaa ma jirto
waxa aad maskaxdaada ku shubato oo waa kuu kayd inta xabaasha aanad
galin, sidaas darteed hadaad rabto nolosha inad adigu gacantaada ku
haysato ood u maamulato kolba sidaad doonto, badso oo miciinso
aqoonta!. Waxa adigu ku anfacaa bulshadaadana wax ugu filan,
horumarka dalku waxa uu ku xidhan yahay heerka aqooneed ee ay
bulshada ku nooli gaadhsiisan tahay, waxa aanu muran ku jiran in
hada jaamacadahaa badan ee dalkeena Somaliland ka tisqaaday ay is
bedel dhan kastaba ah oo fiican inoo soo hoyn doonaan.
Waa Guul aad loogu diirsado dalkii Somaliland ee dhawrka dugsi ee
sare ee kaliya lahaa, xili aan durugsanayn oo maanta ay Jaamacado ay
ka mid yihiin,-
b- Jaamacada Burco.
t- Jaamacada Camuud.
j- Jaamacada Golis.
x- Jaamacada Laascaanood.
kh- Jaamacada Eelo.
d- Jaamacada Adams.
r- Jaamacada Hargaysa.
Iyo in kale oo badan ood adba ka war hayso iyo weliba kuwa hada
qalqaaladooda lagu jira ay ka furan yihiin, taasoo weliba ay dheer
yihiin maxadyada kala duwan ee ka buuxa dalkeena, dugsiyada hoose/
dhexe/ sare ee meel kasta ku yaal ee qaarkood gaarka looba leeyahay
iwm, dhamaantood waa waxeenii, waana Ilaahay mahadii, taasise xili
yar ka hor iskaba daa inad ku hamidee, kumanaad hawaawiyan! Waa
sadkii inagaga maqnaa is raacii 1960-kii een eednay, oo aan hada soo
xerogashanay!. Gabagabada maqaalkan waxa magaceeda iska leh guushaa
oon cidi ku labaynayn dadka u xaydan inay dadkooda iyo dalkooda
hore-u-mariyaaan oo ay aduunyada dhan ka raaciyaan, Ilaahay ha ka
abaaliyo inta u darban dalkeena dhan kastaba, ee waajibkooda hagar
la' ida u gudanaya goor kasta,. waxana aan leeyahay waa halkii
heestiiye '' Ilayskaa kuwii shidoow abaal baan kuu haynaa, Agoonta
kuwii dhacoow Inkaarbaan kugu ognahay''.
Hadal iyo dhamaan dhalinyartaay Gacmahiina kaga dherga, aqoontaa
jaad kastaba leh ee maanta afaafkiina wadhan, xili aaan dheerayn
maanu hayn anaguye!. Allah ha inoo kadbo.
Somaliland ha jirto oo ha joogto.
Cali
Cumar Xasan
|