Somaliland oo lagu casuumay Shirka Safiirada Caalamka uga socda Dalka Itoobiya

 

Hargeysa (TNN) - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada C/laahi Maxamed Ducaale aya a gaadhay magaaladda Addis-ababa ee Dalka Itoobiya oo uu kaga qayb galayo shirka Safiiradda Caalamka uga socda Dalka Itoobiya oo lagaga hadlayo arrimaha  Dublamaasi yadeed ee Dawladaha Caalamka, shirkaasi oo ah shir Somaliland qiimo ugu fadhiya kana sheegan karto mabaadiideeda Siyaasadeed

Sida ay baahisay maanta Idaacada Radio Hargeysa oo xiganaysa Wakaaladda Wararka ee Dawladda Somaliland waxa wasiirka ku martiqaaday shirkaasi Dalka Roomaaniya oo Guddoomiye ka Golaha Safiiradda Caalamka oo shir uga bilaabmayo caasimadda Dalka itoobiya

Sida warkaasi sheegay Dalka Roomaaniya waxa uu wasiirka siiyay fursad shirkaasi ay kaga hadlaan iyadoo uu wasiirku ka jeedin doono khudbad la xidhiidha Madax banaanida Somaliland isagoo ka warami doona marxaladihii kala danbeeyay ee Somaliland soo  mar tay iyo kaalinta ay beesha Caalamka uga baahan tahay oo ah in loo aqoonsado Qaran jira oo ka gaar ah Somaliya

Shirkan ayaa la filayaa inay ka soo baxdo xidhiidh cusub oo dublamaasiyadeed oo dhex mara Somaliland iyo Dublamaasiyiinta Dalalka Caalamka ee ka soo qayb galaya iyadoo aan inta badan laga war haynin waxa ay madaxda xukuumaddu u iib geynayso, iyadoo ay yar tahay sida loo helo taageero noocan oo kale ah oo aynu ka helno Dawladaha Caalamka.

 


Source: Waaheen