Somaliland iyo Itoobiya oo siyaabo kala duwan uga hadlay Sar aakiil Sirdoonka labada dal ka kala tirsan oo ay qoloba qaar xidh-xidhay

 

  
 


Hargeysa, 11 June, 2011(TNN)- Xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa jawaabo kala du wan ka bixiyey xadhigga Saraakiiil Sirdoonka labada dawladood ka kala tirsan oo ay labada dal kala qabteen maalmihii u dambeeyey. Saraakiil Sirdoonka Somaliland ka tirsan iyo Gaadhi ay wateen ayaa la sheegay in lagu xidhay degaanka killilka shanaad ee Itoobiya iyagoo haw lo shaqo u tagay halkaas, halka shan nin oo ka tirsan Sirdoonka Itoobiya ay dawladda Somali land ku xidhay Gebilay iyagoo hawl-gallo ka fulinayey gudaha Somaliland. Mr, Taye Tesfaye oo ah ku xigeenka Safaaradda Itoobiya ee Somaliland oo Wargeyska Ogaal wax ka weydiiyey xadhigga Saraakiisha Sirdoonka Somaliland iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Gebilay lagu xidhay waxay kala socdaan Safaarad ahaan, ayaa ku dooday inaanay wax war ah ka hayn, Xafiisya dooda kalena ka maqal Sirdoon labada dal kala xidheen. “Wax war ah kama hayno xadhigga



Sirdoonka Somaliland oo Itoobiya lagu xidhay iyo kuwa Itoobiyaanka ee Gebilay lagu xidhay midna.” ayuu ku jawaabay Taye Tesfaye. Ku-xigeenka Safiirka Itoobiya u fadhiya Caasimadd a Hargeysa ee Somaliland, mar la weydiiyey haddii ay dhabowdo siduu filayo inuu ku danba yn doono xadhigga Sirdoonka labada dale e Itoobiya iyo Somaliland kala hayaan, waxa uu sheegay inaanu sii saadaalin Karin waxay arrintu noqon doonto, balse haddii ay rumowdo ay wadahadal kala yeelan doonaan Xukuumadda Somaliland, hase ahaatee, marka hore xaqiijin doonaan jiritaanka warkaas.

 

“Ma sii saadaalin karo, laakiin haddi ay rumowdo wadahadal ayaannu kala yeelan doonnaa Somaliland.” Dhinaca kale, Taliyaha Sirdoonka Somaliland, Maxamed Nuur Faarax oo dhinaciisa Wargeyska Ogaal wax ka weydiiyey jiritaanka xadhigga Sirdoonka Somaliland ee la sheegay in lagu xidhay Itoobiya iyo wax tallaabooyin ah haddii ay ka qadeen xadhiggaa Saraakiisha Somaliland, ayaa si kooban ugu jawaabay; “Adeer, hawshaa xalkeeda gacantaa lagu hayaa, war dheeri ahna kuuma sheegi karo.” Xadhiga Sirdoonka dawladaha Itoobiya iyo Somaliland kala qabteen, ayaan la saadaalin Karin inuu kala fogayn karo iyo in kale, labada dal oo xidhiid hkooda iskaashi aad u fiicnaa, isla markaana uu ugu weynaa ammaanka oo ay ka wada shaq ayn jireen iyo dhinacyada isu socodka iyo Ganacsiga heer aad u fiican maraya wakhtigan. Hase ahaatee, waxa la odhan karaa tallaabadan Sirdoonka, ayaa dhaawac weyn u geysan karta wada shaqeyntii u dhexeysay, haddii aan is-afgarad iyo heshiis cad aanay labada dawl adood ka gaadhin arrintaas.

 

Source:Wargeyska Ogaal