“Somaliland bilaash languma siin ee Dhiigayaga ayaanu u qubnay oo aanu
ku soo ceshanay”

Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa
ka hadlay qiimaha ay shacabka Somaliland u leedahay maalinta 17
Oktoober ee xuska s huhaadadii SNM. Madaxweynaha, ayaa sida lagu
sheegay qoraal kooban oo la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka,
wuxuu ku sheegay inaanay Somaliland iska imanin e e ay ku soo noqotay
dhiigii geesiyaashii SNM. “Somaliland Lanama siin ee waxaanu ku soo
ceshanahay dhiigayaga oonu u qubnay.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu,
waxaanu in taas raaciyay “17 Oktoober waa maa maalin ay xasuusan
doonaan da’da soo socota a.”
Maalintan 17 Oktoober oo ah maalinta loo asteeyay xuska shuhaadada
SNM, ayaa w axa loogu magac daray dagaalkii Burco-duuray ee dhacay 17
Oktoobar 1984. Dagaalkaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee ugu adkaa ee
ay SNM la gasho dawladii Ma xamed Siyaad Barre, ayaa waxa ku
shahiiday 33 mujaahid oo uu ka mid ahaa taliyihii ciidankaas
Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) oo halbawle u ahaa halgankii
SN M.
Dagaalkaas ayaa waxa ay SNM dawladii Maxamed Siyaad Barre ku
gaadhsiisay jug cu lus, waxaanay muujisay cududa milatari ee ay
leedahay.
Sidaas darteed xuskii dagaalkaas Burco-duuray ayaa loogu magac daray
xuska shuh aadada SNM ee loo asteeyay 17 Oktoobar.
Xigasho: Geeska
|