Somaliland ( Udub iyo Kulmiye) iyo sheekadii labada waalid ee Ilmaha isku qabsaday, iyo garssoorahii balaysnaa !

 

Ifkan wax horta qabsoo ugub ku ah oon hore loo aragi kama dhacayo, oo dadka qaar ayaaba ku maahmaaha '' nothing is new under the sun'' sidaa darteed, maanta waxa Somaliland ka socdaa waa wax hore u soo dhacay, oo xaq iyo baadil ama gar-leh iyo gardarane is hayaa ugub ma aha, waxase ninba waxbaa ka fajaciyee iga yaabiyay taasi ka sokow, sida dadka reer Somaliland ay u yihiin dad aan haba yaraatee cimro-qaadasho lahayn, oon ka korin ciil iyo ceeb, oo ilowshiiyo dhaw, oon garanayn ama is diidsiinaya in shalay waxii dhacay, saamayn ku leeyahay waxa dhacaya maanta iyo bari labadaba !,

Bal waxad u fiirsataa, dadka laga dhaadhicinayo ee weliba aaminaya, in xisbiyada qaranka ee weliba ugu miisaanka culus qaarkood yihiin, waa kulmiye-e, dhiigya-cabyo iyo dhagar qabayaal ciil ku gadhood hay, oo haday qabtaan hogaanka Somaliland, dalka qas iyo qalalaase galin doona oo dagaal sokeeye bilaabi doona !. waar bal idinku eega yaabkan iyo amakaagan !.

Waar anigu yaabaye, goormaa ay Somaliland dadkii ugu qaalisanaa ee u dhashaa, cadawgeeda noqdeen, bal magacyadan kooban ee aan taxay
eeg,- Siilaanyo, diktoor Gaboose, diktoor Obolos, C/raxmaan aw Cali, Saylici, M.Kaahin, dr Cabdi aw Daahir, Biixi, ina Xaashi etc, goormay raganoo dhamaantood ah rag naftooda iyo noloshooda u huray dalkan Somaliland ay u dhurteen, qaran dumiyeyayaal iyo nacab halis u ah jiritaanka qaranka Somaliland !, goormaa dadka qofkii lexejecelo dalkan '' Somaliland '' ka qabay ee lagu yaqaanay isku badalay, dad doonaya inay Somaliland ku daraan dalkii aan kala baxnay ee Somaliya !, goormaa ma dhaafaankii iyo haldoorkii bulshadu lahayd ee hagi lahaa, lumiye iyo kas-gaab noqday!, goormaa ninkii qaranka Somaliland naf iyo maalba u hurayay taabogalkiisu qabiilayste noqday!

waxba yaanan hadal kugu daaline, ceebta iyo xumaanta la marmarinayaa Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, ee ay ku jiraan, dad ka mid ah kuwa ugu aqoonta iyo garashada badan leh, ee abid dalkani ''Somaliland'' soo saaraa, waa boog ku taal guud ahaanba dadka reer Somaliland, waayo, ninka halyaygiisa dilaa isna halbawluu is jaray oo garab ayaa ku banaan aanu halayn cid u buuxisa !.

Aan arintan hadaba hoos u yara dhaafee, golaha guurtida iyo go' aankooda muda u kordhinta xukuumadu, waxa uu nin kasta oon ku-aafaysnayan damac qof ama qabiil oo meel hoose ah, ee naftiisa kala han wayn taasi oo bedelkooda kuwaana wadaniyada iyo qaran jacayl ku soohanyahay, ugu muuqdaa go' aan habawsan oon meeshiisa haysan, waxana uu la mid yahay kii uu naqay ninkii Goblanka ahaa een ilmaha siiyay hooyada SIDIGTA ah !, waa sheeko da wayn oo inta badan dadku wada maqlay sidaan filayo, waxana ay u dhacday sidan ee dhuux,-

Waa magaalo meeshu dadka jaadadkiisa kala duwani ku nool yahay, waa xiliyadii aan dawladaha hada jira ee aynu dhismahooda naqaanaa ka bilaabmin aduunka, garsoor ayaa dadku samaysteen oo leeyihiin si ay ugu kala baxaan, garsooruhuna waa nin madhalays ah, waxana lagu xantaa ninkaasi inuu gacanta ugu jiro, hadba cida ugu xoolaha iyo xooga badan leh magaaladaa oo uu cantuugo/ biidhi qaate yahay !, waxa hadaba jiray Qoys xalaal maal ah oo ka mid ahaa dadka ku nool magaalada, oo maskaxdooda iyo muruqooda ku soo saara nolol-maalmoodkooda, oon casha-wa-qadaha waayin, aanse wax dhaafsiisan helin, waxa mudo ka dib qoyskii Ilaahay siiyay ilmahii u horeeyay oo wiil ah oo caafimaad qab ku yimid ifka, waxbaase meesha ka salag leh oo laga wadaaye, isla xiliyadan ilmuhu qoyska xalaal maalka ah u dhalanayo, ayaa waxa isna dhakhtarkii ( isbitaalkii ) la soo dajiyay oo soo galay, qoys maal qabeen ah oo hooyadu umulayso, in yar kadibna waxay hooyadii maalqabeenada ahayd dhashay ilmo aan noolayn.

Isku soo duuboo, qoyskii maalqabeenka ahaa markay ogaadeen waxa dhacay, ayay damceen ilmahii qoyska kale ee danyarata ah Ilaahay siiyay, qoyskii lacagta lahaa ayaa dhakhaatiirtii ku yidhi ilmaha dhintay qoyska danyarta ah sii, ka noolna anaga, waxoogaa lacag ah oo lagu lahaa iyo weliba siro kale oo laga hayay dhakhaatiirtana waxa loo sheegay in laga dhaafayo, dhakhtarkii qabuul ayuu yidhi, qoyskii xalaal maalka ahaa ayaa la war galiyay in ilmahoodii dhintay, kumase ay qancin qoysku warkaa, dacawd baanay la dhigeen oo garsoorkay tageen, waxase aanay talada ku darin, in garsoorkuna sumaysan yahay oo uu masaariiftaba ka helo ninkan maalqabeenka ah.

Markii arintii lagu kala baxi waayay, ee qoyskii xalaal maalka ahaana hadhi waayay ee ay quusan waayeen, ayaa garsoorahii yidhi, hadaan gartay waxaan samayn lahaa, oo waan ku wareernay arintiina-e ilmahanba waan idiin kala goynayayaa, markaasay qoyskii maalqabeenku yidhaahdeen, Allaylehe waa hagaage noo kala-goo oo mid kaayaba qayb ha qaato, isna ( ilmaha yari) ha dhinto mar hadii ay dadkani qaxar naga dayn waayeen, halka qoyska kale ee danyarta ahaa ee ilmaha dhalay yidhaahdeen maya ee ha kale goyn, wiilka noloshiisa u daa laakiin cid kale oon midkaayana ahayn sii, waxase yaabkeeda lahayd, in garsoorihii uu u guuxay taladii uu qoyskii maalqabeenka ahaa soo jeediyay, oo uu yidhi, mar hadii ay yidhaahdeenba aan kala baxno ee laba u kala-goo wiilka, oo midkaayaba badh ha qaato, iyagaa ah kuwii xaqa ku taagan oo dhalay ilmahan, iyagaanan u xukumay wiilkii inay qaataan, sidii baana uu garsoorihii '' goblanka ahaa'' wiilkii ku siiyay waalid aan dhalin, oo uu ugu diiday waalidkii dhabta ahaa ee garta iyo dawga u lahaa ee xooga loo sheegtay.

Sheekada dusha iyo Garta hadaba hada ay golaha guurtidu naqeen ee ay lixda bilood ugu dareen, maamulka dalka madaxdiisu, maanay taa maxal degin ?!. Falka guurtidu ku dhaqaaqday waxa uu la mid yahay ka garsooraha ku jira sheekadani sameeyay !, damaca dawlada iyo maamulkeedu ku kaceena, waa ka qoyska maalqabeenka sheekadan dusha ku qorani uu sameeyay !, mitidnimada, u tudhista iyo la-jeclida nolosha wiilka ee ay waalidka dhabta ah ee xalaal maalka ah ee sheekadu ku talaabsandeena, la isma caasiyee waxa tu la mid ah sameeyay oo doorkaasoo kale ka ciyaaray arintii dastuuriga ahayd ee mudo-u kordhinta xukuumada Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, oo muujiyay bisayl masuuliyadeed.

Gabogabada waxan ku hanbalyaynayaa mar labaad Xisbiga kulmiye hufnaanta iyo garashada ay ku loolamayaan, iyo ta ugu muhiimsan oo ah sida ay uga go' an tahay inaanay sidii hooyadii iyo aabahii sidiga ahaa ee sheekadan, ku talin in Ilmaha (somaliland) la dilo oo la kala gooyo, waa sida uu xisbiga talada hayaa ku taliyay oo weliba kaaga sii darane Golaha guurtiduna ku naqay garta, ilmahiina ku siiyaye !.


Dadka reer Somaliland waxan odhan lahaa, Qaranka iyo caqaar jaad ah ama dhadhamo maalin ah ha isku doorsanina, oo ubadkaaga u samee dal jira oo uu kaa dhaxlo, adigu waxuun baad malaha cuniye. Guurtida iyo cidii go' aankaa ku raacsanba waxan aaminsanahay inaanay yeelin sidii haboonayd, ee ay wacadkii baal mareen, lix bilood ka dibna bal aan sugno waxa soo yeedhi doona.

Somaliland ha jirto oo ha joogto

 

 

 

 

Cali Cumar Xasan