Somaliland:MGS Oo Shaacisay 21 Mashruuc Oo Lagu Maal-Gelinayo Ganacsato Waaweyn Iyo Lacag Qadar keedu Yahay $2.5 Milyan Oo Loogu Tala Galay


 

 


MGS waxay Sheegtay inay bixinayso deeqo dhan 2.5 milyan oo dollar oo la siinayo 21 mashruuc......


Hargeysa (TNN):-Mashruuca Maalgashiga Ganacsiga Somaliland (MGS) ayaa Shaacisay mas haariicdii ku guulaysatay deeqihii waawaynaa ee Wareegii 1aad, iyadoo dhinaca kale ku dh awaaqday bilowga 21 Mashruuc oo Maal-gelinta waaweyn ah oo ay ku baxayso lacag 2.5 milyan oo dollar, taasoo la siinayo 21 mashruuc oo Maalgashiga Ganacsiga Somaliland (MGS).

MGS waxay Sheegtay inay bixinayso deeqo dhan 2.5 milyan oo dollar oo la siinayo 21 mas hruuc oo ka tirsanaa 43kii codsi ee hore loo xushay, deeqdaasoo la doonayo in lagu dhaliyo Abaabul maalgashi oo cusub oo gaadhaya $6.4 milyan, laguna abuuro shaqooyin cusub oo ka badan 600 oo qof oo in ka badan saddex-meeloodow-meel ay noqon doonaan dumar, 15% ay noqonayaan dhalinyaro.

Sida uu ku simaha Guddoomiye Guddida Maal-gashiga Somaliland ka sheegay Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Hudheelka Maansoor 40% deeqaha la bixiyay ee mashruuca wareeg 2aa d ku jiraa waxay ka hirgalayaan gobolada ka baxasan Hargeisa.

“Marka la isku soo duubo, 59 deeqaha yar-yar ah iyo 21 deeqaha waawayn oo gaadhaya $4.6m ayaa la bixiyay, iyadoo Wadarta saamaynta guud ee laga filayo deeqaha yar-yar iyo kuwa waawayn ay tahay sidan:

Wadarta guud ee maalgashiga loo hayaa waxay noqonaysa $9.5m ( marka lagu daro deeqa ha la bixiyay);
Shaqooyinka cusub ee la filayo inay abuuraan oo ka badan 1,200.
40% deeqaha la bixiyay waxa la siiyay mashaariic ku salaysan meelaha ka baxsan Hargeisa
In ka badan saddex-meeloodow-meel shaqooyinka cusub ah ayaa noqonaya dumar, marka 15% ay noqonayaan dhalinyaro.


Mashaariicda 21 ah ee deeqaha waawayni way kala gadisan yihiin waxaana ku jira:
Beeraha- beerida iyo soo saarida sonkorta, beerida sisinta iyo soosaarida saliida sinsinta.
Xoolaha:- naaxinta xoolaha, warshadaynta hargaha, dhaqida digaaga iyo maamul wanaajinta iyo horumarinta saylada xoolaha ee Hargeisa.
Tamarta- Aasaasida rugta tababarka ee dib-u-cusboonaysiinta tamarta, Ansixinta iyo hawlaha dayactirida, Rakibida Qalabka tamarta dabaysha, dhalinta tamarta qoraxda.
Kaluumaysiga:
Dayactirida warshadaynta kaluunka, Qaboojiyayaasha, Warshadaynta kaluunka Xabkaha iyo Beeyada, Horumarinta beeyada si loogu dhhoofiyo dibada.
Caafimaadka:-
Baadhista xanuunada
Warshadaynta
Warshadaynta Dalaga/cuntada beeraha, Tolida iyo Fisilaada dharka
Adeega
Iskudubaridida Xafladaha


Mashaariicda oo ay waaxda maamulka maalgashigu (FMU) u xuleen inay helaan deeqaha waxa dib u eegis ku sameeyay Guddida La tashiga Deeqaha.

Guddida La Tashiga Deequhu waxay ka kooban tahay xubnahan hoos ku qoran:

Dr Saad Ali Shire (GAP Chair),Wasiirka Qorshaynta

Mr. AbdirazakKhalif Ahmed (Vice-Chair), Wasiirka Ganacsiga

DR. Abdi Aw Dahir, Wasiirka Xoolaha

Prof. Farah Elmi Wasiirka Beeraha

Dr. Saeed Ahmed Hassan

Gudoomiyaha Jaamicada Golis

Ms. Fozia Mohamed

CEO, SLNMA

Ms NafisaYussuf

Ururka Nagad

Ujeedada Maal-galinta Ganacsiga Soomaaliland waa in la abaabulo hal-abuurnimada iyo ilaha dhaqaale ee ganacsatada si loo kobciyo heerarka dakhliga, shacabka Somalilandna loo abuuro shaqooyin cusub. Maalgalintani waxay ganac-satada ku caawinaysaa inay kor u qaadaan ganacsigooda oo ay casriyeeyaan, si kala gadisan u fidiyaan badeecadahooda, hagaajiyaan waxsoosaarkooda oo ay casriyayaan ama ay ka shaqeeyaan salyado cusub.

Mashaariicda waxa lagu qiimaynayaa iyadoo la eegayo khibrada iyo heelanaanta codsadaha, suuragalka fikirka gancsi ee codsadaha iyo dhalinta natiijooyin horumar leh. Maaligalintani waxay raadinaysaa codsade/-yaal muujin kara aqoon maamul iyo awood dhaqaale, iyo wiliba la socod sayladeed iyo sumcad si ay ugu guulaystaan ganacsigooda.

Maalgashiga Ganicsiga Soomaaliland (MGS) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah barnaamij uu world banku maamulo (Private Sector Re-Engagement Program Phase II) oo lagu taageerayo horumarinta shirkadaha geancsi ee Soomaaliland.

Barnaamijka waxaa maalgaliyay Bangiga Aduunka oo ay taageero laxaad lehka gaysteen (DANIDA), (DfID), and the State and Peace-building Fund (SPF) ee Bangiga Aduun.

MGS waxay diyaarinaysaa ambaqaadidii Wareegii 2aad ee deeqaha waawayn iyo kuwa yar-yarba. Codsiyadu waxay furmayaan 21ka bisha June waxaanay xidhmaysaa qabashada codsiyada hore (Concept note) 17:00 pm ee maalinta Sabtida, 10 ka bisha August 2013.

Muddadaasi waxay MGS qaban doonaan kulamo ay ku bixinayaan macluumaad khuseeya tartanka wareega 2aad.

Waxaad macluumaad dheeraad ah iyo sharaxaad ku saabsan sida loo codsanayo maalgalinta ka helaysaa Websiteka MGS”Sidaasi waxa yidhi Jim Duncan, oo ah Ku Simaha Maamulaha Maalgalinta Somaliland, kaasoo xusay in loo baahanyahay in laga faa’idaystay Mashaariicdan.

Dhinaca kale, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa u mahad naqay dhamaan Hay’adaha iyo Wadamada gacanta ka geystay Mashruucan, waxaanu tilmaamay in baahi weyn loo qabo Maal-gelinta noocan ah, una baahanyihiin Bulshada reer Somaliland cid ka maal-gelisa Hal-abuurnimadooda Ganacsi.

Wixii Macluumaad dheeraad ah kala soco,
Jim Duncan, Ku Simaha Maamulaha Maalgalinta.

Tel: +252 63 477-2684 or 485 0660

www.somalilandbuisnessfund.com