war-saxaafadeed
 

 



Kulan rasmi ah ayaa dhex-maray Wasiirka Arrimaha Federaalka Ethiopia Dr. Shiferaw Tekel Mariam iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ay ku we helinayeen Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo qaatay mud do saacad iyo badh ah, ayaa magaalada Addis Ababa ka dhacay.

Kulankan ayaa lagu lafo-guray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta nabad gelyada iyo amniga guud ee labada dawladood, ammaanka gobolka iyo iskaashiga labada dawladood.

Wasiirka Arrimaha Federaalka Ethiopia Dr. Shiferaw Tekel Mariam waxa uu ballan-qaaday inay Somaliland ka kaalmayn doonaan tababarka Booliska, gaar ahaan habka loo maamulo, loona maareeyo banaan baxyada salmiga ah.

Kulankan waxa uu ku dhammaaday is afgarad iyo guul, iyadoo Dr. Shiferaw Tekel Mariam uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis hadiyad u siiyay khariir adda Ethiopia.

 

Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi)

Afhayeenka Wasaa radda Khaarajiga Somaliland