Somaliland Iyo Holland Oo Markii U Horaysay Ku Heshiiyay Wada
shaqayn Cusub Oo Dhex-marta Labada Dal

Wasiirka iyo wefti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga wadanka
Holland, waxa uu sidaasi ka ....
Holland (TNN)- Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah
ee Somaliland Dr. Maxa med C/laahi Cumar, ayaa sheegay in markii u
horaysay taariikhda wada shaqayn cusub iyo isk aashi dhinacyo kala
duwan leh ay wada yeelanayaan Somaliland iyo dawlada Holland.
Wasiirka iyo wefti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga wadanka
Holland, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay kulan
balaadhan oo uu habeen hore magaalada Rotterdam ee dalka Holland uu
kula yeeshay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi.
Wasiirka iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmihii u danbeeyay safar
shaqo ku marayay wada mo ka tirsan qaarada Yurub, ayaa ka qayb galay
Kulan ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada So maliland ee ku nool
wadanka Holland, waxaana kulankaasi ka soo qayb galay dadwayne tiro
badan oo isugu jiray haween, rag iyo dhalinyaro kuwaasi oo wasiirka
si wayn ugu soo dhawee yay markii uu gaadhay magaalada Rotterdam ee
wadanka Holland.
Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland
oo hadal u jeediyay jaaliy adii kulankaasi ka soo qayb galay uga
waramay u jeedada safarka shaqo ee uu ku joogo dalka Holland iyo
masuuliyiintii uu la kulmay intii uu joogay wadankaasi, waxaanu
sheegay in uu wad a hadal dheer la yeeshay wasiirka amniga qaranka
Holland iyo agaasimaha guud ee wasaarad da arrimaha dibada Holland
isla markaana ay masuuliyiintaasi ka wada hadleen sidii loo furi
lahaa wadashaqayn cusub iyo is-kaashi balaadhan oo dhex mara
Somaliland iyo Holland markii u horaysay.
Waxaanu wasiirka arrimaha dibada Somaliland intaasi raaciyay in ay
isku raaceen labada dawladood ee Somaliland iyo Hollnad in ay wada
shaqayn dhinacyo kala duwan leh yeeshaan, isaga oo arrinatasina ku
tilmaamay guul hor leh oo ay Somaliland gaadhay.
Waxa kale oo uu wasiirku si balaadhan uga waramay guulaha kala duwan
ee ay ku talaabsat ay muddadii ay talada dalka haysay xukuumada uu
madaxwaynaha ka yahay Md. Axmed Maxa med Maxamuud (Siilaanyo), ee
dhinacyada nabadgeliyada, waxbarashada iyo siyaasada arri maha
dibada.
Waxa kale oo uu Dr. Maxamed C/laahi Cumar, faah-faahin ka bixiyay
horumarka ay ku talaabs atay xukuumadu ee ay ka gaadhay xagga
siyaasada arrimaha dibada oo uu ku tilmaamay mid dariiq cusub u
furtay ka midhodhalinta himilada shacabka Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar, waxa
uu si qoto dheer uga hadlay wadahadalada u furmay Somaliland iyo
Soomaaliya oo ah albaab cusub oo u furmay siyaasada dibada
Somaliland iyo sida ay beesha caalamku u rejaynayaan qadiyada iyo
horum arka Somaliland.
Waxa kale oo uu wasiirku dadwaynihii uu halkaasi kula hadlayay uga
war-bixiyay socdaalkii uu dalka Jarmalka ku soo maray iyo shirkii
lagaga hadlayay qaranimada iyo dimuqraadiyada Soma liland ee ka
dhacay dalka Jarmalka todobaadkii hore iyo sidoo kale masuuliyiintii
kala duwanaa ee uu dalka Jarmalka kula kulmay iyo waxyaabihii ay ka
wada hadleen.
Waxa kale oo kulanakasi hadal ka jeediyay masuuliyiin ka tirsan
xisbiga UCID iyo xubno ka mid ahaa jaaliyadii kulanka goob jooga ka
ahaa, madaxwaynaha Somaliland iyo xukuumadiisaba ku amaaneen sida ay
heeganka ugu yihiin, waxaanay sidoo kale balan qaadeen in ay diyaar
u yihi in ka qaadashada horumarka dalkooda hooyo.
Wasiirka iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay beri
yimaadaan wadanka Itoobi ya, halkaasina ay kulamo kula yeelan
doonaan masuuliyiin ka tirsan dawlada Itoobiya.
Timacade News Desk
Holland Office
|