Somaliland Iyo Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay Sidii Jid Isku Xidha Labada Dal Loo Hirgelin Lahaa Iyo Nuxurka Kulanadii Dhex Maray Waftigii Uu Hogaaminayay W/Maaliyadu

 


Hargeysa, July 20, 2011 (TNN)-Waftigii uu hogaaminayay wasiirka maaliyada Somaliland Maxamed Xa ashi Cilmi ee maalintii doraad socdaalka ugu kicitimay Dalka Jabuuti ayaa masuuliyiinta rugta ganacsi ga iyo Wasiirka Maaliyada Jabuuti Idiris Muuse Dawaale kulan ay shalay kula yeesheen magaalada Ja buuti kaga wada hadlay sidii loo samayn lahaa Jid cusub oo isku xidha labada wadan Somaliland iyo D jibouti iyo sidii loo xoojin lahaa arrimaha ganacsiga ee labada dal.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed, oo ka mid ah waftiga Xukuum ada ee Jabuuti socdaalka ku jooga, oo kulanka ay la yeesheen masuuliyiinta rugta ganacsiga Jabuuti Idaacada laanta af Somaliaga ee VOA uga waramay waxyaalihii ay ka wada hadleenay, ayaa isaga oo ka hadlaya arrinmahaasi, waxa uu yidhi “Marti qaad baanu ka helay wasiirka maaliyada ee Jabuuti, ta as oo aanu kaga hadlaynay danaha labada dal, dhaqaalaha, ganacsiga iyo isgaadhsiinta, waxaanu ka wada hadlaynay sidii loo xoojin lahaa ganacsiga labada wadan, wixii caqabado ah ee hortaagan ganac siga labada dal sidii loo qaadi lahaa, meeshana looga saari lahaa loona dhiirigalin lahaa iyo sidii ay isku dhaafi lahaayeen, loona abuuri lahaa xidhiidh qoto dheer oo ganacsi oo labada dal ka dhexeeya, labad a rugood ee ganacsina ay si toosa u wada shaqayn lahaayeen”

Wasiirka ganacsigu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu isla soo qaadnay dariiqii isku xidhi lahaa Somaliland iyo Jabuuti sidii loo dardar galin lahaa, barnaamijkaas oo mar ay xilligii dawladii Somalia ee burburtay ay jirtay EU-du inay maal galiso ay ahayd, ka dibna dagaa ladii sokeeye ay hakiyeen sidii loo dardar galin lahaa jidkaasi ayaa ka mid ah” .
 

 

Source:Haatuf