Somaliland Oo Lagu Soo Bandhigay Lafaha Xoolaha Oo Laga Sameeyey Qalabka Haweenku Isku Qurxiyaan

 

 

 


Mashruucan ah in lafaha xoolaha laga sameeyo agab la isticmaalo ayaa waxa maal gelisa y........

Hargeysa (TNN)- Wasiirka xanaanada Xoolaha Somaliland Dr.Cabdi Aw Daahir ayaa maanta u furey 80-hablood tababar ku saabsan sidii lafaha xoolaha looga sameyn lahaa, Sabuunta, qalabka haweenku isku qurxiyaan,sida Silsiladaha qoorta la gashado, Shuuliyada gamacmaha la gashado, Dhagaha, Far-gallo, Saabuun ay u bixiyeen Bilan Soup iyo waxyaabo kale oo bilic ah, iyo muqumad la cilmiyey sida weel iyo waxyaabo la mid ah ayaa maanta lagu qabtey xarunta hay’ada SOMDA ee Magaalada Hargeysa

Munaasibada furitaanka tababarka ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaarada Xanaanada xoolaha Somaliland Dr.Cabdi Aw Daahir, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, Xildhibaan Yuusuf Kirix oo ka tirsan xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysa, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada Somaliland Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi,Xoghayaha Gobolka Maroodijeex Xamse Ciise Cabdi,Madaxa hay’ada FOA Maxamed Jaamac iyo marti sharaf kala kale.

Mashruucan ah in lafaha xoolaha laga sameeyo agab la isticmaalo ayaa waxa maalgelisay FOA iyo hay’ado kale, waxaana dhiirigelisay inuu horumaro xukuumadda Somaliland.

Xoghayaha hay’ada Somaliland Meat Development (SOMDA) Siciid Ibraahim Faarax oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey dhamaanba masuuliyiintii ka soo qeybgalay furitaanka tababarka, waxaanu yidhi “Waxaanu maanta halkan u joogna inaanu bilowno tababarkii hore u socday ee ahaa wax soo saar dalka ku cusub oo ah lafaha xoolaha oo laga sameynayo Saabuun iyo jewelrys ama waxyaabaha dumarku isku qurxiyaan”

“Maanta waxaad arkeysaan Saabuuntii iyo qalabka ay dumarku isku qurxiyaan waxaananina waxay ka soo baxeen alaab markii hore xashiish ahaan jirtey,waana qalab aynu dibada u dhoofin karno waxa waddankeena ka soo hadha, waxaanu hay’ad ahaan balanqaadaynaa inaan fursadaa lumin doonin ee sida la rabo uga faa’iideyn doono dalka iyo dadka Somaliland-ba.”Ayuu yidhi Siciid Ibraahim Faarax


Xoghaye Siciid Ibraahim Faarax Waxa uu mahadnaq balaadh u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Kuxigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Xukuumadda Somaliland talaabooyinka geesinimada leh ee ay ku dhiiri gelinaysay in mashruucani guuleysto waxay noqonayaan kuwo aanan weligayo ilaabin doonin. Waxa tababarkan ka qeybgeli doona ardey dhan 80-qof, waxaanu u socon doona muddo 12-bilood ah sida uu qorshuhu yahay oo bil bil u kala qorshaysan. Waxa kale oo jira sida alaabtan loo sameeyey waa aqoon iyo tacliin dalka u soo korodhay, maaddaama oo ay waxbasho tahayna waxa qasab noqotay in Manhaj loo sameeyo, Hay’adda FOA waxay naga aqbashay inay manhajkaas diyaariso oo dhawaan isagana la soo bandhigi doono, Khabiirradii u yimina ay shalay uun dalka dib uga laabteen, isla markaana ay daraasad iyo xog ururin sameeyeen, annaguna wixii aannu ku kordhin karaynay ku kordhinnay, waxaana markay ka soo baaraan-degaan dib loogu soo celin doonaa Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan idiin sheegayaa inaan Manhajkaasi dalalka Afrika ka jirin siday noo sheegeen Khoboradu.”

Siciid waxa uu sharraxay inay Lafaha Geela, Geesaha Lo’da iyo Adhiga ay ka sameeyeen waxyaabaha Dumarku isku qurxiyaan oo dhan, sida Silsilada qoorta la gashado, Shuuliyada gamacmaha la gashado, Dhagaha, Far-gallo, Saabuun ay u bixiyeen Bilan Soup iyo waxyaabo kale oo bilic ah, sida weel iyo waxyaabo la mid ah, kuwaas oo uu xusay inay dhinacyo badan horumar u leedahay, sida wax-soosaarka dalka, nadiifinta Lafaha oo Xashiish laga dhigi jiray oo la qubi jiray iyo waxyaabahan oo dalka dibeddiisa laga keeni jiray.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnax), oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa isaguna xafladdaa ka hadlay, waxaanu yidhi; “Aad iyo aad baan maanta ugu faraxsanahay wax-soosaarkan Hay’adda SOMDA soo bandhigtay, inaynu ka faa’iidaysanno Neefka xoolaha ah oo aynu hore Xoolaha marka aynu Caanaha ka maalno, ee Cadka ka cunno Lafaha waynu daadin jirnay waxa laga sameeyey waydinkaa arkaaya, wax aynu adduunka u suuq-geyno (u dhoofinno) ayaa laga sameeyey, Badhannadii baa ka dhiman ee iyagana waa laga samayn doonaa haddii Illaahay yidhaahdo, waxa iyaguna dhiman Uuska iyo Dhiigga oo aynu daadinno in waxyaabo badan laga samayn karo oo xataa la shidan karo. Hay’adda hawshan samaysay iyo cidda ka taageertay-ba aad baan ugu mahad-naqayaa, waxaynu maanta dadka tusaynaa sida aynu uga faa’iidaysannay Neefkeenna Xoolaha ah, Illaahay iyo dadkii hawshaa galay ayaa mahad leh.”

Xildhibaan Nacnac waxa uu u soo jeediyey dhalinyarada Haweenka ah ee tabobbarka maanta loo furay inay ka faa’iidaystaan aqoonta la siinayo, isla markaana Macallimiinta ttabobbarka bixinaysa oo Keniyan ah kala hadhaan aqoonta, goor dhawna iyagu noqdaan kuwo aqoontaa dufcadaha ka dambeeya ugu gudbin karaan.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaa ka hadlay Madaxa Xafiiska Somaliland ee Hay’adda FOA Maxamed Jaamac,waxaanu yidhi; “Waxaan u mahad-naqayaa sidii ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland noo garab-gashay ee ay nooga aqbashay inaannu barnaamijyo badan oo kani ka mid yahay ka hirgelinno dalka. Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa sida dedaalka leh ee xarragada leh ee ay SAMDA ugu dedaalaan inay barnaamijkan ka midha-dhaliyaan, Macallimiinta Keniyanka ah ee tabobbarrada bixinaya iyo Hay’adaha dawladiga ah ee barnaamijkan ka qayb-qaatay inuu hirgelo iyo Khoborada Hay’adda FOA, waxaanan odhan lahaa halkaa halaga sii wado dedaalka.”

Badhasaabka Gobolka Hargeysa ayaa isaguna kulankaa ka hadlay, isla markaana aad ugu hambalyeeyey Hay’adda SOMDA iyo cid kasta oo ka taageertay qabashada tabobbarkan 80-ka xubnood loo furay iyo wax-soosaarka muhiimka ah ee ay dalka ka samaysay Hay’addani.

La-taliyaha arrimaha dhalinyarada ee Madaxweynaha Somaliland
Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, ayaa u mahad-celiyey cid kasta oo ka qaybqaadatay in barnaamijkan dalka laga fuliyo, isla markaana wax-soosaar fiican sameeyeen. Waxaanu sheegay in Qaran kastaa ku faani karo wax soo-saarka dalkiisa, waxaanu xusay inay wax fiican oo horumar ah maanta soo bandhigeen Hay’adda SOMDA. La-taliyuhu wuxu intaa ku daray inay aad u dhiirrigelinayaan Ururka SOMDA inay dedaalkooda sii wadaan, maaddaama oo ay wax guul, wax-soo-saar iyo dakhli-kordhin ah dalka ka sameeyeen.

Gabo-gabadii Xafladdaa waxa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in mashruuc sidan u qiimo badan dalka laga hirgeliyo. Wasiir Cabdi Aw Daahir, waxa uu yidhi; “Waxaan aad iyo aad u hambalyeynayaa cid kasta oo ka soo qaybqaadatay mashruucan dalka, dadka iyo qoyska-ba faa’iidada badan ugu fadhiya mahad ballaadhan baan u jeedinayaa. Runtii waa hawl la isugu tagay, wax kasta oo la isugu tagaana wuu hirgalaa. Halkan maanta waxa innoo yaalla waxyaabihii laga sameeyey Lafaha Xoolaheenna ee aynu tuuri jirnay.”

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland mar uu ka hadlayey muhiimadda barnaamijkani waxa uu yidhi; “Lafahaasi markii hore laba dhibaato ayey innagu hayeen oo qashin bay ahaayeen meesha lagu daadiyo loo bixiyo lafoolay, lafa-badan iyo wax la mid ah, iyo in kharash innagaga baxo ururintooda. Waxa uu yidhi Khabiirku waxa sannadkii wax-soosaarka Lafaha ka soo xeroon kara dakhli dhan 150,000 (boqol iyo konton kun) oo Doollar, awal horena waxa dhacayey in hawsha ururinta iyo soo daadinta ay ku baxaysay 150,000 –kaa kun ee Doollar.”

“Anigu waa markii saddexaad ee aan imi kulan SOMDA qabatay, maalinba maalinta ka dambaysana waxaanan hore ugu arag ayaan ku arkaa, markaa waxa ii muuqata inay xagga horumarka iyo wanaagga u sii jeeddo, maalintii aan furay, maalintii labaad iyo maanta faraq aad iyo aad u wayn baa u dhexeeya, markaa waxaan ku dhiirrigelinayaa inay dedaalka halkaa ka sii wadaan, aad iyo aadna waan ugu mahad-naqayaa, cid kasta oo adduun, arrin iyo gacan ka geysatay hirgleinta mashuurcan.” ayuu yidhi

Wasiir Cabdi Aw Daahir. Waxaanu ballan-qaaday in Wasaarad ahaan iyaga oo matelaya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Hay’addan iyo cid kasta oo wax sidan u fiican qabanaysa ay hiil iyo hooba isla garab-taagaan.
“Maanta munaasibaddan waxaynu u furaynaa dhalinyaro Hablo u badan oo tabobbarkan ka qaybqaadanaya si ay iyagu u beddalaan berrito ay halkay innoo joogaan Macallimiintan reer Kenya iyagu innoo fadhiista oo beddela, oo iyagu kuwa ka dambeeya tabobbara, oo magaalada isku ballaadhisaan, gobollada kale gaadhaan, degmooyinka tagtaan halkii aad Hargeysa oo keliya maanta ku kooban tihiin laba sannadood ama saddex sano ka dib, Tuulo kasta oo Muqumad iyo Lafo-yaallaan aynu ka helno wax-soo-saarkan fiican ee Dumarku isku qurxinayaan, Saabuunaha iyo wixii la mid ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland, Dr. Cabdi Aw Daahir.

Waxaanu Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Markaa, waa inaad waxa la idin baro fikir ku kordhisaan, oo taniba fikir bay ka dhalataye inaad wax ku kordhisaan, isla markaana aanay duruus aad qaadataan uun noqon aqoontani ee aad ficil u beddashaan, waxaanan Illaahay ka baryayaa in Illaahay idiin fududeeyo tabobbarka maanta idiin bilaabmaya.”
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland