Somaliland oo markii u horaysay lagu soo ban dhigay qalab si fudud Hawada uga samaynaya Biyo iyo qaabka loo adeegsanayo


“ Hawada ka Cab”

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Munaasibada furitaanka qorshahan cusub oo Maanta lagu soo bandhigay huteelka imperial ee magaalada hargeysa, waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland, culimaadiin, aqoonyahano dhakhaatiir iyo dadweyne kale, waxaana ugu horayn furitaankii munaasibada aayado quraan ah ka akhriyay la taliyaha sharciga ee golaha wakiilada Sheekh Axmed Cali kaahin oo ku tilmaamay talaabada qorshahan la doonayo in lagaga hirgeliyo Somaliland mid faaido weyn u leh bulshada, maadaama ay biyuhu yihiin baahida ugu weyn ee maanta dunida ka jirta, isla markaana aanay la,aantood suurta gal ahayn nolosha aadamaha, xayawaanka iyo deegaankuba.

Sheekh axmed waxa uu ku sifeeyay qorshahan mid baahi weyn loo qabo, iyadoo la ogyahay in dunidu maanta ka cabsi qabto dagaalo ka dhasha dhinaca biyaha, isla markaana uu ganacsiga noocan oo kale yahay mid ay dadka sameeyaa ajri iyo xasanaad ka helayaan, maadaama uu yahay wax ay bulshadu u baahtahay.

Marwo Shukri Aadan jaqaf iyo ifraax cumar hadraawi oo ah haweenka qorshahan oo loogu magacdaray “Hawada ka cab” ku soo kordhiyay Somaliland,waxa magcooda ku hadlay Maxamed Axmed oo qoraal kooban oo uu ku iftiiminayo ujeedada qorshahan munaasibada ka akhriyay, wuxuuna yidhi,



“ Ma u baahanahay inaynu helo Biyo nadiif ah oo aynu Hawada ka cabno?.

Hadii ay jawaabtu tahay haa, waa inaynu ka faa,idaysano fursadan oo ah qaabka horumarka dhinaca sayniska iyo tignoolijiga laga gaadhay ee mishiinada hawada dusheena kasoo nuugaya Biyaha, kuwaas oo caafimaad ahaan iyo nolol ahaanba wax weyn ka taraya dhibaatooyin badan oo caafimaad oo mujtamaca aduunku kala kulmeen biyaha aan filtargayasnayan iyo biyaha aan nadiifta ahayn ee ay cabaan oo sababay inay galaaftaan xaalada caafimaad ee noloshooda malaayiiin qof oo dunida ah.



Qaar badan oo ka mid ah bulshooyinka dunidu ma helaan biyo ku filan oo nadiif ah, iyadoo aynu ognahay inay sanadii u danbeeyay dunida soo foodsaartay cabsi iyo wer-wer laga qabo in dagaalka sadexaad ee dunidu noqdo mid biyaha ka dhasha, isla markaana saadaasha noocaa ahi tilmaantay dalal badan iyo dadyow sanadaha soo socda laga cabsi qabo inay biyo la,aani soo food saarto.

Hadba Somaliland oo la rumaysan yahay inay ku jiraan dhulka hoostiisa biyo badan oo mudooyinkan ku filan, waxa jirta in aanay bulshooyinka magaalooyinka ku nool iyo kuwa reer guuraaga, ama dhulka miyiga ahi helin biyo ku filan, iyadoo ay yar yihiin inta hesha biyo nadiif ah oo ay cabaan, taas oo xaalada caafimaad iyo nolosha bulshadaba ku yeelatay saamayn.

Si hadaba culayska iyo cidhiidhiga keenaya biyo yaraanta loo yareeyo, isla markaana loo helo biyo nadiif ah oo aanay biyaha ku kaydsan dhulka hoosena gabaabsi inoogu noqon , waxaanu qorshaynay in la helo biyo nadiif ah oo safaysan oo laga dhalinayo hawada, kuwaas oo wax ka taraya dhibaatooyinka biyo yaraanta iyo helitaanka biyo nadiif ah oo xaalada bulshada ee dhinaca caafimaadka iyo nolosha wax ka taraya.



Qaabkan soo nuugista biyaha cirka oo magaciisu yahay hawada ka cab, waa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee Somaliland yimaada, waxaana ku rajaweynahay inuu xaalada nolosha caafimaadka iyo baahidii biyaha nadiifta ah ee bulshada wax weyn ka bedeli doono. Qorshahan wuxuu si gaara fursad ugu yahay Huteelada waaweyn, xafiisyada, goobaha ganacsiga ee kale, guryaha iyo inay bulshadu uga faaidaysato wax soo saar ganacsi oo dhinaca biyaha safaysan ee hawada oo kuu suurta gelin kara hab casriya oo aad uga ganacsanto biyaha adigoo isticmaalaya hadba heerka awoodaada dhaqaale ee kuu saamaxaya mishiinka aad u baahantahay iyo xadiga inta litir ee uu soo saarayo maalintii.”



Sidoo kale Sarkaal ka socday dalka India oo hirgelinta dhinaca farsamada ayaa munaasibada ku soo bandhigay muuqaalo iyo qoraalo ka waramaya habka qalabkan hawada loogaga dhalinkaro Biyo, iyadoo la adeegsanayo qalabka mishiinada oo wax soosaarkoodu kala duwanyahay iyo awooda mishiin waliba u leeyahay inuu soo saaro maalintii oo biyo safaysan oo nadiif ah, isla markaana wuxuu dadkii munaasibada kasoo qayb galay usoo hor dhigay biyihii uu sameeyay mishiinka goobta yaalay, taas oo qof walba ku dhiiri gelisay inuu cabo, wuxuuna sheegay in qorshahan iyo hidisahani yahay mid dunida ku cusub oo wadamo yar oo dunida ah ka hir galay.



Wasiir-Dawlaha Caafimaadka Somaliland Axmed Cali Shire oo hadal kooban ka jeediyay halkaa ayaa ku tilmaamay talaabada qorshahaa mid wax weyn ka tari kara baahida biyaha ee ka jirtay Somaliland, isla markaana uu suurta gelinayo inay dad badani lasoo baxaan biyo nadiif ah oo ay cabaan.



Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi hadalo ka jeediyay Wasiirka Duulista iyo Hawada Sare Cali Maxamed Waran-cade oo aad uga sheekeeyay sida uu ula dhacsan yahay qorshan cusub oo uu sheegay in ay Bulshada wax wayn u tari doonto. Waxa uu wasiirku u ku dhiiri galiyay in ay Isticmaalaan Adeegan Cusub Xafiisyada Dawlada, Huteelada iyi Guryuhu.

Cali Maxamed Warancade, wasiirka Duulista Hawadu, waxa uu Madasha ka balan qaaday in uu noqon doono qofka ugu horeeya ee Isticmaala.



Adeegan Cusub ayaa ah kii ugu horeeyay Noociisa oo Dalka laga hirgaliyo. Hadii lagu guulaystana waxa uu noqon doonaa mid wax wayn ka tara Baahida Biyo La’aanta ah ee Dalka ka jirta.




Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com