Somaliland oo lagu casuumay Shirkii Madaxda Afrika ee Paris
 

 



Paris (TNN) :-Xukuumadda Faransiiska ayaa ku casuuntay Somaliland shirweynaha Madaxda Afrika oo ka dhacay caasimada dalkaas ee Paris.

Safiirka Somaliland ee Faransiiska Mudane Cali Xassan Ismaaciil oo shirkaa ka qeybgalay ayaa u sheeg ay Wargeyska Dawan inuu ka hawl gelayo sidii bulshada Somaliland u heli lahayd tallaalka xanuunka Co vid19, oo go’aamadii ka soo baxay shirweynahaa ay ku jireen in laga taageero Afrika helitaanka tallaa lada Covid-19.

Safiir Cali Xassan ayaa dhinaca kale sheegay inuu ku ammaanayo bulshada Somaliland iyo Madaxweyna ha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi hannaankii nabad gelyada ahayd ee loo qabtay dabaal degyad ii sannadguurada 30aad ee maalinta madaxbanaanida Somaliland.

Shir madaxeedkii Paris oo salaasadii la soo geba gabeeyey ayaa si weyn loogu taageeray sidii wadama dda Afrika looga taageeri lahaa dhinaca tallaalka xanuunka Covid 19-ka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa mar sii horreysay ku baaqay heshiis cusub oo Afrik a loo sameeyo, taasoo isaga iyo hoggaamiyeyaasha kale ay tilmaameen kordhinta bartilmaameedyada talllaalka COVID-19 ee loogu talagalay Afrika dhammaadka 2021-ka.