Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Turkiga ku kala Saxeexday Heshiis Ka Kooban 7 Qodob


 

Heshiiskan oo uu goob joog ka ahaa Raysal Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan .......


Ankara (TNN)- Dawladaha Somaliland ee Soomaaliya ayaa caawa ku kala saxeexday heshiis ka kooban 7 qodob, xarunta madaxtooyadda ee dawladda Turkiga, kaasi oo ay labada dhinac u kala saxeexeen Gudiyadii farsamo ee shirka ku yeeshay Khamiistii magaalada Istanbul.

Heshiiskan oo uu goob joog ka ahaa Raysal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaana madasha fadhiyay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo wufuudii ay kala hoggaaminayeen.

Heshiiskan waxa u saxeexay dhinaca Somaliland Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalami ga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, halka uu Soomaaliyana u saxeexay Wasiirka Arrimaha Gud aha C/Kariim Guuleed oo labadooduba kala hoggaaminayay Gudidii farsamo ee labada dhinac.

Waxa heshiiskani ka dhashay kulankii maanta ay xarunta wasaaradda khaarajiga Turkiga ku yees heen labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya.Heshiiskan waxa laga ilaaliyay arrimihii ay sida weyn ugu kala mowqifka duwanaayeen labada dawladood.

Nuxurka Qodobadii labada dal kala saxeexdeen waxay u dhignaayeen sidan:-

1- Qodobka koowaad waxa uu dhigayay sii wadida wada hadaladii labada dal u socday.

2- Qodobka labaadna wuxuu taageerayay qodobadii ay hore labada dhinac ku heshiiyeen shirarkii hore ee labada dal ay ku yeesheen London iyo Dubia.

3- Qodobka sadexaad waxa uu dhigayay in Somaliland iyo Soomaaliya ay wada hadalka sii wadaan, iyadoo ay beesha caalamkuna xaga farsamada ka caawin doonto.

4- Qodobka afraad waxa uu dhigayay in nabad-gelyadda labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya ka wada shaqeeyaan.

5- Qodobka 5-aad waxa uu dhigayay in deeqaha Soomaaliya la siiyo ay wadaagaan labada dhinacba ayna ka wada faa’iidaystaan.

6- Qodobka lixaad wuxuu dhigayay in muddo 90 maalmood gudahood ah lagu qabto kulan kale oo ay labada dal yeelan doonaan oo arrimaha kulankan lagu lafo-guri kari waayay lagaga hadlo, isla markaana lagu qabto magaalada Istanbuul.


7- Qodobka toddobaad wuxuu sheegayay in labada dhinacba ay joojiyaan hadalada kala fogeyn kara labada dal, ama wax u dhimi kara wada hadalada.
 



Cumar Maxamed Faarax