Somaliland Oo Ka qeyb-gashay shir lagu darsayay horu marinta dalalka Dalalka Urur-goboleedka IGAD



 


Addis-ababa (TNN)-Wefti uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxam ed Cabdilaahi Cumar isla markaana ay xubno ka yihiin Wasiiradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle iyo Wasiirka qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, ayaa shalay ka qeyb galay shir balaadhan oo ay magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya ay ku yeesheen wadamadda xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD iyo wadamadda qadhaan-bixiyeyaasha ee urur-Goboleedka asi ka saacida dhinaca horumarinta.

Shirkan oo lagu soo marti-qaaday Somaliland, waxa lagu lafo-guray sidii kor loogu qaadi lahaa ma shaariicda horumarineed ee dalalka ku bahoobay urur-goboleedka IGAD.

Shirkan oo ay isku wajahayeen Somaliland iyo qaadhaan bixiyayaasha caalamiga ah ee maal-geliya urur goboleedka IGAD iyo wadammada gobolka. Waxa diiradda lagu saaray in la balaadhiyo horumarinta wadamadda gobolka.

Shirkan waxa ka qeyb galay labaatameeyo masuul oo ka socday dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee ka taageera horumarinta urur-goboleedka IGAD.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ka hadlay shirka n ayaa amaan balaadhan u soo jeediyay guud ahaan qaadhaan bixiyayaasha adduunka ee Soma liland ka kaalmeeya mashaariicda horumarineed, waxaanu xusay in xukuumada Somaliland ay mar walba soo dhawaynayso cid kasta oo wax kala qabata baahiyaha gaarka u ah ee ay tirsanayso.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar isla markaana hogaaminayay weftiga ka socda Somaliland ayaa u mahad-naq u soo jeediyay mas’uuliyiintii kula nkaasi ka soo qayb galay, waxa uu wasiirku ka waramay waxyaabihii u qabsoomay dawlada uu ka tirsan yahay mudadii ay hogaaminta qaranka hayeen.

Wasiirku waxa uu sheegay inay wada shaqayn dhow leeyihiin urur goboleedka IGAD isla markaa na ay mar walba la kaashanayaan wixii khibrad iyo aragnimo ay uga baahdaan.

Dr. Maxamed Cabdilaahi wuxuu sheegay inay Somaliland kaalin weyn ka qaadanayso himilooyinka horumarinta geeska Afrika, waxaanu urur-goboleedka IGAD u soo jeediyay inay kor u sii qaadaan xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay in urur ahaan ay la dhacsan yihiin guulo faro badan oo dawlada Somaliland ay ka gaadhay dhinacyada horumarka iyo maamul daadejinta waxaanu xusay in aragtida urur goboleedka IGAD ay tahay mid ay ku sii adk aynayaan waxyaabaha ay ummada Somaliland higsanayso.


Source: Somaliland.Org