SOCDAALKII SAADAASHA WACAN..QAYBTII SEDDE XAAD..MUSTASHAR AXMED CARWO
Qaybtan seddexaad waxaan ku soo qaadan doonaa Xafladdii Bristol iyo
booqashadii la xidhiidhay. Labadii cisho ee 10ka iyo 11ka waxaan
markii iigu horeysay intaan UK imid gaadhay gurigeygii iyo Cardiff,
Guddoomiyahuna waxuu labdaas habeen gaadhay Birmingham. Kulanka
maanta waxaanu ka soo kicitimaynaa seddex meelood, Birmigham,
Cardiff iyo London oo wafdiga intiisa kale ku sugnayd. Ballanku waa
11.00 subaxnimo iyo Bristol.
Waanu gaadhnay badi wufuuddii reer Kulmiye oo ka kala yimid
magaalooyinka UK oo dhan, waxa se dhacday in wafdigii ka imanaayey
London ay la kulmeyn jidka oo xidhan shil ka dhacay oogeyd. Waxay ka
qaadatay 7 saacadood inay na soo gaadhaan. Kolkaan oganay waxaanu
bilownay shaqadii loo yimid. Ugu horreyn waxa noo bilaabmay kulan
albaabadu u xidhnaayeen oon la galnay haldoorka iyo aqoonyahanka
Bristol ee reer Soomaliland oo dhan. Iyagaa taas dalbaday, anaguna
aqbalka ayaanu lahayn.
Waxay ahyd kulan xogwareysi ah oo su'alo iyo fikir xor ah leysku
dhaafsaday. Guddoomiyahu waxuu uga jawaabay su'aal kasta si
tafatiran oo saraaxad ah. Waxuu tusaaleeyey caqabadaha dalka hor
taagan ee dhaqaale yari ah, ee aqoon yari ah, ee ictiraaf la'aan ah
iyo haddana guulaha waaweyn ee laga gaadhay intii Kulmiye xukunka
hayey iyo qorshaha cilmiyeysan ee u yaal horumarinta dalka.
Waxa xigtay kulan kooban oo odayada iyo waayeelka Kulmiye Bristol ay
booqasho, isbarasho iyo salaan ah, si gaar ah waxa kulan kooban nala
yeeshay Haldoorka ka soo jeeda Sool iyo Buuhodleh oo noo muujiyey
sida ay ula dhacsan yihiin wax qabadka Madaxweynha iyo xukuumadda
Kulmiye si gaar ahna u taabtay doorka wacan ee Kulmiye ku lahaa
diiwaangelinta goballadaas.
Qadadii oo ahayd mid boqolaal qof lagu casuumay ka dib maanu nasan
ee waxa noo qorshaysanaa kulan ballaadhan oonu la lahayn Mayorka
Magaalada Bristol Mr. Marvin Rees iyo boqoshada Xarunta degaanka
Bristol. Waxa ballanka ka soo shaqeeyey laba hablood oo aad muhiim
ugu ah Jaaliaydda Somaliland ee Bristol, waa xildhibaan Hibaaq
Jaamac iyo Nuura Abbe. Waxa naloo sharxay shaqo malmeedka Golaha
Degaanka, iyo miisaaniyadda Golaha. Guddoomiyahuna waxuu kala hadlay
isku xidhka Bristol iyo Somaliland, iyo kaalinta ay kaga jiraan
Jaaliyadda Soomaliland ee degan Bristol. Waxa kulan gaar ah dhinac
socday barnaamajka mataanaynta Bristol iyo Berbera ooy si gaar ah
ugu hawlantay Nuura Aabbe.
Wafdigii London ooy ka mid ahayeen Wasiir Salaymaan Xiglo-toosiye,
Wasiir Cabdillaahi Cukuse, Wasiir Cali Shoombe,waxay na soo gaadheen
habeenimadii iyaga oo aad u soo daalay bal se aan ka nasan hawsha
sugaysa. Waxa noo bilaabantay xafladdii Bristol iyo Cardiff ay
wadajirka ku soo abaabuleyn oo meel la kala fadhiisto la waayey, dad
badanina ay debedda tubaayeen. Aan idinku dhaafo sawirada xafladdii
oo idiin muujinaya farxadda iyo taageerda Kulmiye kala kulmay
Bristol ..
Dabcan waxa ugu muhiimsan kulanka Jaaliyadda iyo Wafdigu waa
xog-waranka iyo khudbadaha ay ka jeediyaan xubnaha Wadfiga. Aan
idinku dhaafo linkan halkan hoose iyo khudbadihii xubnaha wafdiga;
DAAWO OO KA BOGO KHUDBADO MUHIIM AH GUJI LINKAN HOOSE:
https://www.youtube.com/watch?v=J-fw5sVgUtM
Waxa xafladda soo xidhay Guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweyne ee
Kulmiye Muj. Muuse Biixi oo kaga hadlay khudbad kooban bal se
taabanaysa waayaha dalka, hiigsiga iyo himmilada Kulmiye, wax
qabadkiisa, carqaladaha ina horyaal, kaalinta qurbojooga mid qaran
iyo mid xisbiba. Guji linkan hoose oo ka boqo khudbad aad u qiimo
badan.
DAAWO HIIGSIGA IYO HIMMILADA MURASHA MUJ; MUUSE BIIXI
https://www.youtube.com/watch?v=WOW-26Evjhs
Gun iyo gabogabo..waxa bulshada Bristol caddeysay in xisbigoodu
yahay Kulmiye, inay yihiin qurbojoog qalbigoodu ku xisdhan yahay
dalka hooyo.
Guul iyo Wadajir
Mustashar Axmed Carwo
samotalis@gmail.com
|