Somaliland oo Noqotay Dalka 4aad Afrika ee Yeesha Furaha Macdan-baadhista


 



Nuxurka qoraal madaxa shirkadda ugu weyn macdanta dalka Canada u soo diray Madaxweynaha Somaliland iyo xarun weyn oo ay Hargeysa ka Furatay

“Sida aad ka war qabto shirkadda soo shirkdda macdanta-qodda ee Nubian Gold Corporation, wa xay dhawaan dawladda Somaliland la saxeexatay heshiis is-afgarad si ay markii u horreysay dalka uga samayso sahan dhinaca macdan-baadhista la xidhiidha...”

Qoraal uu Madaxweyne-ku-xigeenka kamaniga ORE ZONE GOLD Mr. Gregory Bowes u diray Madaxw eyne Siilaanyo
 


Hargeysa, Sat 29th Oct,2011 (TNN)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa nasiib u yeelatay inay noqoto dalka 4aad qaaradda Afrika ee yeesha fure macdan-baadhiseed (mine code) u gaar ah oo noqonaya in shirkadaha caalamku u tartamaan soo saarista macdanaha kala duwan eek u duugan dhulka Somaliland.

Shirkadda ORANE ZONE oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn macdan-soo-saarista oo laga leeyahay waddanka Canada, ayaa ku guulaysatay dhawaan inay hirgeliso samaynta fure-macdaneed gaar u ah Somaliland oo muftaax u noqonaya qorshe ballaadhan oo shirkaddaasi ugu talogashay maalgashiga iyo soo saarista qaniimadda macdanta ee ku hoos jira dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirkaddan oo uu dhawaan dalka keenay Wakiilka Somaliland ee waddanka Canada Mr. Maxamed Cumar Ismaaciil, haatanna xarun weyn ka furatay caasimadda Hargeysa, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda bilowdo wejiga labaad ee qorshaheeda oo isugu jira sahamin sugan oo lagu samaynayo macdanaha kala duwan ee ku duugan geyiga Somaliland, waxaana sida qorshuhu yahay hawshaas sahaminta ah ka hawlgeli doona khubaro caalami ah oo ka tirsan shirkaddaas oo xarunteedu tahay magaalada Ottowa ee caasimadda dalka Canada, iyagoo kaashan doona aqoonyahannada macdanta ee reer Somaliland iyo dadka degaannada hawlgalkani ku jihaysan yahay.

Mashruuca samaynta furaha macdanta Somaliland oo ay samaysay shirkadda Nabian Gold Corporation oo ka tirsan kambaniga ugu weyn ee soo saarista macdanta iyo dahabka ugu weyn ee waddanka Canada oo sida la sheegay ay hirgelintiisa ku baxeen lacag lagu qiyaasay malaayiin dollar, kaasoo shirkadaha caalamka u fududaynaya sahaminta, baadhista iyo soo saarista khayraadka ku jira dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo kharashka ku baxay mashruucaas iyo kuwo cusub oo dhowaan shirkaddaasi dalka ka hirgelin doonto ka mid noqon doonaan maalgashi ballaadhan oo shariikadaha Canada ugu deeqeen Somaliland.

Sida ku cad dukumantiyo iyo xogo Jamhuuriya ka helay qorshaha macdan soo saarita Somaliland ee shirkadda ORANE ZONE iyo wakiilka Somaliland ee Canada Mr. Maxamed Cumar Ismaaciil oo haatan ku sugan caasimadda Hargeysa, waxa ay shirkaddaasi go’aansatay maalgashi dhinacyo kala duwan leh oo ay ka fulinayso dalka, kuwaas oo isugu jira baadhista macdanta, tababaridda aqoonyahanno macdaneed oo muwaaddiniin ah, mashaariic lagu horumarinaayo wax-soo-saarka beeraha, xoolaha, ciidammada booliska, bulshada degaannada sahaminta macdan-baadhista ah laga fulin doono iyo dhinacyo kaloo tiro badan.

Maalgashigan oo ah kii ugu horreeyey, uguna ballaadhnaa ee Somaliland ka hesho shirkadaha waaweyn caalamka, waxa gacan weyn ka geystay Mr. Gregory Bowes oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka kamaniga ORE ZONE GOLD oo ay hoostagaan shirkadaha macdanta ee ugu waaweyn dalka Canada iyo mulkiilaha iyo madaxa shirkadda Northern Graphite oo sii maamusha shirkadda Nabian Gold Corporation oo ah ta fulinaysa maalgashiga kambanigaas Canidain-ka ah ka hirgelinaya Somaliland.

MR. Gregory Bowes waa uu ka mid yahay saaxiibadda ugu waaweyn ee Somaliland ku leedahay adduunka, gaar ahaan waddamada Canada iyo Maraykanka oo si weyn looga tixgeliyo, waxaannu xidhiidh aad u adag oo joogto ah la leeyahay xafiiska wakiilka Somaliland ee Canada oo safka hore kaga jira xafiisyada ugu muhiimsan ee Somaliland ku leedahay caalamka.

Haddaba, wargeyska Jamhuuriya waxa uu akhristayaashiisa u ballanqaadayaa in uu si taxane ah ugu soo bandhigi doono qoraallo, dukumantiyo iyo xogo kala duwan oo ku saabsan marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray mashaariicda maalgelineed ee shirkadaha macdanta ee Canada ka fulinayaan Somaliland iyo jadwalka hawlgallada maalgashi shirkada Nubian Gold Corporation ugu talogashay fulinta hawsheed. Sahaminta macdanta iyo horumarinta adeegyada bulshada Somaliland.

Sidaa awgeed, qormada koowaad ee cadadka maanta waxa aynu ku soo bandhigi doonaa nuxurka laba qoraal oo uu Madaxweyne-ku-xigeenka kambaniga ORE ZONE Gold Mr. Gregory Bowes u kala diray madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) 4 August iyo Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Somaliland Marxuum Qaasim Sheekh Yuusuf, qoraalladaas oo uu tafaasiil kaga bixiyey awoodaha waxqabad ee shirkadihiisa macdanta ka shaqeeya iyo qorshihiisa ku wajahan mashaariicda maalgashi ee ay Somaliland ugu talogalee.

Qoraalladaas oo ku qornaa luqadda Ingiriisiga oo aannu afsoomaalu u turjumnay, waxa aynu ku bilaabaynaa ka uu Mr. Bowes u diray Madaxweyne Siilaanyo oo uu dhignaa sidan:

“Waxaan si xushmad iyo sharaf leh kuugu hambalyaynayaa guushii wayneyd ee aad doorashadii ka gaadhey, manay ahay mid kelidaa ku soo hoyatey, balse waxay ahayd mid dalka iyo dadka oo dhan u soo hoyatey, waxaanan filayaa inay tallaabo muhiim ah u tahay jidka Somaliland rabto inay bulshada caalamka aqoonsi rasmi ah kaga hesho.

Sida aad ka war qabto shirkadda soo shirkdda macdanta-qodda ee Nubian Gold Corporation, waxay dhawaan dawladda Somaliland la saxeexatay heshiis is-afgarad si ay markii u horreysay dalka uga samayso sahan dhinaca macdan-baadhista la xidhiidha.

Waxa ilaa hadda sugayaa war-bixintii khubarada ku xeel-dheer Cilmiga Macdan-baadhista ee uu wehelinayey safarkii ugu dambeeyey ee dalka Somaliland ku immi, waxaanan rajeynaya in aan mustaqbalka dhaw oggolaanshiiyaha u horreeya helo.

Tani waa qaab fudud oo lagu jiidaynayo shirkada maalgelinta, isla matrkaana ku dhiiri gelinaysa inay dalka yimaaddaan.

Somaliland waxay u baahantay shuruuc casri ah oo ku salaysan dhinaca soo saarista macdanta, lana tartami karta waddamada kale ee Africa, sidaas darteed sida uu dhigayo heshiiska afgaradka waxaan oggolaaday in aan arrintaas idinka caawiyo.

Waxaan hore Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ugu gudbiyey faahfaahin ku saabsan shuruucda iyo qawaaniinta dalka ee wakhtigan marka la barbar dhigo kuwa waddamada Tanzania, Burkino faso iyo Eriteria, kuwaas oo ku guuleystey maalgelinta shisheeyaha. Waxaan tallooyin ka bixiyey sida keliya ee Somaliland mustaqbalka dhaw u hagaajin karto, una samayn karti qawaaniin cusub oo dhinaca macdan qodista ah, anigoo tixgelinaya rabitaanka dawladdaada.

Marka sharcigaas cusub ee macdan qodista ee Somaliland noqdo mid caawiya shirkadda Nubian Gold Corporation iyo dedaalkaagu, waxaan dawladda Somaliland si hufan uga caawin doonaa soo jiidashada shirkadaha kale, iyadoo la samaynayo sharci dhex-dhexaad u ah labada shirkadood, dawladda iyo dadka reer Somaliland.

Waxaan sidoo kale jecelay in aan farriintan qaaliya u gudbiyo safiirkiina dalka Canada Mr. Maxamed Ismaaciil oo igu dhiiri-geliyey in aan dalka imaado, waxa uu igula hawlgalay niyad-sami, waxaannu markasta u heelan yahay, maskaxdiisa ku weyn horumarinta dalkaaga iyo dadkaaga.

Laba jeer oo hore, ayaan Somaliland socdaal ku imi, waxaanan rajeynaya in aan markale ku soo laabto si aan adiga iyo shaqaalahaga arrintan ugala hadlo. Inkastoo, shirkadda Nubian Gold tahay shirkad yar, haddana wax badan ayey dhinaca macdan-qodista ka qabatay, maxaa yeelay waa shirkad……… haddii arrintanu meel-mar noqoto, waxaana rajeynayaa inay shirkadaha kale dhiirigelin u noqon doonto.

Sidaa darteed, ORE ZONE Gold Corporation waxay si ixtiraam leh iidinka codsanaysaa inaydun u fidisaan oggolaansho ay ku soo booqanayso dalka Somaliland si samahamin ugu samayso meelaha ay dalka kaga jiraan macdahana khayriga ee qiimaha leh.

ORE ZONE waa shirkad Canadian ah oo baadha macdanta, isla markaana muddo 15 sannadood ah si aad ah uga shaqaynaysay galbeedka Afrika. Shaqadayada badankeeduna waxay ka socota dalka Burkina Faso, laakiin waxaannu sidoo kale macdanta ka baadhnaa dalalka Mali iyo Niger.

ORE ZONE waxay heshay, sahamisay, fududaysayna in la helo, isla markaana bilawday dhismaha dahabka Essakane Gold ee dalka Burkina Faso, kaas oo ahaa mashruucii horumarineed ee ugu ballaadhnaa ee dalkaas soo mara taariikhda, kharashka ku baxayna wuxuu guud ahaan dhammaa $420 milyan (Afar boqol iyo labataan milyan oo doollar).

Essankane waxa waqtigan iska leh shirkadd weyn oo Canadian ah oo la yidha IAMGold, taas oo ka iibsatay dhigeeda ORE ZONE. Wax-soo-saarkaasna waxa la rajanaya inuu bilaabmo badhtamaha sannadka 2010-ka, waxana celcelis ahaan sannadkaas ku bixi doona xaddi dhan 351,000 ounce [lacagta Canada].

Ka hor intii aan la samayn qorshaha lagu soo saarayey macdanta waxa mashruuca Essankane ku baxay lacag dhan $50 milyan, waxaanuna ku kharashgaraynay in ka badan $25 milyan, mashaariicdayada kale walina lama go’aamin in midkoodna yahay mid dhaqaale. Sidaad fahamsan tihiin, sahaminta iyo soo-saarista macdantu aad bay qaali u tahay, waana ganacsi khatar badan.

Waxaannu sidoo kale maalgelinay heshiis weyn oo lagu ansixinaayo tayada nolosha bulshada, halkaas oo aannu ka fulinay waxyaabo ay ku jiraan biyo, tacliinta, nadaafada iyo mashaariic horumarineed, taas oo annaga muhiim noo ahayd.

Haddaba, si waddamadu u soo jiitaan shirkadaha waaweyn ee wax-soo-saar waa inay horumariyaan dakhligooda iyo hab-u-socodka shaqadoodda oo guud ahaan ay u sinaadan shacabku, sidoo kalena waxay soo jiidanaysa shirkadaha iyo kuwa kale ee ku tartamaya waddamada Afrika.

ORE ZONE waxay aad ugu faraxsan tahay inay idinkala xaajoto qaab hawleedkan, sidoo kalena idinla naaqishto fursad ay ku soo saarayso ka faa’iidaysiga macdanta khayriga ah ee ku jirta Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaannu hadallo iyo warbixinno wanaagsan ku saabsan wanaagga dadka iyo dalka Somaliland ka maqalnay saaxiibkiiyaga qaaliga ah ee Mr. Tom Bond. Haddaannu nahay ORE ZONE waxaannu ku kalsoonahay khibrada aannu u leenahay macdan soo saarista iyo mashaariicda horumarineed,” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalkan. La soco qaybo kale oo ka mid ah macluumaadyada iyo xogaha ku saabsan maalgashiga shirkadaha reer Canada ka fulin doonaan Somaliland….

 

Source:Jamhuuriya