Xukuumadda Somaliland Oo Beenisay In Saraakiil ka tirsani Shir u tageen Muqdisho




Hargeysa (TNN):- Dawladda Somaliland oo waxba kama jiraan ku tilmaantay inay jiraan cid ma tasha wasaaradda caafimaadka oo Muqdisho u tagey ka qaybgalka shir lagu falan-qaynayo qorshaha siyaasaddeed ee caafimaadka dalka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdis ho.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hadal ay wasiirka adeega bulshada Soomaaliya ku sheegtay inay Somalil and ka qayb tahay shir lagu falan-qaynayo siyaasadda caafimaadka ee Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegtay in Somaliland ay hore dejisatay qorshaheeda siyaasaddee d ee caafimaadka, isla markaana aanay cid matalaysaa oo ka socota Somaliland ay Muqdisho tagtay.

"Waxaan leeyahay hadalkaa wax ka jiraan ma jiro Somaliland iyo Soomaaliya wax qorshe ah oo isugu jiraana ma jiro, Somalilanad bari ayay dejisatay qorshaheeda caafimaadka, wax aga asimeyaal ah ama xafiis Somaliland ka socda oo Muqdisho tagey ma jiro, haddii aanay jirin cid ay iyagu si shaqsi ah u soo casuumeen,”ayay tidhi Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadku.

Marwo Nimco Xuseen oo hadalkeeda sii watay waxay tidhi "Markaa waxaan leeyahya hadalk aasi waa wax kama jiraan ay leeyihiin agaasimeyaal Somaliland ka socda ayaa ka qayb galay shirka qorshaha siyaasadda caafimaadka.”

"Qofku wuu ku tagi karaa si shaqsi ah iyo xirfadiisa, laakiin waxay sheegeen dad xilal haya oo ay leeyihiin agaasimeyaal wasaaradda caafimaadka Somaliland ka tirsan, taasna waxba kama jiraan.” ayay hadalkeeda raacisay Wasiir ku-xigeenku, iyadoo maanta u warramaysay Idaaca dda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland