WARSAXAAFADEED

 


Xukuumada Somaliland waxay soo dhaweynaysaa kaalmadda bulshada caalamku ku kaalm eynayso gobolka Geeska Afrika. Taas oo sidaas ah hadana Somaliland go’aan adag ay ay ka qaadatay in aanay ka qaybgelin shirka Heshiiska Cusub (New Deal) Brussels ee Soomaliya.

Shirka waxaan uga gaabsanay inaanu ka qayb-qaadano isaga oo aan Somaliland siinin mud naanta iyo maqaamka ay leedahay. Isla markaana tixgelin rabitaanka shacabka Somal il and.

Wuxuu kaleoo muujinaya sawir khaldan in Dawlada Somalia ka taliso Somaliland. Dawlada Somaliland waa dawlad metesha shacabka ku doortay hab-dimuqradi ah. Mana jiri karto cid kale oo sinaba ku meteli karta danaha shacabka Somaliland.

Laakiin shirka maalinta kaliya ah ee ka dhacaya Brussels waa in aanu inaga ilduufin mudnaa nta weyn ee ay maalintani leedahay. Maanta, Somaliland waxa ay u gudbaysaa weji cusub oo ah fullinta Qorshaha Horumarinta Qaranka. Shirka dhacaya Brussels ayay bul shada caal amku si rasmi ah ugu qoondaynaysaa hannaan gaar u ah Somaliland oo ku salaysan mabaadi ida caalamiga ah ee Heshiiska Cusub ee lagula dhaqmayo wadamada tamarta yar . Hannaankan gaarka u ah Somaliland waxa uu noqon doonaa qaab-dhism eedka istaraatiijiya dda ay saaxiibada deeqbixiyeyaashu ku maalgelinayaan qaybaha mudan ee Qorshaha Horu marinta Qaranka Somaliland.

Hannaanka gaarka u ah Somaliland gebi ahaantiiba waa mid ka madaxbanaan ka Soomaaliya ee ay taageerayso bulshada caalamku. Mabaadiida iyo mudnaanta hagaya Hannaanka gaar ka u ah Somaliland waxay ku dhisanyihiin go’aanka Dawladda Somaliland oo latashi buuxda la samaynaysa bulshada Somaliland. Waxaanu halkan u caddaynaynaa in Somaliland aanay aqbali doonin hanaan siyaasidaysan oo xambaarsan weedho daciifinaya ama dibindaabyeyn ayaa raadinta aqoonsiga ee Somaliland. Waxaan uga mahadnaqaynaa deeq-bixiyeyaasha sida ay u tixgeliyaan himiloyiinka shacabka Somaliland, iyo taageerada iskaashiga horuma rinta ee tixgelisay duruufaha u gaarka ah Somaliland.

Sidaa awgeed, hannaanka Somaliland u gaarka ahi waxa uu xoojinayaa Sanduuqa Horumari nta Somaliland (SHS) ee ay aasaaseen xukuumadaha Denmark iyo UK sannadkii 2012, kaas oo xaqiijiyaanya maamul wanaag iyo xisaab celin laba geesooda ah isla markaana suurta gelinaaya in xukuumada Somaliland iyadu hogaamiso harumarka dalka. SHS waa mid imika si buuxda u hawl-gala. waa sanduuq horumarineed oo ay doorbidayso xukuumadda Somaliland kuna dhiirigelinayso deeq-bixiyeyaasha in ay ku soo biiraan isla markaana ay mucaawinadooda ku xoojiyaan SHS.

Labaatan sanno oo ay ku hawlanayd dhisida dawladnimo, Somaliland waxa ay seeska u dhi gtay mustaqbal isbedel iyo koboc dhaqaale ku salaysan. Waddanku waa mid nabdoon oo xasilan; caruurteenu waxa ay haystaan fursad waxbarashada dugsiyada hoose oo bilaash ah; waxa aanu fidinay adeegyada caafimaad iyo biyo miyi iyo maagaalaba; muwaadiniintaya duna waxa ay si joogto ah uga qaybqaataan doorashooyinka dimuqraadiyadeed. Mahad wa xa iska leh hannaanka adag ee maareynta xisaabaadka qaranka, kordhinta dakhliga cashu uraha iyo ka-hor-tagidda musuq-maasuqa. Miisaaniyadda Somaliland ee 2013 waatii ugu ball aadhnayd ee uguna dheeli-tirnayd ee soomarta taariikhda Somaliland. Sidaa awgeed, xukuu madda Somaliland waxa ay xoojisay dejinta jawi ay mucaawinooyinku ku samayn karaan saa meyn weyn taas oo ay xukuumaduna ay dhabarka u ridanayso masuuliyadda hawlaha horu marineed.

Laakiin harumarkan kali ma sii wadi karo, waxa aanu u baahan nahay taageerada bulshada caalamka si aanu u xaqiijino himilooyinka Qorshaha Horumarinta Qaranka. In xidhiidh aanu la samayno saaxiibadayada horumarinta anaga oo u marayna qaab-dhismeedka Heshiiska Cus ubi waa tallaabo weyn oo aanu ku xaqiijin karno himilooyinkeena.

 

 

 Md. Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi).

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland